Home » Warar »

Hay’adda HARO oo Biyo Dhaamin ka Bilaawdey Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo Xilli ay Abaaro ka jiraan.

Iyadoo Deegaano ka tirsan Dalka ay ka jiraan Abaaro Saameeyey dadka iyo Duunyada ayaa Hay’ada Huminetrian African Relief Organization (HARO) iyadoo taas ka duuleyso ayaa waxay Biyo Dhaamin ka Bilowdey Deegaano ka tirsan Gobolka Gedo oo laga soo sheegey Biyo laan aad u daran iyo Abaaro .

Hayada HARO ayaa Deegaanada kala ah Daballo , Naaxiyo, Haarta Cad, Cabdi Ducaale, labi Dhukaan, Tuulo Ceel Dheere, Kamoor Buule, Qoriyow, Haro Faarax , Dhamas, iyo Haroo oo dhamaan ka tirsan Gobolka Gedo gaar haan Buulo Xaawo waxay ka bilowdey Biyo dhaamin aad u Balaaran taasoo la sheegey in ay ku diirsadeen Dadka ku dhaqan Deegaanadaas oo ku jirtey Xaalad aad u adag .

Masuul ka tirsan Hayadda HARO oo aan wax ka weydiiney Xiliga ay bilaabeen Biya dhaamintaas ayaa sheegey in Hayada ay mar hore Bilowdey Biya dhaamintaas iyadoo adeegsaneysa in marka hore Biyaha Deegaanadaas lagu geeyo Booyado ka dibna waxay Hay’ada Baco ku meel gaar Biyahaas ay ku shibeysey si dadka uga Dhaansadaan.

Hay’ada Mar aan waxa ka weydiiney Cida Soo dhiibtey Kharashka Biyaha lagu dhaaminayey ayuu sheegey mas’uulkaas in ay soo dhibeen Walaalaha Muslimiinta ee Waqooyiga Ameerika kuwa oo Kharaashkaas ugu Talagaley Dadka ay saameeyeen Abaaraha iyo Biyo La’aanta .
somali171
Dadkii Biyahaas loo geeyey ayaa u Mahadceliyey Walaalaha Muslimiinta ee Waqooyiga Ameerika ee Deeqdaas soo dhiibey sidoo kale waxay u mahadceliyeen Hayadda HARO oo ahayd Hay’adii soo gaarsiyey Biyahaas waxayna ilaah uga baryeen Badel ka Khayr badan, Sidoo Kale Dadkii ka faaideystey Biya Dhaamintaas ayaa waxay Codsadeen Ummada soomaaliyeed ee ku nool Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa in ay u soo Gurmadaan dadka ay Abaaraha Saameeyeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.