Home » Warar »

Ciidamada Amisom oo lagu Eedeeyey in ay Kufsadeen Haween gargaar u doontey

Hayadda Xaquuqda Aadanaha Human Rights Watch ayaa Warbixin soo saartey ku sheegtey in Ciidamada AMISOM eek u sugan Dalka Soomaaliya ay geystey Xadgudubyo ka dhan ah Xaquuqda Aadanaha ka dib markii ay Kufsadeen Haween Soomaaliyeed oo gargaar iyo Daawo u doontey, Hayada waxay sheegety in Ciidamada Uganda iyo Burndi ay ahaayeen kuwa lagu eedeeyey Falalkaas Kufsiga.

Halkan ka akhri warbixinta human rights watch

Afhayeenka ciidamada Amisom Col Cali Aadan Xumad ayaa Warbaahinta u sheegey in Warkaka soo yeerey Hayada Xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch uu yahay War been ah oo aan Waxba ka jirin isagoo ugu baaqey in Hayada ay hayada keento Caddeymo la xirira Kufsiga ay ahaydu sheegtey in ay ka dambeeyeen Ciidamada Amisom .

image
****
Hoos ka akhri wararka kale ee Soomaaliya

Somalitalk 8-9-2014

****

Madaxweynaha oo ka Hor yimid Go’aankii Golha Wasiirada looga qaadey Xilka Taliyihii Nabadsugida

Maalintii Shaley ahayd ayaa Golaha Wasiirada kulan isugu yimaadeen waxay Xilka uga qaadeen Taliyihii Nabad Sugida ee Dowladda Federaalka Cabdulaahi Maxamed Cali Shanboloolshe ka dib marki ay ku eedeeyeen Xil Gudasho La’aan hase yeeshee warar laga heley Madaxtooyada waxay sheegayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh uu ka hor yimid Go’aankii Xilka looga qaadey Taliyaha Nabad Sugida Madaxweynha ayaa sheegey in Golaha Wasiirada aysan Xilka ka qaadi Karin sida uu dhigayo Dastuurka Dalka waayo Waxaa Taliyaha marka hore Magacaaba Madaweynaha isaga ayaa Xilka ka qaadi kara haddii ay soo jeediyaan Golha Wasiirada iyadoo wararkii ugu Dambeeyey ay sheegayaan in ay Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha ay kala taagan yihiin

*****

Faahfaahin Dheeraad oo ku saabsan Hoobiyayaal Xaley lagu Garaacay qaybo ka mid ah Muqdisho

Xalay Fiidkii ayey ahayd markii Magaalada Muqdisho laga maqley Tiro Madaafiic ah oo ku dhaceysa Qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Xamar jajab waxaana Hoobiyayaashaas ay ku dhaceeb Dhowr Guri oo ku yaal Degamadaas waxaana ku dhintey Canug yar oo oo markaa lagula jirey Umul sidoo kale waxaa ku dhaawacmey dhowr Qof oo qaarkood ay isku Qoys ahaan, ilaa hadda lama garanayo sababaha keeney I Hoobiyayaashaa la soo tuuro ilaa hada ma jirto Cid sheegatey Hoobiyayaashaas iyadoo dhawaan ay ahayd markii Hoobiyayaal la soo tuurey ay ku dhaceen Degamada Wada jir kuwaas uu dhaawac ka soo gaarey Dad halkaa degenaa oo u badnaa Hal Qoys.

*****
Farmaajo oo sheegey in Dowlada ay Fursad u tahay Dilkii Hogaamiyihii Alshabaab.

Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu u Waramayey Warbaahinta ayaa sheegey in Dowlada uu Hogaamiyo Xasan Shiikh ay haystaan Fursad weyn ka dib dilkii Hagaamiyihii Xarakada Alshabaab la diley waxaa uu sheegey Mudane Farmaajo in Dowlada Xilgaan looga baahan yahay in ay wada hadal la Furto Xarakadda Alshabab sidoo kale waxaa uu sheegey in aan loo baahneyn Cafis Mudeysan waayo Dhalinyarada Xarakada Alshabaab waxay u baahan yihiin Cafis Madax banaan si ay u helaan Fursad ay isku soo dhiibi karaan dhawaan ayaa Dowlada Federaalka waxay soo saartey Go’aan ah in dagaalyahanada Al Shabaab ay isa soo dhiibi karaan muda 45 Cisho ah wixii ka dambeyna waxay Dowlada Sheegtey in aan la aqbali doonin Dhalinyaro Shabaab oo isa soo dhiiba

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.