Home » Warar »

Madaxweyne Xasan oo Maanta Laba Sanno u Buuxsantey.

Munaasibad lagu Maamuusayo Sanad Guurada labaad ee ka soo wareegatay markii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu qabtay xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa la filayaa in goor dhow lagu qabto Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya. Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu halkaa Khudbad ballaaran ka jeediyo taas oo uu uga hadlayo wax qabadkii Xukuumaddiisa mudadii labada sano ahayd ee ay dalka ka talinaysey.

image
Sanadkan ayaa ahaa khilaafkii ugu xoog badnaa ee madaxweynaha ka hor yimaada ka gadaal markii ay isku dhaceen isaga iyo Ra’iisulwasarihiisii.Sidoo kale Sanadkan ayay ahayad markii Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha ay soo qaban qaabiyeen arrimahaas oo dhamaantooda looga soo hor jeeday Madaxweynaha oo aan ku guuleysan dhamaanba balan qaadyadiisa sidoo kale Waxaa Sannadkaan Laba jeer Weerar laguq aadey Xarunta Madaxtooyada iyo Xarunta Golha Baarlamaanka waxaa iyna Sannadkaan la diley Afar Xildhiaan..

*******

.Eedeeymo loo jeediyay Wakiilka Qaramada Midobey ee Soomaaliya Nicolas Key

Iyadoo dhawaan Magaalada Baydhabo uu gaaray Ergeyga qaramada Midoobay ee Soomaliya Nicolas Key isla markaana kulamo la qaatay Maamulada halkaa ka jira iyo odoyaasha dhaqanka ayaa waxaa soo baxaya eedeymo loo soo jeedinayo Mr Key. Cabdullaahi Maxamed Idiris Leesto oo ka mid ah saraakiisha Maamulka Lixda Gobo oo war baahinta la hadlay ayaa Mr Key ku eedeeyay in arrimaha Soomaaliya uusan dhex dhexaad ka ahayn waa siduu hadalka u dhigaye isagoona intaa raaciyay inuu la saftay Maamulka Maamulkooda ka soo hor jeeda ee Sedaxda Gobol.Leesto ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Mr Key uu si toos ah ula saftay Maamulka Koofur Galbeed qaybtiisa Sedaxda Gobol isla markaana u ballan qaaday taageero ay soo gaarsiinayaan Maamulkaas

******

Dhallinyaro Soomaali iyo Ajaaniib isugu jirta oo Dalka Jarmalka lagu qabtay.

Seddax Dhallinyara ah oo labo Soomaali tahay ayaa lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Frankfort ee Carriga Jarmalka. Dhallinyaradan oo magacyadooda lagu sheegay Steven oo Jinsiyad ahaan aan la shaacin dalka uu u dhashay balse Nin Caddaan ah Cabdullaahi oo la xaqiijiyay inuu Soomaali yahay Cabdisalaan waxaana da’doodu lagu sheegay 23,26 iyo 28 jir ahaa ayaa Boliiska Garoonku gacanta ku dhigay ka gadaal markii ay ka soo degeen Diyaaraddii ay la socdeen. Dhallinyaradan ayaa ka soo duushay Dalka Kenya kuwaasoo lala xiriiriyay in ay ka yimaadeen dhinaca Soomaaliya ka gadaal markii uu dhintay Hoggaamiyihii Shabaab oo todobaadkii hore Duqeyn dhinaca Cirka lagu dilay xilli uu ku sugnaa Gobolka Shabeelaha Hoose

****

Ciidamada ammaanka oo maanta Hawl galo ka wada Wadada Maka Al Mukarama

Ciidamada Ammaanka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka hawl galo ka wada Waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho gaar ahaana wadada dheer ee Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan oo isugu jira kuwa Taraafikada iyo Boliiska ayaa joojinaya gaadiidka wata Muraayadaha madow ee Bersolka loo yaqaano isla markaana qof qof u baaraya dadka saran baabuurtaas.Gawaarida wata Muraayadaha mad madow ayaa laga fiiqayaa bacaha madow ee ku xiran iyadoo uu jiray amar hore uga soo baxay saraakiisha amniga oo ku baaqayay in Gaadiidka wata Muraayadahaas ay ka fiiqaan inta aan hawl gal arrintaa ku saabsan aan la qaadin.Dhawaan yay ahayd markii taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ku sheegay in ay dhawaan bilaabayaan hawl galkaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.