Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Birmigham

Warsxaafadeed ….17,09,2014 … Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda iyo Mudanayaal ka tirsan Soomaaliya Soomaaliya Baarlamaan ayaa xalay ka qaybgalay munaasabad balaaran oo ka dhacday magaaladda Birimingham ee dalka Britain oo jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku soo dhoweynayeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa oo London u yimid ka qayb-galka shir gaar ah oo diiradda lagu saarayo amniga iyo tayaynta ciidamadda Soomaaliya.

image

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay boqolaal Soomaali ah ayaa ka warbixiyay horumaradda ay dawladda Soomaaliya ku talaabsatay iyo dadaalka ay ugu jirto xoojinta amniga, xoraynta goobaha ay wali dalka kaga sugan yihiin kooxda Al-Shabaab, dhismaha Maamulada, hirgalinta nidaamka Federaalka, dib u heshiisiinta, suuragalinta in 2016 ay dhacdo doorasho. Waxaana uu kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan ka gaystaan dadaaladda socda.

“ Waxaan ugu baaqayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Britain in ay gacan ka gaystaan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya ee dawladdu ay ku howlan tahay kadib burburkii xooganaa ee dalka ka dhacay. Waxaa loo baahan yahay in aqoontiina iyo khibradiina aad uga faa’iidaysaan dalka Soomaaliya oo xiligan ay dawladdu ka wado dadaalo lagu hubinayo in mar kale dib loo soo celiyo sharftii Soomaaliya.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa galabta waxaa uu khudbad ka jeediyay xarunta Chatham House isagoo ka hadlay howlgaladda ka socda dalka ee kooxda Alshabaab looga xoraynayo goobaha ay wali kaga harsan yihiin dalka Soomaaliya.

END

Waaxda Warfaafinta,
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
E: Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.