Home » Warar »

Wasaaradda Waxbarashada oo soo Bandhigtay Manhajka Cusub, una Qeybsay Daladaha Ahliga.

Wasaaradda Waxarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay Buugaagta Manhajka Cusub ee dalka uu yeelanayo kuwaas oo la dhameystiray Daabacaadooda islamarkaana lagu wado in laga dhigo inta badan Iskuulaadka Dalka sanadkaan kadib markii maanta loo qeeybiyay Daladaha gaarka loo leeyahay Buugaagtaasi

somali167
Goobta lagu soo bandhigay Buugaagta oo aheyd Xarunta Daabacada Soomaaliya SOMEPRITING ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiisha Wasaaradda Waxbarashada oo uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Prof Maxamed Cabdulqaadir Nuur iyo Xubna ka socday Daladaha gaarka loo leeyahay

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Prof Maxamed Cabdulqaadir Nuur oo ka hadlay kullanka ayaa yiri “ Farxad ayey noo tahay inaan maanta isugu imaano Buugaagtii oo daabacan, qeybintoodii iyo sidii loo kala siin lahaa Iskuulaadka, war aad u wanaagsan waayay ugu yaraan afar Maado ay diyaartahay maantaba la qaadan karo oo Daladaha ay qaadan karaan sadexda hartayna ay ku daba xigto oo shaqadooda lagu guda jiro

Daladahana waxaan ka rajeynaynaa inay qaataan Buugaata maadaama la daabacay si hal imtixaan loo qaado islamarkaana aysan u dhicin jahwareer bari hadii la dhaho imtixaan ayaa la galayaa, lawada qaado hal imtixaan oo isku mid ah” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Agaasimaha Waaxda Dalladaha iyo Schoolaadka gaarka loo leeyahay ee Wasaaradda Muuse Caraale ayaa bogaaday sida wanaagsan ee maanta loo soo bandhigay Manhajka Waxabarashada Aasiga ah islamarkaana ay dalladaha u aqbaleen inay sandkaanba ka dhigaan inta badan Iskuulaadka Dalka.

Dhanka kale Daladaha gaarka loo leeyahay ayaa soo dhaweeyay talaabada hormarka leh ee ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyagoo sheegay inay sanadkaana ka dhigayaan Iskuulaadka, Manhajka ay soo diyaarisay Wasaarada Waxbarashada iyagoo si kal iyo laab u soo dhaweeyay dadaalka ay wado Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Aweys oo ka mid ah Mas’uuliyiintii ka socatay Daladaha gaarka ayaa sheegay “ runtii waxaan sugaynay hal manhaj oo aan isticmaalno, waana wax lagu farxo in Manhaj Soomaaliyeed oo mid ah oo dhamaan arday hal imtixaan kawada gali karto, noqon karana biloow fiican oo ay umada Soomaaliyeed ku faa’iidaan waan soo dhaweynaynaa. Anagoo mar labaad iyo sadaxaadba u mahad calinayno Wasaaradda Waxbarashada kuna hadlaya Magaca Daladaha gaarka loo leeyahay ee waxbarashada Soomaaliyeed”.

Ustaad Aweys ayaa intaas ku daray inay uga mahad calinayaan Wasiirka Waxbarashadda Mudane Cise Maxamed Axmed Guraase iyo Agaasimaha Guud Prof Maxamed Cabdulqaadir Nuur sida ay isgu howleen hirgalinta Manhaj loo dhanyahay oo uu yeesho Dalka.Waxa uuna carabka ku adkeeyay Aweys oo ku hadlayay magaca Daladaha inay diyaar u yihiin inay qaataan Buugaagta manhajka ay si wada jir ah u soo saareen Wasaaradda Waxbarashada iyo Dalladaha gaarka loo leeyahay.

Goobta lagu soo bandhigay Manhajka islamarkaana loogu qeybiyay Daladaha waxaa ku sugnaa Dhamaan Daladaha Dalka sida FPENES, SEEF, SOFA, SADA, HIRDA iyo kuwa kala oo fara badan, waxayna si kal iyo laab ku jirta u qaateen Manhajka cusub iyagoo balan qaaday inay sanadkaanba ka bilaabayaan Iskuulaadka hoos taga daladahaasi. Ugu danbeyntii Wasaaradda iyo Daladaha waxay isku waafaqeen in laga dhigo sanadkaan Iskuulaadka Manhajka oo si sharuud la’aan ah loo qaato Manhajkaani.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.