Home » Warar »

Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Wafddi uu Hoggaaminayo oo u dhoofay Dalka Mareykanka

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafddi uu hor kacayo oo ka duulay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh iyo wefdigan uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda Magaalada New York ee dalka Maraykanka halkaasoo uu kaga qayb galayo Shirka Caalamiga ee halkaa ka furmaya dhawaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sida la filayo wuxuu shirweynaha Caalamiga ah ee ka dhacay New York isagoona kaga hadli doona wax qabadka xukuumaddiisa mudadii labada sana ahayd ee ay dhisneed Madaxweynaha ayaa sidii horeba loo shaaciyay inta uu ku sugan yahay Dalka Maraykanka wuxuu kulan xasaasi ah la qaadan doonaa Madaxweynaha Dawladda Kenya Uhuru Kenyata oo ay ka wada hadli doonaan Muranka Xuduudda dhinaca Badda ah ee u dhaxeeya Soomoaliya iyo Kenya iyadoo dhawaan Soomaaliyana Maxkamadda Caalamka u gudbisey Dacwad ka dhan ah Kenya oo ku soo xad gudubtay Biyaha Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuruuoo ku Goodiyay inuusan marnaba Ciidankiisa ka saareyn Soomaaliya.

Sida ay qoreen Jaraa’idka ka soo baxa Magaalada Nayroobi ee Carriga Kenya Madaxweyne Uhuru Kenyata ayaa ka hadlay Ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo sababihii ay halkaa u tageen. Madaxweynaha oo ka hadlayay Munaasibad lagu xusayay sanad guuradii Koowaad ee ka soo wareegtay Weerarkii Westgate ayaa sheegay in ay tahay maalin Murugo isla markaana Dad shacab ah oo aan waxba galabsan Xasuuq loo gaystay. Uhuru Kenyata ayaa soo hadal qaaday Ciidamadauu dalkiisa u diray Soomaaliya kuwaasoo uu sheegay waa siduu hadalkau dhigaye in Walaalahooda Soomaaliya ay ka caawinayaan la dagaalanka Shabaab oo uusheegay in labada shacaba uu cadow u yahay sidaadarteedna ay Ciidamadooda sii joogi doonaan Somaliya. “Soomaaliya waxaan u tagnay in Shabaab la dagaalano welina wuu socdaa Dagaalka sidaa darteed marnaba ka soo saari meyno Ciidankeena gudaha Soomaaliya” ayuu si caro leh Madaxweynaha isagoona soo hadal qaaday Weerarkii Westgate oo ay sheegteen Shabaab. Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in inta Xukuumadda Soomaaliya Cagaheeda isaga taagayso in Ciidanka Kenya ay ku sugnaanayaan Soomaaliya marnabana aan laga saareyn isagoona amaanay guulaha Ciidankoodu ay ka soo hooyeen la dagaalanka Shabaab.

Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo ka Digay Dagaal Magaalada Gaalkacyo.

Hoggaamiyaha Maamulka Gal Mudug State Cabdi Qaybdiid oola hadlay Warbaahinta ayaa ka waramay Maamulka puntland oo faragelin ka wada degaanada uu ka arrimiyo Maamulkiisa. Cabdi Qaybdiid ayaa si dhimrin ah ugu sheegay in labada Maamul ee ka wada arrimiya Magaalada Gaalkacyo ay ilaaliyaan heshiisyadii hore ay u wada galeen isla markaana laga fogaado wixii khilaaf gacan ka hadal ah keenaya in laga fogaado. Hoggaamiyaha Maamulka Gal Mudug State ayaa soo hadal qaaday xirnaanshaha Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo ku yaala Koofurta Gaalkacyo oo maamulkaas hore u xiray taasoo uu sheegay inaysan ahayn arrin wanaagsan.Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay in Seddax Maalmood ka hor uu isagu shakhsiyan doonayay inuu Garoonkaas ka dhoo fo hase hase yeeshee Safarkiisa ay Carqaladeeyeen Maamulka Puntland oo uu sheegay in diyaaradihii halkaas ay ka mamnuuceen iyagoo laga hor istaagay in halkaas ay soo fariistaan.Hoggaamiyaha Gal Mudug ayaa baaq u diray Beesha Caalamka iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyaba isagoo ugu baaqay in ay la socdaan tallaabooyinka uu Maamul;ka Puntland halkaa ka wado.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray Xarun looga shaqaynayo Amniga.

Guddoomiyaha maamulka Gobolka Banaadir Mungaab ayaa Degmada Xamar Jab-Jab ee Magaalada Muqdisho ka furay Xarun looga shaqeynayo amniga Degmadaas.Munaasibaddii Xaruntaas lagu furayay oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa ugu horeynba waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Xamar JabJab oo ka warbixiyay qaabkii Maamulka Gobolku u dayactirsay Xaruntaas oo si weyn dib u habayn lagu sameeyay.Guddoomiyaha Degmada Xamar Jab Jab ayaa arrinta dhismahan ku sheegay horumarka uu Gobolku ku tallaabsanayo qayb ka mid ah isagoona mahad ballaaran u jeediyay Maamulka Gobolka Banaadir oo ku hawlan dib u dhiska iyo soo celinta Bilicdii Magaalada Muqdisho.Mungaab ayaa ugu yeeray shacabka ku dhaqan degmadaas inay gacan siiyaan lana shaqeeyaan Ciidamada ammaanka isagoona ka codsaday in farta ku fiiqaan ciddii falal amnidarra ah ka gaysanaysa Degmada Xamar Jab Jab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.