Home » Warar »

Baydhabo: Warsaxaafadeed kasoo baxay xukuumadda FS

Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta si rasmi ah u furay Shirkii dib-u-heshiisinta saddexda gobol ee Koonfur Galbeed.

Baydhabo, September 14, 2014—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa ka qeyb galay furitaanka shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 45 cisho ah isuguna jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamul ka kooban saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose , waxana kasoo qeyb galay shirka xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, ergooyinka ka kala socday qabybaha kala duwan ee dadka ku dhaqan gobolladan.
image
Ugu horayntii , Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Khaalid Cumar Cali oo kamid ah xubnaha guddiga farsamada ayaa uga mahad celiyay qabsoomida shirka madaxda ugu sareysa dowladda, waxaana uu ku tilmaamay heshiiskii Muqdisho ay ku gaareen dhinacyadu inuu ahaa mid taariikhi ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkan ay ka soo bixi donaan guulo la taaban karo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sh. Axmed Maxamed, ayaa madasha shirka uga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay shirweynaha dib-u-heshiisiinta dadka dagan saddexda gobol ee koonfur galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhammaan shacabka ku nool koonfur galbeed oo 23kii sanno ee la soo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin kala duwan.

“Waxaa maanta sharaf ii ah inaan si rasmi ah u furo shirkii dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo socon doono muddo 45 cisho ah, isuguna jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamul loo dhan yahay oo ka kooban saddexdan gobol ee koonfur galbeed, waana shir leh muhiimad gaar ah mar hadii wax garadkii koonfur galbeed ay halkaan ku dhanyihiin, waxaana rajaynayaa in shirkaan uu horseed u noqdo kalsooni dhisida dadka wada dagan gobolladan.

“Ka xukuumad ahaan waxan diyaar u nahay inaan samayno dhamaan tasiilaadkii loo baahnaa oo dadka gobolladan dagan ku gaari lahaayeen isfam u horseeda nabad kuwada noolaansho”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo dhanka kale sheegay in tiirarka asaaska u ah dowladda Soomaaliya uu yahay hirgalinta nidaamka Federaalisamka, heshiis ay gaaraan dadka gobollada saddexda ah ee koonfur galbeedna uu unoqonayo gogol dhig asaaska dhisidda maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in shirkaan uu gogol xaar u yahay in hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo kuwa bulshadu ay iscafiyaan oo ka heshiiyaan khilaafaadka dhexdooda ah.

“Waxaa aad ugu faraxsanahay inuu si habsami leh looga soo wada qayb galay shirkaan, wuxuuna shirkaan qayb ka yahay tallaabooyinka la rabo in lagu dhameeyo mad-madowga ku dhexjira dadka gobolladan dega, waana muhiim in shirka uu ku bilowdo qalbi furnaan iyo in qof walba doonayo in xal la gaaro, arintaas kaliya ayaa ah mida ay ku imaan karto xal waara oo laga gaaro dhibaatooyinka soo noq noqday ee gobolladan ka jiray, hadii aanaan isu muujin tanaasulaadna ma gaarisiin karno horumar dadkeenna” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawari”

Siyaasiyiin, odayaasha qabaa’ilka ee gobollada Bay, Bakool iyo Shabellaha Hoose oo iyana hadal ka jeediyay madasha shirka ayaa sheegay in shirka uu ahmiyad weyn u leeyahay bulshada wada dega saddexdan gobol, islamarkaana lagu gaari doono heshiis dhameystiran oo fure u noqda khilaafaadkii mudada ka taagnaa dhinacyada siyaasada iyo dhaqanka ee saddexdan gobol.

—DHAMMAAD—

Ahmed-nuur Mohamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Baydhabo, Somalia
Tel: +252-6155-02546
Email: media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.