Home » Warar »

Dagaal ka dhacay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka aynu ka heleyno degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay salaaddii subax kaddib uu halkaa weerar ka dhacay. Weerarkanayaa la sheegaya in ay soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Shabaab kuwaasoo bar tilmaameedsanayay Fariisimada Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom ay ku leeyihiin Magaalada dibadeeda.

Dadka degaankaoo xili sii horeeyay Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka Rasaasta labada dhinac ay is weeydaarsanayeen hase yeeshee aanay cabiri Karin khasaaraha iyo qaabka uu dagaalkaasu u soconayo.

Rasaasta oo muddo kooban dhacaysey ayaa goor dambe istaagtay iyadoo gaadiidka waa weyn ee Ciidamada Amisom oo ay ka mid yihiin kuwa Qafilan ay gudaha u soo galeen magaalada in kastoo aan la sheegin wax Xabada ah oo ay gudaha magaalada ka rideen.

image

Urur Goboleedka IGAD oo ka hadlay Shirarka Maamul u samaynta Soomaalida.

Iyadoo maalintii shalay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose lagu soo gaba abeeyay Shirkii dib u heshiisiinta Beelaha dega gobolada Jubbooyinka isla markaana Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo uu shir kale ka furmay ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Danjiraha IGAD u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey. Danjiraha ayaa sheegay in shirarkaas ay lasocdaan gaar ahaan shirka shalay lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Kismaayo. Danjiraha ayaa sheegay in Ururkooda IGAD uu ka qayb galay furitaankii Shirkaas isla markaana ay Xukuumadda Soomaaliya Mas’uuliyiintooda ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen shirkaas oo ahaa mid dib u heshiisiin ah islamarkaana doorkii looga baahnaa ay ka ciyaareen. Danjire Afeey ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa Heshiiskii Addis-ababa furitaankiiisna uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale ayuu Danjiruhu soo hadal qaaday shirka laga furayo degmada Cadaado isagoona xusay in ay tegayaan shirkaas haddii loo baahdo kaalinkoodana ay ka qaadan doonaan isagoona xusay in dhamaan shirarkii dhacay iyo kuwa la sugayaba in Ururkoodu uu ku bixiyay Dhaqaale, Siyaasad iyo Taageera kaleba Xukuumaddana ay kala shaqeynayaan sidii Maamuladaasu ay u noqdaan kuwo mira dhala una hiorseeda Soomaaliya dhisma qaran
Maxamed cabdi Afeey ayaa ugu baaqayxukuumadda Soomaaliya in ay xal u raadiso Ereyada ah looma dhama oo uu ka soobilaabay Shirkii Carte, kii Inbigaati iyo kii Jabuuti oo dhamaantoodba uu sheegay in lagu fashiliyay xukuumadihii lagu soo dhisay Dawladihii ku meel gaarka ahaa.

Cabdi Qaybdiid oo gaaray Degmada Cadaado ee Maamulka Ximan Xeeb

Hoggaamiyaha Maamulka Gal mudug State iyo wafddi uu hoggaainayo ayaa habeenkii xalay ahaa tegay Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-Gaduud.Hoggaamiyaha Maamulka Gal Mudug State ayaa halkaa u tegay si kulamo uu ula qaato Maamulka Ximan iyo Xeeb si uu ugala hadlo dardar gelinta hawlaha Maamul Goboleedka loogu dhisayo Gobolada mudug iyo Galgaduud. Afhayeenka Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa war baahinta u xaqiijiyay in wefdigaas uu hoggaaminayo Cabdi Xasan Cawaale in ay soo gaareen Degmada Cadaado kuwaas oo uu sheegay in ay la kulmayaan kalana hadlayaan hawlaha shirka la filayo inuu dhawaan ka furmo degmadaas.Carays Xaaji Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Hoggaamiyaha maamulka Gal Mudug uu la kulmi doono Maamulka Ximin iyo Xeeb oo iyadu dhigtay Gogasha Shirka maamul u samaynta Gobolada Gal Mudug iyo GalGaduud

Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hawl galo ka fulisey Waddooyinka soo gala Magaalada Muqdisho.

Tan iyo markii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay shaaca ka qaadday in ay sugayso ammaanka Magaalada Muqdisho inta lagu jiro Maalmaha Faraxdda Ciidda ayaa Wasaaradda Amnigu waxa ay samaynaysey hawl galo joogta ah oo lagu sugayo ammaanka Magaalada.
Hawlgal Ciidamada Nabad-sugiddu maalintii shalay ay ka sameeyeen degaanka Ceel Cirfiid ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay tiro dhallinyara ah oo looga shakiyay inay xiriir laleeyihiin dagaalyahanada Xarakada Shabaab. Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo shalaygelinkii dambe shir jaraa’id ku qabtay Degaanka Ceel Cirfiid ayaa ka warbixiyay hawl galkaas iyo dadka lagu qabtay.

Maxamed Yuusuf Cusmaan afhayeenka ayaa sheegay in Hawl galkan uu ka mid yahay hawl galada ammaanka lagu sugayo isla markaana ay jiraan warar dadweynahu soo gaarsiiyeen Ciidamada Sirddoonka Soomaaliya kuwaasoo u sheegay in ay jiraan dhallinyaro ka timid dhinaca degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe kuwaasoo la ogaaday waa siduu hadalka u dhigaye in ay ka tirsanaayeen Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.