Home » Warar »

Dowlada Federaalka ayaa sheegtey in Dacwad ka Gudbineyso Shirkad laga leeyahay Dalka Norway

Dowladda Somaaliya ayaa ku eedeysay Shirkada Shidaalka baarta ee DNO oo laga leeyahay dalka Norway inay waqti badan ku bixineyso sidii ay usii dheeraan laheyd daganaasho la’aanta ka jirta Somaaliya.

Wakaalada Wararka ee Reutres ayaa soo xiganeysa war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada Tamarta Somaaliya taasi oo ay ku sheegeyso in dacwad ka dhan ah Shirkadan u gudbin doonto Golaha Amaanka Qaramada Midoobey.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeeysay Shirkada DNO in ay Hubeeysay Maleeshiyaad ku sugan Qaar kamid ah Gobolada Dalka.

…..

Warar kale ee Soomaaliya hoos ka akhri

Somalitalk 5-9-2014

*****

Xaflad Sagootin ah oo loo sameeyey Saxafiyiin ka socotey Wadanka Finland

Waxaa Mudooyinka dambe Magaalad Muqdisho ku sugnaa Saxafiyiin ka socotey Wadanka Finland kuwaa oo Bixinayey Tababar ku saabsan Dhinaca Saxaafada waxayna si gaar ah uga socdey Ururka Horumarinta Saxafiyiinta Caaamka ee Finland ee VIKES, waxaana loo sameeyey Xaflad Sogootin ah oo ay ka qayb galeen Masuuliyiin ka socotey Dowladda Federaalka iyo Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Nusoj waxaana ugu Horeyntii halkaa ka Hadley Xoghayaha Ururka Nusoj Maxamed Ibrhaaim Bakistaan oo sheegey in Urruka Suxufiyiinta Finland ay waxa badan oo aqoon ah ku so kordhiyeen Saxaafada Soomaaliya sidoo kale waaa halkaa ka Hadley Cabdiweli Xasan Xaashi oo ka socdey VIKAS ayaa u Mahadceliyey Dhamaan Saxaaafda Soomaaliyeed oo uu ku tilmaamey in ay Muujiyeen Geesinimo Dheeraad ah.

*****

Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo Taageertey Howgalka Badweynta Hindiya

Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ag Gudoomiye ku xigeenka Hayada Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegey in ay soo dhaweynayaan Dagaalka l;oogu Magacdarey Badweynta Hindiya ay Ciidamada Isbahaystey kula jiraan Xarakada Alshabaab, Wuxuuna Shacabka Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay Biyaha ka daqaadaan Cidamadaas maadaama ay la dagaalamayaan wax uu ugu yeerey cadowga Soomaaliyeed sidoo kale waxaa uu sheegey in ay soo dhaweynayaan Hadalkii ka soo yeerey Golaha wasiirada oo ahaa in Culimada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay muujiyaan Taageeradooda ku aadan Howlgalka loogu Magacdarey Badweyna Hindiya.

*****

Xaalada Saxafi u dhashey Dalka Mareykanka oo la sheegey in laga Dayrinayo

Sannadkii 2012 ayaa Kox Burcad Badeed waxay Magaalada Gaalkacyo ka Afduubteen Saxafi u dhashey Wadanka Mareykanka oo lagu Magacaabo Micheal Scott Moore ayaa la sheegey in Xaaladiisa aad looga deyrinyo ka dib markii Kooxda Haysta ay dalbadeen in laga siiyo Malaayiin Doolar iyadoo Cabdi Yuusuf Xasan oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug oo Shir Jaraaid ku qabtey Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegey in ay Doonayaan in Xoog ku soo furtaan Wariyahaas u dhashey Wadanka Mareykanka iyadoo Caalamka ay aad walaac uga Muujyeen Laba Wariye oo u dhashey Wadanka Mareykanka oo lagu diley Wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.