Home » Islam, Warar »

Sidii looga Ciiday Seattle Washigton, Sweden iyo Gaalkacayo- Al-Adxa 2014

Sidii looga ciiday Seattle Washington, Gaalkackayo iyo Sweden Flen Daawo oo ka bogo

 

IMG_1293Magaalada Seattle Washington ayaa si wanaagsan looga ciiday, waxaana ciida soo qaban qaabiyey Masaajidka wayn Abubakr Islamic Center of Washington. Waxaa goobta ciida oo ahayn sida sunnaha ah buux dhaafshay muslimiinta ku noo Seattle Washington, dadka ayaa aad u faraxsanaa isuguna hambalyeynay ciida Al-Adxa ee 1435. Ciida waxaa tujiyey Imamka Masaajidka Abuubakar iyo Sheikha magaalada Seattle, Sh. Axmed Nuur, halkaasna kasoo jeediyey khudbo dhinacyo badan taabanaysa, Video-ga hoose uga bogo qaabkii loo ciiday.


______________________________________

Sweden
Magaalloyin badan oo ku yaala Waddanka Sweden ayaa maanta aad looga ciiday.
Magaallada Flen ayaa kamid ah magaalooyinkaas. Muslimiinta degan magaallada iyo kuwa badan oo kayimid magaallooyinka agagaarka ah darteed ayaa salaada ciid la kala tukaday labo jeer, raga waxay tukadeen 08:00 subaxnimo, halka dummarka 09:00 tukadeen masjidka Alhuda. Masjidka oo laba door ah ayaa aad u buuxsamay labada jeerba. Dadkii halkaa isugu yimid ayaa isdhaafsaday salaamo isu hambalyeen ah.

WQ: C/Caziiz Baliile

__________________________________________________

Magaalada Gaalkacyo ee si wayn looga ciiday (Sawiro)

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa saakay laga dareemayay jawi aad u dagan kaasi oo Bulsha waynta kunool Magaaladu ay ku gudanayeen Munaasabada wayn  ee Ciidul Adxaa.

Masaajida waaweyn ee Magaalada ayaa waxaa lagu Maqlayay Takbiirta tan arooryadii hore , waxaana kamid ahaa Masaajidda Ciida lagu tukanayay Masjidka weyn ee Ramadaan  iyo Masjidka Abuu hurayra.

Wadooyinka waaweyn ee Magalada ayaa waxaad ku arkaysaa Dadwayne isku jira Rag Dumar iyo Caruur oo ku labisan Dhar aad u qurux badan oo indhaha soo jiidanaya , iyada oo ay Wajiyada Dadka ka muuqatay Farxad aad u wayne.

Masaajidka Abuu hurayra oo kamida Masaajiddii sida wayn loogu ciiday ayaa waxaa kamid ahaa Dadkii kusoo tukaday Qaar kamida Wasiirada Punt land sida Wasiirka Waxbarashada Punt land Cali Xaaji Warsame, Gudoomiyaha Gobolka Mudug Muxamed Yuusuf Tigey , Duqa Degmada Gaalkacyo C/casiis Muxamed Guuled (Nugaal) iyo kuxigeenkiisa Yacquub Maxamed Cabdalle .

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11)

Waxaana dhamaan Masuuliyiintaasi ay Bulshada waynta ugu Hambalyeeyeen Munaasabada Ciidul Adxaa iyaga oo kula dardaarmay inay Amnigooda ilaa shadaan.

Masaajidka Ramadaan oo ah Masaajidka ugu wayn ee Magaalada Gaalkacyo waxaa Salaadii Ciida kadib Khudbada Ciida soo jeediyay Dr.Aadam Muxamed Cigaal waxaana uuna Dardaaramo kala duwan usoo jeediyay Bulshada qaybeheeda kala duwan Dhalinyarada , Dumarka ,iyo Odayaasha waxaana uu sheegay in laga doonayo Dadwaynaha Gaalkacyo ku nool inay Midoobaan kana hortagaan wax walba oo Horumarkooda ka hor imaanaya.

Dr.Aadam waxaa uu aad ugu booriyay Dadka inay Amaankooda ilaashadaan kana fogaadaan wax walba oo khal khal ku keeni kara Amniga

Sikastaba ha ahaatee inta badan Dadwaynaha Magaalada Gaalkacyo ayaa Maantay u dabaal dagayay Munaasabada Ciidul Adxaa iyada oo ay jireen Qaar kamida Culimada Suufiyada oo iyagu ka hor yimaaday inay Maanta Ciid tahay.

Faafin: Somalitalk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.