Home » Warar »

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya o sheegey in ay Diyaarsadeen Qareeno iska Difaaca Dacwda Biyaha Badda ee Dowlada Soomaaliya Gudbisey.

Tan iyo markii Dawladda Soomaaliya Dacwadda u gudbisey Maxkamadda Sare ee Caalamiga weydiisatayna in la soo faragaliyo Muranka Dhinaca Badda ah ee kala dhaxeeya Xukuumadda Kenya, waxaa soconayay dadaalo dhinacyo badan oo ay samayneysey Xukuumadda Nairobi Biyaha Sharciga ah ee Soomaaliya

agkenyaXeer Ilaaliyaha guud ee Dalkaas ayaa shaaca ka qaaday in ay Diyaarsadeen Qareeno fara badan oo Kenyan iyo Ajaaniib isugu jira oo ka difaaca Dacwadda Soomaaliya ay ku furtay.

Porf. Githu Muigai Xeer Ilaayaha dalkaas ayaa sheegay inay isu diyaarinayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen Dacwadda ka taala Kenya ee ku aadan Muranka Dhul Badeedka ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya iyadoo ay soconayaan la tashiyo lala samaynayo Khubaro Qareeno ah oo loo soo bandhigyo Nuxurka Dacwaddaas.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Kenya ay doonayso in diilinta loo jeexo si toos ah halka Soomaaliduna ay ku doodayso in Xadka Dhulka lala raaco Calaamadinta Biyaha sidii uu markii horeba ahaa ama adduunkuba aqoonsanaa Xadka Biyaha Soomaaliya.

Kenya ayaa markan wadda isku day kasta sidii ay ugu Guulaysan lahayd damaceeda ah in Biyahaas qaabka ay doonayso loo Calaamadiyo iyadoo haddii taasi ay ku guulaysan weydo Kenya ay waayi doonto Dhul aad u ballaaran oo Kheyraad Dabiici ah uu ka buuxo sida Shidaal iyo Kalluun.

Xeer Ilaaliyaha ayaa u sheegay Warbaahinta ka soo baxa dalkaas in haddii Soomaaliya loo xukumo Dhulkaas ay Kenya ku waayi doonto Dhul muddooyinkii dambe ay ku taamaysey inay iyadu lahaato horeyna ay u sahansatay Kheyraadka dhulkaas ku jira isagoona ku celiyay in xoogga ay saari doonaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen Dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisey Bishii aynu soo dhaafnay loona gudbiyay Maxkamadda Sare ee Caalamiga.

Kenya ayaa ka hor Dacwaddan ay iminka ku soo buraaragtay waxa ay wadday isku day ah in Mas’uuliyiinta Soomaalida ay sa sabato kuna beer laxawsato in arrinta si Xaal Mastuur ah lagu dhameeyo taasoo ay hore uga Biya diideen Barlamaankii ku meel gaarka Soomaaliya oo ku tilmaamay doonista Kenya mid aan marnaba suurtoobayn.

Si Kastaba Keenya ayaa si weyn suxul duub ugu jirta sidii ay u heli lahayd Dhulka intiisa badan si kheyraadka halkaa ku jira Dhaqaalaha dalkeeda ay ugu kabato in kastoo dhinaca Soomaalida lagu dhaliilayo inaysan jirin ku buraarugsanaan arrintaa ku aadan oo arrinta ay Sahashanayaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Hoos ka daawo Waraysigii Billow Kerrow oo ka tirsan Aqalka Senate-ka Kenya oo ka hadlay dacwadda Soomaaliya – waraysi codka Maraykanka

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Xeer Ilaaliyaha Guud ee Kenya o sheegey in ay Diyaarsadeen Qareeno iska Difaaca Dacwda Biyaha Badda ee Dowlada Soomaaliya Gudbisey. "

  1. bur burkii somalia iyo dowlad la’aantii waxay sababtay in dhulkeeni kii maqnaa iska dayee intii yareed laha waysto shacabka somaliyeed waa inay ogadaan dowlad la’anta iyo nidaam la aanta dhibka ay leedahay.

    waxaa calool xumo igu haya oon mar walbe lafakaraa lana seexan wayaa masiirka umada somaliyeed halka uu ku danbayn doono.

    hamigeeni ahaa inaan shantii somalia laysku keeno wuu jabay waxuu hami geenu noqday inaan ka fakarno labadii lixdanka say dowladnimadii oogu soo noqon lahayd

    ani waxaan ahay arday kasoo jeeda somali galbeed waxaan rajay nayaa mar uun inaan arko anoo muqdisho la iiga taliyo

    kenya NFD ayay haystaa wax kadaba hadla markay wayday waa garteed inay badii somalia dmacdo waayo cid ay kabaqayso ma jirto.

    sidoo jale somalia waxaa kamaqan jazeerad aad muhiim u ah waxaana haysta yaman waa jazeerada suqadra.

    su aasha aan qabo waxaa weeye oon waliba jeclaan lahaa in somalitalk.com iiga soo jawaaban hadii lacalaa maxkamada ay somalia u xunkunto dhul badeedkan malaga yabaa in jazeerada suqadra somalia laraaciyo ileen xuduud badeeda somalia oo dhan waa laqeexiye????????

  2. hantidhowr says:

    Wacyi xumadda Qeyraadka dalka iyo sidii looga faa;ideysan lahaa waxa looga bixi karaa in maadadda joqoraafiga lagu dhigo iskuuladda iyo dhamaan macaahidda sare ee dalka. si looga baxo ama looga dubo boobka bahalnimadda ay damacsan tahay dalka kenya.

    waxaa kaloo loo baaahan yahay in dowladda iyo shacabka soomalaiyeedba xil weyn iska saaraan iney ilaashadda qeyraadka dalka uu leeyahay.

    waa in sidoo kale qarash lagu bixiyaa soo celinta iyo dhisadda ciidanka difaaca Badda Soomaaliya, oo iyagu ilaalin jirey Hanatida qaranka Soomaaliya.