Home » Warar »

Prof Cabdi Samatar oo qeexay Ujeedka Kenya ka leedahay Biyaha Badda Soomaaliya.

Prof Cabdi iimaaciil Samatar oo si weyn uga hadla arrimaha Soomaaliya ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka fog ee Xukuumadda Kenya ay leedahay Muranka ay ka furtay Biyaha Sharciga ah ee Soomaaliya. Prof.ka ayaa sheegay in Keenya oo muddo dheer ku hamiyaysey sidii ay ula wareegi lahayd Biyaha Soomaaliya ayaa sheegay in hadda uun Indhaha ay ku kala furtay Dacwaddii Soomaaliya u gudbisey Maxkamadda Sare ee Caalamka.
image
Kenya ayaa waxa ay wadataa qorshe ay ku doonayso in qaybo ka mid ah Biyaha Soomaaliya ay la wareegto iyadoo ka faa’ideysanaysa kala daadsanaanta iyo burburkii Soomaaliya ka dhacay.Samatar ayaa intaa ku daray in Madaxda Soomaalida ee haatan jirta ay yihiin waa siduu hadalka u dhigaye kuwo aan aqoon buuxda u lahayn arrintan keliyana ay yihiin kuwo ku mashquulsan sidii ay Kursiga ugu fariisan lahaayeen hase yeeshee Xukuumadda Kenya ay tahay Xukuumad jirta wax badana kala socota Xeeka Badaha Adduunka.

Ujeedka Dhabta ah ee Keenya ka leedahay Biyahas ayuu sheegay Cabdi ismaaciil in halkaas laga helayo Kheyraad fara badan oo dabiici ah oo uu Kalluunka ka mid yahay iyo Macadanaha kala duwan.Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Kenya ay ogaatay haddii Dacwadda Somaaliya ay gaarto Maxkamadda Caalamiga in Kenya ay u soo harayso Dhul Biyood aad u kooban sidaa darteedna ay doonayso ama ay isku taxlujinayso sii arrinta Biayaha loogu dhamayn lahaa Xeer Jajab Soomaaliyana looga dhaadhicin lahaa in si Walaalnima ah arrintaas lagu saxiixo taasoo haddii Soomaaliya Saxiixaas laga helo uusan dib dambe u soo laaban doonin Dhul Biyoodka Soomaaliya sharci ahaanta ay u leedahay.

******

Wararka kale ee soomaaliya hoos ka akhri

***********

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh oo shaaca ka qaaday in Qaxootiga Soomaalida aan haatan dib loo celinayn.

Cabdiweli Shiik Axmed Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya oo haatan booqanaya dalka Ingiriiska ayaa waraysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBCda wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah.Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynba ka warbixiyay safarkii uu ku tegay Xeryaha Qaxootiga ee Dha Dhaab iyo waxyaabihii uu ku soo arkay isagoona sheegay in ka badan Labaatan sano oo dadkaasi ay qaxootiku ahaayeen halkaas aan loo qaban wixii ay u baahnaayeen.

Ra’iisulwasaaraha ayaa xaalad aan wanaagsanayn ku tilmaamay Nolosha Qaxootiga Soomaalida ee halkaa ka jirta isagoona ku nuux nuuxsaday in xiligan Soomaaliya diyaar u ahayn in qaxootigaas dib loogu celiyo Dalkooda.Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa zxusay in laabashada Qaxootigaasi ay ku xiran tahay rabitaankooda isagoo intaa oo dhan ka hor sheegay inuu jiri doono wax uu ku sheegay Mashruuca Sahanka oo dadka soo laabanaya halkii ay degi lahaayeen lagu diyaarinayo kaddibna ay soo arkayaan qaxootiga si ay isaga xaqiijiyaan goobta la gaynayo in ay tahay goob u cuntanta.

Mashruucaas ayuu Ra’iisul Wasaaraha sheegay in laga hirgalinayo Gobolada Bay, Gedo iyo Jubada Hoose isagoona u ballan qaaday qaxootiga Soomaalida inaan marnaba la qasbi doonin.Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay Abaaro uu sheegay in ay ka jiraan Gobolo badan oo Soomaaliya ka tirsan isagoona sheegay in xukuumaddi Guddi heerWasiira ah ay u magacowday la socoshada iyo wax u qabashada Dadka ay abaaruhu aafeeyeen.

*********

Shirkii Maamul u samaynta Koofur Galbeed Seddaxdiisa Gobol oo Hakad ku yimid.

Horaantii Todobaadkan ayaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Guddoomiyaha Baarlamaanka waxay ka fureen MagaaladaBaydhabo shir lagu sheegay in maamul loogu dhisayo Gobolada dahaca Koofur Galbeed ee Soomaaliya. Shirkaas oo maalmo kooban ka soconayay Magaalada Baydhabo ayaa wararka iminka naga soo gaaraya Gobolkaas waxa ay sheegayaan in shirku uu hakaday sababo ku aadan shirka la sheegay isaguna in laba Maalmood ka hor Madaxweynaha Soomaaliya uu ka furay Magaalada Kismaayo.. Malaaq Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah Malaaqyada ku hawlan umuuraha shirka Baydhabo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi uu hakad galay ka gadaal markii ay soo gaareen wararka sheegaya in Magaalada Kismaayo laga furay Shir dib u heshiisiin ah.

Malaaqa ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay la safatay garab ka mid ah garabyada isku haysta Maamulka kismaayo sidaa darteedna aan la dhihi Karin xukuumaddu waa mid ka daacad ah hawlaha shirarka dib u heshiisiinta iyo maamul dhisidda.Cabashadan uu soo jeediyay Malaaqan ayaa waxa ay imaanaysa xilli maalintii shalay Guddoomiyaha Barlamaanka mar uu la hadlay shacabka Bay uu ugu yeeray Midnimo ka hor intii uusan halkaaka soo ambabixin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.