Home » Faallo »

WARBIXIN: Waayeel Iyo Wadani Waajib Gudanaayo La Waayey

Salaan kadib Waxan rabaa in aan ka hadlo ama ka sheekeeyo safarkeeygii Somalia Iyo waxyaabahii aan la soo kulmay Iyo sida aan u arko marxaladaha ka jiro dalkii Hooyo.

1- Amaanka

Waxan ku bilaabayaa marka hore amaanka maadaamo uu amaanka yahay furaha nolosha (no peace no life).
Amaanka guud ee dalka maahin mid degan oo la saadalin Karo, waa sida dabeesha oo kale marba dhinac ka imaaneeyso, inkastoo bil ay degantahay oo aad is leedahay amaanka waa soo roonanayaa hadane bisha kale eey ka dareeyso oo aad is leedahay amaanka wuu ka daray. Isku soo wada duub amaanka muqdisho Iyo Hiiraan oo ah meelahii aan soo booqdey mudo 5-bilood ahna aan joogay ma sugno oo maahin amaan leesku haleyn karo (the security is not stable).

Maxaa keenayo in amaanka leeysku haleyn Karin?

Waxa keenayo dadka shaqada amaanka haayo kamo wada aho daacad, qaarkood sidii daacada aheyd uma qabanayaan shaqadii loo dhiibtey, gaajo ha u geeyso ama Qabiil awgiis ha ka ahaato ama munaafaq nimo ha ka ahaatee – Allahu-aclan!

Amaanka waxaa soo celin karo dad daacad ah oo Shaqadii loo direy si daacad nimo uga soo baxo. Aniga Waxan ka hadlayaa waa dad keeyga Somali ee maahin amisom Iyo shisheeyo sabaabtoo ah hadii Somali heerkan gaari laheyn shisheeyo ma imaadeen dalkeena!

2- dhinaca caafimaadka

Caafimaadka aad ayaa loogu liitaa, shacabkii inta badan waa ka liitaan dhinaca caafimaadka, haba ugu darnaadan haweenka Iyo caruurta . Waxaa laga yaabaa daawo dhacdey in laga gado ama qof aan qibrad caafimaad Iyo mid daawo aan laheyn in uu furto meel wax lagu baaro ama lagu wiisateeyo ama pharmacy in uu furto oo dadka ay asiga sidii dhaqtar kii loo sheegto xanuunka uu qofka qabo, kadibna sidaas daawo ugu soo dejiyo iskifaalaha pharmacy-giisa asigoo dhaqaalo abuur ay ka tahay ama ku noolow shaqadan, ayaa hadane waxaa laga yaabaa in uu sababo dhimasho caruur Iyo dad waaweynba.

Waxa dhacdey gabar habaryarteey ah oo baladweyne degan in uu cunug yar oo 5-jir ah ka xanuun sadey kadibna ay pharmacy geeysay, ninkii pharmacy gadayey uu ku dhahay malaariyo ayaa haayso cunuga. Asagoon baaritaan ku sameeyn ayuu cirbad malaariyo uu ku dhuftey, guriga markii la geeyey oo cunugii la seexiyey, naftii ayaa ka baxdey oo subaxii waaga markuu baryey ayaa la arkey cunugii oo meeyd ah – Allaha u naxariisto waa saqiiree. Arintaan iyo kuwo badan, ayaa ah nasiib daro naga haaysato dhinaca caafimaadka.

Dhaqaatiirta waa yar yahiin, kuwa ka fikiraa bulshada, inta badan dhaqaatiirta waxey rabto ayeey sameeyan. Wax la xisaabtamo maleh, qiimaha ay rabaan ayeey shacabka saartan. Shacabkiina waa ku qasban yahay, oo baahi caafimaad ayaa haayso ,

Dhaqaatiirta ayuka dhexdooda hishiis maahin, oo group group ayeey isku uruursadeen. Waxaad maqleeysaa 10-dhaqtar ayaa meeshaas furatey, waa loo tagaa. Kadib kuwa kale ayaa meel cusub furanayo waa loo tagaan oo waxii cusub shacabka wa jecelyahiin. Meeshaas waxaa ka bilaabata in dhaqaatiirta ay colaad isku qaado oo qaarkood qaarka kale ay u diraan kuwa dila, si ay meesha uga xiranto oo loogu soo wareego meeshiisa. Arintaasna inta badan waxay ka dhacdaa Mogadishu.

Waxaa jiro kaniini uu soo saarey USA oo la dhaho Viagra, ahna Viagra noociisoo kale oo aan ku quality aheyn, ayaa waxaa soo saarey India Iyo Pakistan. Magaciisa waxaa la dhahaa vega, odoyaashii oo dhan ayaa cunay madaama ay pharmacy-yaashii ka dhaadhiciyeen in uu u fiican yahay galmada, ayna odoyga si fiican ugu raaxeen doono xaaskiisa yar sidii waagii uu 20-jirka ahaa oo kale. Wax yaqaano maleh qasaaraha uu u leeyahay caafimaadka jirkiisa ama nolashiisa (side effect). Markaas ayaa odoyaal badan waxaa ku dhacay wadno xanuun (heart attack) deg deg ah. Subixii ayaa reerkiisii waxey leeyahiin odoygii xaley ayaa Lagu soo boodey oo eey nafta ka baxdey, wax jiraase ALLAH ayaa og.

Odoyaashiina kuligood waxey qaban gabdho yar yar, oo eey dhaqan ama xigto ama gaajo awgeed eey ku guur sadeen. Shacabkiina kuligood waxey noqdeen wada dhaqaatiir, waxa maqleeysaa naa wiilka saan u qufacayo antibiotic sii!

Pharmashiye ayaa waxaa soo galayo hooyo iyo cunugeeda, markaas ayeey waxey dalbaneeysaa 8-qalajiso 7-xanuunka, 4-hurdada, 3-malaariyo ah, markaas ayaa dhahay walaasheey intaan oo daawo ah yaad siineeysaa ma halkan cunug markaasey tiri maya kuwii kale ayaa iga xanuunsan. Waxaan ku iri see loohayaa, Allaha kuu caafiyee? Waxayse iigu jawaabtey “midka qufacayo qalajiso ayan sinayaa, midna malaariyo ayaa haayso, midna habeenkii kamo hurdo. Waxaan waydiiyey in ay dhaqtar gaysey iyo in kale? Waxay iigu jawaabtey “dhaqtar uma tagin, ee xanuunkooda ayaan aqaanaa (salaamaad).

Dadka Dhibaatadaas caafimaadarada haayso, cid u maqan maleh, oo aan ALLAH subxaanahuu watacaalaa aan aheyn, illaahow faraj qeyr qabo u fur umadaas dhibaateeysan iyo dhamaan ummadda Muslimiinta ,

3-dhinaca wax soo saarka beeraha Iyo dhaqankii miyiga ,

Bal wax soosaarka iyo dhaqankii miyiga hadii aan kalo qaado: ,

A-wax soo saarka beeraha.

Wax soo saarka beeraha shacabka aad ayeey ugu baraarugeen oo beerahii iyo Wabiga u dhawaa ee aan laga faa’ideysan jirin, hada waa laga faaideeystaa inkastoo ay jirto nidaam xumo iyo maamul xumo iyo aqoon yari ka jirto dhinaca qaabeeynta iyo maareeynta dalabaadka beeraha. Tusaale ahaan, sanadkan beeraha baladweyne iyo jowhar waxaa aad loo abuurey basasha. Basashii inteey dalabkeedii batey, oo qiimaheedii hoos u dhacay ayaa waxaa qasaaray 100milyan oo basal ah, oo kiiladaii ayaa gaartey 1,000 Kun shilinka Somaliga oo halkii dollor lagu sarifo 22,000 sh.so! Sanadka danbe, waxaa laga yaabaa in baladweyne Iyo jowhar ilaa Mogadishu laga waayo basal wax lagu karsado cuntada, kadibna laga keeno Yemen oo halkii kiilo oo basal ah lagu kala gato 100-Kun sh.so ama 5$

Waxaa kale oo ka Sii Xun arinka bacriminta none organic food, oo hada kusoo badanayo Somalia oo eey wadaan ha,adaha NGO ku lug leh wax soo Saar beeraha. Inkastoo oo wadankeena uusan u baahneeyn bacriminta oo dhulka Somaliya uu yahay dhul curdun ah ama (virgin land), waxkastoo lagu abuurana, ay u baahan yahiin qorax iyo biyo iyo in beerta la falo kaliya.

Waxaa tusaale idiinku filan, qaraha (water Mellon) waxuu illaahey ugu talo galey 3-bilood 90 beri in uu kusoo go’o ama ku bislaado. Hada waa la bacrimiyaa waxuuna ku soo go’aa ama ku bislaadaa 28-days. Mar aan wareystey ramadankii dadweyne faro badan oo ku nool magaalada baladweyne, waxey ii sheegeen in eeysan jecleeyn qaraha oo eey ku xanuunsadeen, oo beer ka laga qabto markeey qaraha cunaan ama cabaan cabitaankisa. Waxeyna sabab uga dhigeen dawada faraha badan ee lagu bacrimiyo, oo saa’id lah ooga badiyey (salaamaad min kuli aafaat!).

Waxan kaloo la yaabay waxan tagey suuqa balka, waxan arkey bal badan oo qoyan Waxan weydiiyey maxaa waa balkan qoyan oo aan wali sabuulka dhalin. Waxaa la ii sheegay oo xaqiiq ah in balka intuusan dhalin sabuulka lasoo gooyo oo bal ahaan loo gado, sidaas ayaa ka lacag badan intii aad sugi laheyd dhowr bilood oo kale oo qarash Iyo waqti kaa galayo. Hay’adaha NGO ayaa balka iibsado, oo ku iibsado kabaaytii balka ama xirmadii balka, lacag qaali ah. Markii aan waydiiyey meesha ay hay’adaha geeyan balka, ayaa waxaa la ii sheegay in ay iibsadan balka oo aan wali sabuul dhalin, baqaarana ku guran. Kadibna markii xiligiisii dhamaado, ayaa reer mii gii loo qeeybiyaa.

Arintaan waxan u arkaa in xataa wax soo saarkii lala dagaalamayo, oo dadkii la barey in wax eey dibada uga keenaan haayadaha NGO.

B-dhinaca miyiga

Waxan baladweyne kula kulmay gabar reer dhuusomareeb ah, oo ka ganacsato liin dhanaanta. Waxey ii sheegtey in 3-sano ka hor eey aheyd reer miyi . Waxay tiri, mar uun baa maqlay haayadaha samafalka deadka reer miyiga caawinaayo, ee abaaraha waxyeeleeyeen. Waxay tiri waxan imaadey guriceel, waxey haayadii nagu xareeysay camp, waxeyna noo qortey raashin. Kadibna, waxey bilkasto na siinayeen 120$.

6-bilood kadib lacagtii iyo raashinkii weey naga joojiyeen. Anigiina baadiyo iyo xoolihii la raacaayey waanacnay. Waxaan baranay magaalo. Waxan soo galey baladweyne, oo aan ka bilaabay in aan liin dhanaanta geeyno dhuusomareeb iyo caabudwaaq. Sidaas ayan nolosheeyda ku dabartaa.

Waxaa u qabtaa dadkii reer miyiga ahaay ee asalka iyo dhaqanka Somaliga matalayey xataa in la baro kicinaayo.
Waxey gabadhaas iyo gabdho kale iisheegeen in baadiyaha ama miyiga Hiiraan iyo galgaduud laga cabo caano niido, bariis iyo baastano, laga cuno qaad oo maalin kasto reer miiga loo geeyo – qaad fresh ah meesha dowladahii reer galbeedka eey ka joojiyeen cunida qaadka dalal kooda sida USA , UK , Holland iyo inta badan Europe ( ALLAA weyn ninkii aaminaa awood leh)

4-waxbarashada

Waxaa Mogadishu Iyo Hiiraan, ka furan jaamacado Iyo iskuulo dugsi sare oo faro badan, inkastoo aanan waqti badan aan siinin, hadane wax yar waan kala socdaa waxbarashada.

Jaamacad ii ugu weyneeyd Somalia ayaa la furayey, hadii taas la furo, oo wasaarada tacliinta sareay mideeyso manhajka wax barasho ee dalka, waa talaabo haboon.

Jaamacada banaadir Iyo Hiiraan university waxaa kala degan ciidan Burundi iyo Ethiopian ah, oo ilaa hada aan laga saari karin, xataa madaxweyne xasan sheikh Maxamud waa la gaarsiiyey arinkas. Balse waxan aaminsanahay in culusow, uusan wax ka qaban karin.

Ardayda waxa ka barato Hiiraan university, waxey wax ku bartaan meel kiro ah oo magaalada ku dhaxtaal oo xataa kuraastii loogu tala galey jaamacada Hiiraan university waxa haaysto Ethiopianka.

Iskuulada wax dhaco maleh, cunugii dhacaa wuu dagaalamayaa, oo bilkasto lacag ayaa laga qaadaa 12-ilaa 60$ bilkasto oo heer jamacadeed leh.

Tayada wax barasho ma wanaagsano, oo wax ku controla ma leh. Dowlada wali lama wareegin iskuulada inta badan xamar iyo goboladane wali ma gaarin barnaamijkeedii ku aadan iskuulada (go to schools ) meel uu ku danbeeyey lama yaqaano.

Waxbarashada dugsiyada quraanka waa lamid, oo waxaa arkeeysaa ardayda 10-12-ilaa 16-jir ah oo wali quraanka dhameeynin xataa hal mar. Inkastoo eeysan isku mid aheyn macalimiinta, hadane aqoon sareeyso oo tayo leh kama jirto, dadkiina wax kasto waxey ka dhigeen business iyo interest.

5-diinta iyo dadka

Dadka somaliyed intooda badan waxey ahaayeen dad cilmaaniyiin ah secular iyo kuwa ku xiran culumadii suufiyada. Inkastoo dadka eey hada dhinac ka fiican yahiin, dhinaca kalena eey kasii xun yahiin, sidii hore
waxaa badatey xaasinimadii, waxaa batey naxariis daradii, waxaa lagu tuntay sharcigii islamka ee wanaagsanaa waxaa badatey shirkigii, waxaa badatey sixirkii. Waxaa dadkii ku batey in eey ka cararaan meelahii cibaadada ama meelahii haboonaay in lagu dhinto sida beeydka Allah masjidka. Waxaa yaraadey in wanaaga leeysku sheego, waxaa badatey xumaantii iyo waxyaabaha sharta, oo dadka eey markasto ku haayan afkooda ama eey shareeysanayaan.

Waxaa kaloo la yaabey, shacabka markii aad aragtid sunnada ka muuqato sida gar weyn, wajiga oo sajuuda ka muuqato iyo calaamadii islamka, balse aan laheyn dhaqankii Islamka – beentii , xantii, qiyaanadii , iwm, xalaalaystey.

Culumadii cilmiga waxey u qeeyb sameen labo qaybood. Qolo cabsoodey iyo qolo ganacsi usoo jeestey, oo ka gaabsadey wacyi galinta bulshada. Shacabkii waxey iloobeen in illaahey wax dilo, oo dadka markaad tiraahtid maad waxaas ka hadashid, waxuu ku leeyahay waa leey dilaa.

Risaqii xag alle ka qornaay ayaa, waxaa lagu raadinaa, mar marka qaarkood, in naf la gooyo, oo dambigeeda uu weyn yahay iyo shirki lagu galo asigoo risaq qoran raadinayo. Shacabka inta badan, waxaa laga dhigay dad asiga leen naftiisa ka fakirayo, oo qofkasto waxuu ku hayaa aniga lee, islamka waxuu qabaa in laga fikiro sideey bulshada u wada noolaan laheeyd, ee maahin aniga, ee waxay ku haboon tahay anaga.

Somalida waxey tiraahdaa ‘ayax tag eelna reeb’, shabaab waqtigoodii waa sii dhamaanayaan inta eey sii jiitamayaan, wa in il gooni ah lagu hayo. Mida kale, ololaha shiicada ka wato Mogadishu, waxuu ku socdaa xowli ku – masaajidyo badan, iskuulo Quran iyo barnaamijyo waaweyn ayeey shiicada Mogadishu ka wadaan.

Somaliya waxey ka mid tahay, meesha kaliya ee wadamada islamka eeysan ka jirin shiica, balse hadii aan laga hor tagin arintaan guracan ee shiicada ka wato Mogadishu, waxaa dhaceeyso in afarta sano ee soo socoto, Somaliya eey ka dhacdo dagaalo u dhaxeeyo shiica Iyo sunni sida Iraq, Syria, Lebanon, Pakistan iyo meelo badan oo caalamu Islam kamid ah.

Alshabaab cidkasto eey dilaan waxey u diraan jufadiisa hoose, kuwa soo jaajuusaa waa lamid. Shaqsi dowlada ku jiro oo shabaab dileen oo eeysan dilin jufadiisa hoose maleh, marka laga reebo qaraxyada. Xataa qaraxyada waxaa dhigo inta badan, waa shaqsi meesha ka shaqeeyo ama damiin laga yahay.

Waxan walaalaha somaliyed kula dardaarmayaa, in eey bulshada wacyi galiyaan oo eey hoos kasoo bilaabaan sida qoyskiisa iyo xaafadiisa sababtoo ah umad waa bulsho, bulshada somaliyeed waa baaban tahay, waxeyna u baahan tahay wacyi galin badan. Wasaarado iyo dhismayaal, waa la dhisi karaa, oo waxaa ku dhisi kartaa bil wax ka yar, balse bulsho bil iyo sanad laguma dhisi karo – Illaahey qeyrka ha na waafajiyo umada somaliyed Allaha faraj qeyr qabo ha u furo – amen ya ALLAH!

UGU DANBEENTII WAXAN IDINKA TAGAYAA TIX GABAY OO KA HADLEEYSO XAALADA MAANTA LA MARAYO ,

SOOMAALIDA WAA WADA SARQAAN SAAN ISLEEYAHAYEE,

WAA WAXA SIDAAN NOO DHIGAY OO SILAC U JOOGNAA,

SIBI IYO SAQIIR OO KALE AAN WADA SARIIG BEELNAY ,

NOO SAHAL ILLAAHOOW INAAN SAMO KU NOOLAANO ,

WAAYEEL LA WAAYEY IYO WADANI WAAJIB GUDANAAYO ,

WADANKA WARAABAA U HAREY WAANA LA HUBAAYEE,

WADAADADII WACDIGA LOO IDMADEY WAA LA WAABIYEE,

WAAXIDOO NA WAAFAJI WAQTI AAN WAR ISKA YEELEEYNO,

QARANIMO WALEE LAGUMA HELO QAABKA AAN LEENAHAY,

QARASHKII QAMRAA LAGU CABAA QAADKA SOO DAGEE,

QUFULADA KUWII JABIN JIREY AAD QASNADII U DHIIBTEENEE,

QARAXII KUWII TUUREY AA QARASH LA SIISTAA,

QOORTEENA SOO QABANAYAAN KUWO QABAAR MOOGEE,

QAYAAMANE ILLAAHEY HORTIIS QEYR KA SUGI MAAYAANEE,

QARANKAN QOXOOTIGA NOQDAY EE QOLOBA MEEL AADEY ,

QARASHKII EEY ARUURSHEEN HADII LAGU QAMAARAA ,

QAAD IYO HADII LAGU XUNAAN QURUN AAN DHAMAANEEYN,

QAYAAMO QIRAAL WAA HUBAA WAANA LEES QABAN ,

HADII QAABO QOOYSEEN TIMAADO QORAXDII DHEEREED
QOSLI MAA NINKAN QAADIRKEEY MEEL QABOOW GALINEE,

QANCA OO QUSHUUCA INTEEY QULACA SOO GAARIN,

Tixdan waxa tiriyey
Abwaan C.C.X ,

image
Sabraa halane
Community activist
Minnesota USA
Sabraa2009@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " WARBIXIN: Waayeel Iyo Wadani Waajib Gudanaayo La Waayey "

  1. mohamed says:

    Sabraa aad iyo aad ayaan ula dhacay sida dhabta ah ee aad ugu soo hadashey xaalada runta ah ee ka jirta soomaaliya laakiin waxa kaliya ee ka maqan waa xaga arimaha siyaasada iyo arimaha dhaqaalaha oo ah mid aad muhiim u ah waad ku mahadsan tahay qormadaada xiisaha badan wbt.