Home » Warar »

Gen. Gaafow oo Beeniyey in Dowlada Talyaaniga diidey Baasaboorka Soomaaliga

Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Gen. Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa beeniyey in Dowladda Talyaaniga ay diidey isticmaalka Baasaboorka Soomaaliga marka ay timaado Dal ku galka Wadankooda waxaa uu intaa sii raacicyey “ Xooga awaxaa jirey Isfamwaa dhinaca isbedelka Baasaboorka waayo waxay ahayd in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soomaaliya ay ugu gudbiso Dowlad Talyaaniga isbedelka ku yimid Naqshada Baasboorka Soomaaliga taasina haatan waa laga gudbay: Taliyha ayaa sheegey in Baasaboorka Soomaaliga uu haatan yahay mid ay aad u aqoonsan yihiin Wadamada Caalamka.

****

Wararka kale ee Soomaaliya: ,,

Gen dhagacaleen oo ka hadlay arrin la xiriirta guriga…

“ Ilaah baan ka Magan galayaa in aan Xoog iyo Xeelad Khaldan ku haysto Guri uu leeyahay Qof Muslim ah hadana ah Odey Soomaaliyeed oo Taariikh weyn ku leh Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Gen Axmed Dhayib Axmed (Dhaga-Caleen) oo ka mid ah Saraakiisha Cidamada Booliiska Soomaaliyeed oo sheegey in Dhacdadii ka dhacdey Gurigiisa uu degenaa uu aad uga Xumaadey islamrkaana ay hayd arrin laga naxo.

Gen Axmed Dhayib Axmed (Dhaga Caleen) waxaa uu beeniyey Warar lagu Qorey Qaar ka mid Warbaahinta gaar ahaan kuwa ka mid ah Web-Site –yada Soomaalida kuwaa oo uu sheegey in ay Qoreen Warar Xaqiiqda ka fog oo ah in Genraalka uu Xoog ku haysto Guri uu leeyahay Gen Maxamed Abshir Muuse waxaa uu intaa ku darey “: Marka aan Xaqiiqda ka hadalno aniga Guriga waxaa ku degenaa si sharci ah waayo waxaa iga Kireeyey nin Haysto Wakaalad Sharci ah kana haysta Gen Maxamed Abshir Muuse oo lagu Magacaabo Ex- Xildhibaan Maxamed Shiikh Jaamac Nageeye oo u adeer u yahay Gen Maxamed Abshir “

“Guriga markii la iga Kireyneyey waxaa uu heshiisku dhigayey in Muddo Laba sano la iga Kireeyo,waxaana Lacagta Kirada Gacanta laga saarey Wakiilka Guriga Maxamed Shiikh Jaamac Nageeye “ ayuu yiri Gen Axmed Dhayib Axmed (Dhaga-Caleen) oo sheegey in Guriga marka uu dhamaado Heshiiska Mudada Labada Sanno ah,waxaa loo Madaxbaaneynayaa Wakiilka Guriga haddii aan Heshiis Cusub la gelin.

****

Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowlada oo la Wareegey Deegaano ka tirsan Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud waaxay sheegayaan Ciidamo ka tirsan Aamisom iyo Dowladda ay saakey la Wareegeen Deegaano ka tisan Gobolka Galgaduud , waxaana ka mid Deeganada Xarakada Alshabaab lagala wareegey Degmada Ceel Garas oo u Dhaxeysa Magaalooyinka Dhuuso Mareeb iyo Ceel Buur waana deeganaadii ay horey uga Gudbeen Ciidamada Itoobiya oo ka mid ah kuwa Amisom hase yeeshee Warar ayaa sheegaya in Ciidamadii Xarakada Alshabaab ay ku sugan yihiin meel aan sidaa uga dheereen Degmada Ceel Garas ,la wareegidaan ayaa ka dambeysey markii Deegaano ka tirsan Gobolada dalka ay ka Bilowdeen Howlgal loogu ]Magacdarey Badweynta Hindiya.

****

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.