Home » Alwaqaar, Faallo »

Gabadhu si ay u noqoto marwo iyo hooyo maxay u baahantahay?

alwaqaar

Qormadaana waxaynu kusoo bandhigaynaa waxyaabaha xaqiiqa ahaan looga baahanyahay gabadha si ay marwo iyo hooyo u noqoto, waxyaabahaas oo diin ahaan iyo nolol ahaan loogu baahnayahay, waana kuwaan soo socda:

1- nin geeyaan ah (diin iyo akhlaaq leh).
2- say ninimo ugu filan
3- nolol ahaana dhaqan kara (masruuf lugu noolaado u heli kara ama usoo shaqayn kara).
4- hoy ku filan iyada iyo saygeeda u heli kara (hal qolba ha ahaadee).

Arrimahaas oo dhan labo xadiis baa sheegay (ninkii idiin yimaada ee aad ka raalli tihiin diintiisa iyo akhlaaqdiisa u guuriya), waana qodobka 1aad, (dhalinyarooy ninkii awooda ha guursado) oo kulansanaya qodobada 2aad ilaa 4aad.

Kolka intaas la helo oo gabadha loo guuriyo, lana aqalgeeyo marwo ayay noqotay, hooyana way usii dallici doontaa, idanka Alle.

Gabadha sidaas loogu guuriyey ninkeeda waxay u noqon xaas, wax ka maqan oo marwonimadeeda ka dhimana ma jiraan, wax dhalmada iyo hooyanimada u diidayana ma jiraan.

Hadhow gabadhaas iyo ilmeheeda midna lugu arki maayo wax calaamad ah oo muujinaya inaan aqal weyn lugu aroosin ama xaflad weyn loo qaban ama meher qaali ah la siin ee waxaaba dhici karta inay ka nolol fiicnaato dumarkii kharashka badan lagu guursaday, ayna ka carruur fiicnaato.

Ugu dambayn gabdheheena inay marwooyin iyo hooyooyin noqdaan ayaan la jecelnahay, nabigeenuna aakhiro gabdheheena ubadkooda ayuu ummadaha kale kula tartamayaa ee shuruuda diintu sheegtay ha ku gaabsadeen, hana noo guursadeen, anagana (ummad ahaan) wax weyn noo tari mayso gabar sariir ku seexatay ee waxaa waxtar noo noqonaya ubadka ay noo dhalayso.

FG: Qormada dambe waxaynu ku eegaynaa si wiilku u noqdo SAY IYO AABBE MAXAA LOOGA BAAHANYAHAY?.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.