Home » Warar »

Abaaraha ka jira Ogaadeenya oo galaaftay dad & duunyaba.

Wararka aan ka helayno Ogaadeenya ayaa sheegaya in ay jiraan kulayl aad u badan oo ka jira guud ahaan Gobalada Ogaadeenya kaas oo sameeyn weyn ku yeeshay dad & duunyaba.

Dad aad u badan ayaa usoo bara kacay Magaalooyinka waa weyn ee Ogaadeenya kuwaas soo cararay oonka & gaajada ay saamaysay Abaartu ayaga oo la sheegayo in ay duunyo badan u dhinteen abaarta oo ugu daran meelaha ka fog ceelasha gaar ahaan waxa dhimanaya ayaa ugu badan xoolaha nugulka ah sida Loda Adhiga iwm.
image
Dawladda Ethiopia ayaa ayadu wax dan ah oo ay ka leeyihiin abaarahaas aan jirin wadankuna wuxuu ku jiraa cunaqabatayn laga soo bilaabo sanadkii 2005 oo laga go’doomiyay dhamaan ganacsiga ay dadku la lahaayeen gobalada dalka Soomaaliya.

Ururka ONLF ayaa bayaan ka soo saaray uu kaga hadlayo dhibaatada baahsan ee ka jirta guud ahaan Ogaadeenya isaga oo ururku ku edeeyay xukuumada Ethiopia oo ka go’doomisay dhamaan nolasha aas-aasiga ah ee ay bulshada ku nolaayeen taas oo sababtay in ay u dhintaan dad & duunyo xoolo waana ku dhaca dadka xoolo dhaqatada ah.

Sidoo kale Ururka ONLF ayaa Bulshada Caalamka oogu baaqay in Dadka tabaalaysan lala gaadho gar gaar bini Aadanimo isla markaasna xyiraada Gobalka Ogaadeenya saaraan laga qaado si loo bad baadiyo kumaankun dad ah oo dhibato noocwalba ah haysata.
Majiraan hay’ado caalami ah oo ka howl gala dalka caawiyana dhibaatada faraha badan ee ka jirta gobalka Ogaadeenya ee go’doonka ka ah guud ahaanba caalamka intiisa kale, warbaahinta caalamaka & mida lookalka ah ayaan midna laga ogaleen in ay ka howl galaan.

Dhibaatada aadka u xooga badan ee laga soo sheegayo Ogaadeenya ayaa ah kuwa marar badan soo noq-noqta waxaana dalka ka jira dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ururka ONLF & Ethiopia wuxuuna dagaalkaas ka socdaa dalka mudo aad u badan laga soo bilaabo sanadkii 1994 ilaa hadda.

Inkasta oo ay jiraan waan waan laga dhex wado Ururka ONLF & Ethiopia oo ay wado dawladda Kenya oo sanadkii 2012 lagu guulaysnin walina waxaa socda u kala dabqaadka ONLF & Ethiopia oo laga yaabo in markale miiska la soo wada fadhiisto si xal waaro loo gaadho.

Mohamed Ibrahim
Wariye Madax Banaan

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Abaaraha ka jira Ogaadeenya oo galaaftay dad & duunyaba. "

  1. OK says:

    WAR OGAADENIYA MAAHA DEGAANKU EE waa WSLF ee hada garo qabyaalada jooji