Home » Warar »

Golaha Immaamyada iyo Wasaaaradda Amniga oo Hambalyada u diraya Ummada Soomaaliyeed

Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika iyo Wasaaaradda Amniga oo Hambalyada Ciidul Adxa  u diraya Ummada Soomaaliyeed

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على المبعوث رحمة للعالمين نبينا محمد وعلى آله وصحبه والتابعين ومن تبعهم بإحسان إلى يوم الدين 

Dhamaan muslimiinta meel ay joogaanba waxaan u diraynaa tahniyada ciidul Adxa sanadka 1435/2014, ciid mubaarak, taqabalalaahu minnaa waminkun saalixal acmaal, illaahay waxaan kabaryeynaa inuu inaga aqbalo cibaada wanaagsan ee aan illaahay ugu dhawaanay maalamahaan bisha xurmada leh ee dulxijja iyo xiliyada kaleba.

Si gaar ah Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay ku ciida ciidwanaagsan, illaahayna ciido kale oo badan ha inoo soo celceliyo. Dhamaan ummadaha Muslimiinta ah iyo annaga Soomaali ahaanba, waxaan illaahay uga baryeynaynaa in ciidaha soo socda ay noqdaan kuwo dhinac kasta uga khayr badan kuwii kasii horeeyey.

c logo

Boorrin

Golaha Immaamyada Waqooyiga Ameerika wuxuu ku boorinayaa dhammaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Ameerika  inay bishaan iyo billaha kaleba khayrka kororsadaan, cibaadadana laban laabaan, Bari oo ciida waa maalinta ugu fadliga badan maalmaha illaahay abuuray, sidaa daraadeed waa in lagu dadaalaa waxkasta oo illaahay dhawaan shihiisa lagu gaarayo, sidoo kale maalmaha hilba warashadda. Sida ka sugan Nabiga(scw)

عن عَبْدِ اللَّهِ بْنِ قُرْطٍ عَنْ النَّبِيِّ – صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ- قَالَ:” إِنَّ أَعْظَمَ اْلأَيَّامِ عِنْدَ اللَّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى يَوْمُ النَّحْرِ ، ثُمَّ يَوْمُ الْقَرّ “. صحيح سنن أبي داود 

“Cabdullaahi ibnu Qurdhii, wuxuu ka wariyey inuu yiri Nabiga (scw) Maalmaha ugu wayn illaahay agtiisa waa maalinta dhuun dhowga iyo maalinta mina la joogo oo ladagayo” Sida xadiiska aan ka arkayno maalinta ciidul adxaa waa maalinwayn, dadka inta badana waxay ku mashquul sanyihiin dabaaldag laga yaabo in dadka qaar ay ku dhacaan wax yaabo aan ku banaanayn diinta ciid iyo ciid la’aanba, sidaa daraadeed waa in loo dabaal dagaa sida sharcigu inoo ogolyahay.

eid-adha

Dardaaran:

Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika waxay u dardaarmayaan dhammaan ummada Soomaaliyeed inay ku dhaganaaddaan diintooda iyo caqiiqada ahlusunnah waljamaacah, kana dig doonaadaan caqiidooyinka aan saxiixa ahayn sanadahan danbena docodocaynayey ummada Soomaaliyeed.

Ummada Somaaliyeed inay ulla noqdaan masaa’ilka diinta culummada ehelka u ah, alla kacabsi,xalaal miirasho iyo aqoona ku sifoobay. Sidoo kalena illaahay ummada dhexdeeda qubuul iyo kalsooni u dhigay.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha gaar ahaan, Maraykanka waxaan u dardaarmaynaa inay garab istaagaan Masaajida iyo xarumaha diinta ee ay ka hirgaliyeen wadammadda ay daganyihiin, sidii ay u gaarli lahaayeen ujeedadii loo aas aasay, oo ay ugu horayso inay iyaga iyo abadkooduba ku bartaan diintooda kuna  illaashadaan caqiidadooda.

Xuramaha hirgalintooda oo ah howl muhiim ah, waxaa ka culus wadidooda si ay u xaqiijiyaan ahdaaftii loo unkay, arintaasna waxaa dhacda in dadka qaar fududaystaan, waxaan xoojinaynaa in howshaas xil gaar ah la iska saaro.

Ugu danbaytii waxaan ummada Soomaaliyeed meel ay joogaanba illaahay uga baryeynaa inuu ka xifdiyo shar oo dhan, midnimana iyo is ogolaanshana dhexdooda dhigo,  una soo celiyo haybadoodii iyo karaamadoodii Diineed, akhlaaqeed, ehel ahaaneed iyo qaran ahaaneed. Markale Ciid wanaagsan.

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee Golaha Imaamyada ee Waqooyiga Ameerika

Sheikh Abdullaahi Nuur (Abul Fadli) Minneapolis, MN USA

somimaams@gmail.com

____________________________________________________
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka ahna ku Simaha Wasiirka Wasaaradda ayaa Hambalyo ku aaddan CIIDUL ADHXA udiray dhamaan caalamka ISLAAM ka gaar ahaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Mudane Daauud Abdikarim Sh Cumar Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka ahna ku Simaha Wasiirka Wasaaradda, ayaa Hambalyo gaar ah u diray dhamaan Ciidamada Qalabka sida ee Soomaliyeed,  xaasaskooda iyo Caruurtooda, Hambalyada Munaasabaddani Qiimaha badan ee CIIDA, isagoona ku amaanay doorka Ciidanka AMNIGA ay ka qaateen Sugidda Nabad gelyada Shacabka Soomaaliyeed.

“ Waxaan Ku Amanaaneynaa Hayadaha Amniga sida adag oo ay u sugeen xaaladda Amniga dalka gaar ahaan magaalada Caasimadda Muqdisho, xili aan ognahay in kooxaha cadowga umadda Soomaliyeed ay rabeen iney dhibaateeyaan Shacabka farxadda ku Ciidaya”  ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka ahna ku Simaha Wasiirka Wasaaradda mudane Daa’uud Abdikariin Sh Cumar.

Sidoo kale Ku simaha Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda ayaa Shacabka Soomaaliyeed ku Amaanay sida markasta ay ula shaqeeyaan Hayadaha Amniga dalka, una garab taagan yihiin marwalba, wuxuuna gaba gabadii ka codsaday iney sii laba jibaaraan Shacabka wada shaqeynta kala dhaxeysa Laamaha Amniga Dalka.

Mohamed Yusuf
myusuf.mons@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.