Home » Warar »

Madaxweynha Soomaaliya oo Xariga ka jarey Shirkii Dib u Heshiisiinta ee Jubooyinka oo ka furmey Kismaayo

Iyo Ra’iisul wasaaraha DFS oo gaaray magaalada London –

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Jubada Hoose waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu maanta halkaas uu gaarey waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madax ka tirsan Maamulka Jubba oo uu Horkacayey Madaxweynaha Maamulka Jubbada Axmed Madoobe.
image
Ka dib Madaxweynaha waxaa gaarey halkii lagu qabanayey Shirweynaha Dadka dege Jubbooyinka waxaana Madaxweyne Xasan Shiikh uu Xariga ka jarey Shirkii Dib u heshiisiinta Gobalada Jubooyinka iyadoo shirkaas ay ka qayb galayaan ergooyinka ka socda Sedexda Gobol

******

Wararka kale ee maanta hoos ka akhri

******

Dibadbax Nabadeed o o ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Dibadbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Lixda Gobolka ee Koofur Galbeed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Magaala Madaxda Gobolka Bay.Boqolaal Haween iyo caruur isugu jirta ayaa lagu arkayay waddooyinka waa weyn ee magaalada Baydhabo kuwaasoo dibad baxooda ku muujinayay sida ay uga soo hor jeedaan shirka maalintii labaad ka soonaya Magaalada Baydhabo.Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku qaylinayay dooni meyno Maamul seddax gobo, dooni mayno dagaal sokeeye iyo waxyaabo kale oo aad u fara badan.Dadkii dibadbaxayay ayaa socod dheer kaddib waxaa ay isugu soo urureen Xarunta ADCda magaalada Baydhabo halkaasoo ay kula hadleen qaar ka mid ah Saraakiisha Maamulka uu hoggaamiyo Madoobe Nuunow.

********

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh oo gaarey Magaalada London

Cabdiweli Shiikh Axmed Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya iyo wafddi uu horkacayo ayaa ka duulay Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirada Gaashaandhigga iyo warfaafinta ayaa safarkooda waxaa uu ku jihaysan yahay Magaalada Londdon ee Carriga ingiriiska.

Cabdiweli Shiikh oo intii uusan ka duulin garoonka Warbaahinta halkaa kula hadlay ayaa ugu horeynba ka warbixiyay shirkii magaalada Baydhabo isagoona sheegay in shirku ahaa mid weji wanaagsan ku bilowdey.Cabdiweli Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale ka hadlay Ujeedka safarkoodka ee dalka Ingiriiska wuxuuna hoosta ka xarriiqay in uu ka qayb gali doono shir looga hadlayo arrimaha Ciidamada Soomaaliya waxaana Wararkii ugu Dambeeyey ay sheegayaan in Raiisul Wasaaraha uu gaarey Dalka Ingiriiska .

********

Ciidamada Dawladda iyo Amisom oo Saaka Hawl galo ka sameeyay Degmada Wadajir

Ciidamada Dawladda oo garabsanaya kuwa Amisom ayaa saakay ku waabariistay qaybo ka mid ah degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.Ciidamadan ooh awl galo baaritaana ah ka sameeyay degmada ayaa sida la sheegay waxa ay guri guri u baarayeen Xaafadihii ay baaritaanada ka samaynayeen halkaasoo illaa dhowr dhallinyara ah ay ka qab qabteen.Hawl galka ay Ciidamadu sida wadajirka ah uga samaynayaan degmadaWadajir ayaa inta badan saameeyay isu socodkii dadka iyo ganacsigii xaafadahaas oo irdaha ay u xiran yihiin.Ardeyda Dugsiyada iyo Jaamacadaha ee xaafadaha baaritanada laga sameeyay manta dib uga dhacay wax barashadoodii.Si kastaba qaar ka mid ah dhallinyaradii saakay lagu qab qabtay hawlgalkaas ayaa la iska sii daayay ka gadaal markii baaritaano lagu sameeyay halka qaar kalana ay gacanta ugu jiraan Ciidamada si loo baaro ama loo xaqiijiyo dhallinyaradan iyo doorkooda falalka amni.

********

Ciidamada Dawladda oo Guulo ka sheegtay Dagaalo ka dhacay Goof-Gaduud.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda iyo kuwa shabaab inuu ka dhacay degaanka Goof Gaduud ee duleedka Magaalada Baydhabo.Saraakiil u hadashay Ciidamada Dawladda ayaa sheegey in weerarka ay soo qaadeen Shabaab kuwaasoo isku dayayay waa sida ay hadalka u dhigeene in fariisin Ciidanku halkaas ku lahaa ay weeraraan..Maxamuud Jiir oo saraakiisha Ciidamada Dawladda u hadlay ayaa sheegay in weerarkii ay soo qaadeen Shabaab ay iska caabiyeen isla markaana ay dagaalkaas kaga dileen mid ka mid ahaa Ciidamadoodii dagaalka soo qaaday.Sarkaalkaan ayaa intaa ku daray in dagaalkaas ay kaga qabsadeen Ciidankii weerarka soo qaaday Hub fud fud oo ku soo duulaan tageen Shabaab.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.