Home » News »

Sweden: Guushii doorashada iyo mahadcelin

Asalaama caleykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu!

Waxaa dhowaan la soo afjaray doorashadii guud ee dalka Sweden. Doorashada ayaa waxaa ku tartamaayey xisbiyo badan. Waxaan ka mid ahaa musharaxiinta xisbiga shaqaalaha ( socialdemokraterna) ee u tartamaayey ka mid noqoshada xildhibaanada baarlmaanka qaranka iyo kan degmada aan ku noolahay ee Eskilstuna. Haddaba olole aad u adag iyo howl badan ka dib waxaa 14-kii september la soo gabagabeeyey doorashadii.

Sidaan horay u shaaciyey waxaan dadaalkeyga siyaasadeed ka lahaa saddex ujeedo:

1. Inaan qayb ka noqdo howsha adag ee loo galay in aan bedelo dowladii iyo xisbiyadii muddada sideeda sano ah soo xakumaayey dalka sweden. Xisbiyadaas oo ahaa kuwo hantigoosi ah, dalkana u kala qaybiyey dabaqaad kala duwan.
2. Inaan u tartamo, kana mid noqdo baarlmaanka qaranka ee dalka sweden ( Riksdagen)
3. Inaan xildhibaan ka noqdo golaha deegaanka degmada Eskilstuna. Golaha deegaanka ayaa ah baarlmaankii degmada, waana halka laga maamulo guud ahaan siyaasada magaalada.

Maxaa ka hirgalay ujeedooyinka aan kor kusoo sheegay?

· Waxaan ku guuleysanay inaan bedelo dowladii dalka horay usoo xakumi jirtey, waxaana haatan xukunkii la wareegey xisbiga shaqaalaha ee aan ka mid ahay iyo xisbiyo kale oo la jaal ah. Waxaa mar kale siyaasada dalka sweden ay noqon doontaa mid ku dhisan cadaalad iyo sinaan. Xisbiga shaqaalaha ( socialdemokraterna) ayaa hirgelin doona qorshe siyaasadeed oo dadka oo dhan la siinaayo tixglein. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan qayb ka ahaado isbedelkaas dalka ka dhacay.

· Golaha deegaanka degmada Eskilstuna: Waxaan ku guuleystey ka mid noqoshada xildhibaanada golaha deegaanka ee xakumi doona degmada Eskilstuna afarta sano ee soo socota. Waxaan kaloo aan xubin joogta ka noqon doonaa mid ka mid ah waaxaha golaha deegaanka sida waaxda waxbarashada ama shaqada. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay ka mid noqoshada xubnahaas muhiimka ah, waana sharaf usoo hoyatey dhamaan dadka ku hadla afka soomaaliga, muslimiinta,afrikaanka iyo guud ahaan dadka ajaaniibta ah ee dalkan ku dhaqan. Waxaana ku dadaali doonaa inaan kasoo baxo howshaas muhiimka ah ee la ii doortay.

· Baarlamaanka qaranka sweden waa hay`ada ugu saraysa dalka, waana meesha ugu saraysa ee qof uu u tartamo. Waxaan kasoo dhexbaxay boqolaal siyaasiyiin ah oo doonaayey iney u tartamaan baarlmaanka qaranka. Waxaan ka mid noqday 30-ka qof ee kasoo jeeda gobolka aan deganahay ee xisbigu u gartay iney u tartamaan ka mid noqoshada baarlmaanka qaranka.

Afar xildhibaan ayuu leeyahay gobolka aan deganahay ee Sörmland, afartaas boos ayaa dhamaan soddanka xildhibaan u tartamayaan. Waxaan galay dadaal aad iyo aad u badan, waxaan maray dhamaan magaalooyinka gobolka, waxaan la kulmay guud ahaan bulshada soomaaliyeed, ajaaniibta iyo kuwa iswiidhiska ahba. Waxaa dhacay tartan rasmi ah oo cadaalad ku dhisan. Waxaana helay codad aad iyo aad u badan balse Marakan kuma guuleysan ka mid noqoshada baarlamaanka qaranka. Afar xildhibaan oo aanan ku jirin ayaa matali doonta gobolka sörmland. Guul ayaan u rajaynayaa xildhibaanada calafka iyo nasiibka u helay iney jagooyinkaas helaan.

image

MAHADCELIN

Waxaan ugu horeyn u mahadcelinayaa Allaha awooda leh ee ina siiyey caqliga iyo maskaxda iyo dhamaan jirka aan ku shaqyneyno. Marka xiga waxaan u mahadcelinayaa dhamaan dadkii codkooda igu aaminey ee ii doortay inaan matalo. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa gudigii doorashada igala shaqeynaayey, kuwaas oo habeen iyo maalin ku howl jirey inaan gaarno heerkaan aan maanta joogno. Gudigaas ayaa wakhti badan oo naftooda iyo qoysaskoodu u baahnaayeen geliyey sidii aan doorashada guul uga gaari lahayn. Waxaan muujinay in aan higsan karno, una tartami karno jagooyinka ugu waaweyn dalka sweden. Dadaalkeenu waxaa uu dhaliyey in dadka aan la noolahay ee reer sweden ay aqoonsadaan, tixgelina siyaan aqoonta iyo kartida dadka soomaaliyeed. Waxaan kaloo soo dhoweynayaa dhamaan dadkii aan codkooga isiin. Waxaan leeyahay doorashadii iyo ololihii adkaa waa dhamaaday, maantana waxaan matali doonaa dhamaantiin.Waxaana ku dadaali doonaa cadaalada inta rabi awood iisiiyo.

Dadaalka aan bilownay waan sii wadi doonaa ilaa aan qabano jagooyinka ugu waaweyn dalka. Maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd: Meel ama waa laga muuqdaa ama waa laga maqnaadaa. Sidaas darteed waa muhiim in qof walbaa meesha uu joogo si wanaagsan uga muuqdaa.

MAHADSANIDIN

Xildhibaan C/risaq Maxamed xuseen dheere

habdiriska@hotmail.com’

Eskilstuna,sweden

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.