Home » Warar »

Xukuumadda Soomaaliya oo dib-u-habayn ku samaynaysa shaqaalaha Rayidka ah

Muqdisho, September 13, 2014—Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa maanta diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka. Amniga guud, iyo qodobo kale oo kamid yahay dowladda Soomaaliya oo dib-u-habayn ku samaynaysa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

Shirka ayaa looga dooday sharci la xiriira tayaynta iyo dib-habaynta shaqaalaha dowladda iyo in fursado shaqo loo abuuro dhallinyarada kasoo baxaya jaamacada dalka ee shaqo la’aantu haysato, waxana qorshahan soo bandhigay aqoonyahano Soomaaliyeed iyo qubaro ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Colaad Rooble oo Saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in golaha Wasiirradu ay warbixin ka dhagaysteen Wasiirrada Amniga Qaranka iyo Gaashaandhigga, waxana uu sheegay in ammaanka dalka uu si weyn u soo hagaagayo kadib markii la qaaday howlgallo lagu adkaynayo ammaanka qaranka oo ay iska kaashadeen ciidamada ammanka iyo shacabka Soomaaliyeed oo laga sameeyay gobollada dalka iyo magaalada Muqdisho.

“ Dowladda Soomaaliyeed waxaa masuuliyad ka saaran tahay nolosha muwaadiniinteeda, waxaana xukuumaddu ay gurmad u fidisay dadkii ay ku dhufteen abaaruhu oo la gaarsiiyay raashin iyo biyo si wax looga qabto xaaladooda nololeed. Haddana waa soo kabanayaan goobiihii sida daran abaartu u saamaysay” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Ugu dambayntii, golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta uga dooday shirweyne ku saabsan dhaqanka Soomaaliyeed sidii kor loogu qaadi lahaa, waxana goluhu u xil-saareen guddi ka kooban Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hidaha iyo Tacliinta sare in ay kasoo tallo bixiyaan qaabka ugu habboon ee shirweynahaas u qabsoomi lahaa.

—DHAMMAAD—

Ahmed-nuur Mohamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdisho, Somalia
Tel: +252 6155 02546
Email: media@opm.gov.so
Twitter: @SomaliPM

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.