Home » Warar »

Raiisul Wasaaraha oo ka degey Magaalada Baydhabo si uu u furo Shirka Dib Heshisiinta

Wararka ka imaanaya Magaala madaxda Gobolka Bay ee baydhabo ayaa sheegaya in Maanta si rasmi ah uu halkaa uga furmi doono shir dib u heshiisiineed ah oo la filayo in ay ka soo qayb galaan mas’uuliyiin ka socota Dawladda federaalka Soomaaliya.Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaalida oo ka mid ah Mas’uuliyiinta ku sugan magaalada Baydhabo ayaa hore u iclaaniyay in halkaas uu ka furmi doono shir dib u heshiisiin ah oo ka dhacaya magaalada Baydhabo kaasoo loogu gogal xaarayo maamul ay u dhan yihiin labada Maamul ee isku haysta Gobolkaas.

image

Xildhibaan Afaraale oo ka mid ah xildhibaanadii halkaa hore u gaaray oo saxaafadda la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inay ku kalsoon yihiin in shirkaasi guulo fara badan ay ka soo bixi doonaan maamul loo dhan yahayna lagu dhisi doono.Wararkii ugu Dambeeyey waxay sheegyaan in Raisul Wasaaraha Dwolada Federaalka uu Goor dhow halkaas gaarey waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Madax fara badan iyo Shacab iyadoo la ffilayao in Raiisul Wasaaraha uu furo Shrkaas Dib u heshisiineeed

******

Wararka kale ee Somalia hoos ka akhri

*****

Safiirka Somalida Kambala oo ka warbixiyay Hawl Galkii Shalay Ciidamada Ugandho ka sameeyeen Xaafadaha Soomaalida ee Kambala.

Iyadoo ciidamada la Dagaalanka Argagixisada Ugandha maalintii shalay hawl galo ay ka sameeyeen Xaafadda Soomaalida ku badan tahay ee Kiseeni ayaa waxaa arrintaa ka hadlay Safiirka Soomaalida u fadhiya Magaalada Kambala ee Dalka Ugandha. Seyid Axmed Shiikh Daahir Safiirka ayaa sheegay in hawlgalkaas uu ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayo sidaa darteedna uusan ahayn mid ku Qaas ah Soomaalida in kastoo hawl galku intiisa badan uu ka dhacay Xaafadda Soomaalidu degto ee Magaalada Kanbala Safiirka Soomaalida ee Kambala ayaa sheegey in hawl galkaas oo saacado badan soconayay in ay jireen tiro dad ah oo Ciidamadu tuhun u soo qabteen kuwaasoo uu sheegay in haatan baaritaano ay soconayaan isla markaana wax dhibaata ah aysan ka dhicin xaafadaha Soomaalida hawl galkuna uu ahaa mid qorsheysan oo meel gaar ah laga fulinayay.

.

*****

Maamulka Gal Mudug oo Codsaday in loo soo gacan Geliyo Burcad Badeeda ku Xiran Kenya iyo Sheshelis

Maamulka Gal Mudug eek a mid ah Maamulada ka jira gudaha Soomaaliya ayaa waxaa uu iminka u suxul duubayaa sidii loogu soo gacan gelin lahaa si loogu xiro ama loogu Maxkamadeeyo gudaha Gal Mudug U qaybsanaha Maamulkaas dhinaca Warfaafinta oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka warbixiyay kulamo heer Gobol ah oo ay la yeesheen mas’uuliyiin ka socota Wadamada Kenya iyo Sheshelis isla markaana ay kala hadleen sidii Gal Mudug loogu soo wareejin lahaa Burcad Badeedda ka soo jeedda Gobolada Dhaxe si loogu xiro kuwo xukunka ku dhacay Xabsigoodana ay ku dhamaystaan gudaha Maamulkaas kuwa aan la maxkamadeyna gudaha Gal mudug maadaama Rag Somali ah ay yihiin.Xasan Cabdulqaadir Ruush u qaybsanaha Warfaafinta maamulka Gal Mudug ayaa sheegay in Magaalada Gaalkacyo laga dhisay Xabsiyo u qalma in lagu xiro Maxaabiista ku eedeysan Burcad Badeedniada oo ku xir xiran dalalka Kenya iyo Sheshelis

*****
Maamulka SomaliLand oo soo Saaray E-Passport oo Mamulkooda u gaar ah.

Maamulka la magic baxay Soomaali land ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in markii u horeeyay soo saartay E-Passport oo uu maamulkaas gaar u yeelanayo.G/le Xasan Kheyre Ugaas oo waraysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBCda ayaa u sheegay in ay soo saareen markii u horeeyay Baasaboorkaas oo ay qaadanayaan Shacabka SomaliLand. Madaxa Xafiiska Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Somali land ayaa ku tilmaamay Baasaboorkan mid aan la macmali Karin isla markaana u qaybsan yahay seddax nooc oo ay kala qaadanayaan Depolopmasiyiinta Shacabka iyo Ganacsatada.Taliyaha ayaa xusay in Paasaborkan oo ah mid casri ah lagu bedeli doono Baasaboorkii hore ee uu maamulkaas Isticmaali jiray kaasoo la soo saaray sanadkii 1996kii kaasoo muddo sii shaqayn doona.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.