Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Maanta ee Soomaaliya.

Somalitalk 3-9-2014

Qaybaha kala duwan ee Saxaafada oo Walaac ka Muujiiyey Amar ka soo baxay Taliska Nabad Sugida

Iyadoo Maalintii Shaley oo Taariikhdu ahayd 2-9-2014 Amar ka soo baxay Taliska Nabad Sugida kaasoo Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta aysan Faafin Karin War ku saabsan Xarakada Alshabaab iyo Howlgalada Ciidamada Dowladda , waxaana Amarkaan Walaac ka Muujiyey Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta waxaana Hadal ka soo baxay Ururka SIMHA lagu sheegey in Amarkaasi u yahay Mid ka hor Imaanaya Xorriyada Saxaafada gaar ahaan isku dheelitirka Dhacdooyinka marka laga hadlayo iyadoo Dallada SIMHA ay ku tilmaantey Amarkaas mid lagu Giijinayo Xarig Xorriyada Saxaafada iyadoo Dastuurka Qodobada 18-aad iyo 20-aad uu dhigayo Xaquuqda Hadalka iyo Xariyada Saxaafada

****

Nicholas Kay iyo Col.Barre Hiiraale oo Kulan ku yeeshey Xerada Xalane

Waxaa Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho Kulan ku yeeshey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholes Kay iyo Col Barre Hiiraale waxaana Kulankaas la iskula soo qaadey arrrimha ka taagan Gobolada Jubooyinka iyadoo mar uu ka Hadley Halaasi Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxaa uu si aad ah ugu amaaney Col Barre Hiiraale gaar ahaan ka qayb qaadashada Hanaanka Dib Heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka sido kale waxaa uu sheegey Wakiilka in Qaramada MIdoobey ay aad ugu faraxdey markii Col Barre Hiiraale uu dib ugu soo laabtey hanaanka Nabada Gobolada Jubooyinka iyadoo sidoo kale mar uu halkaa ka Hadley Col Barre Hiiraale uu sheegey in ay ka Go’an tahay in uu ka qayb qaato Shirka Dib u heshiisiinta Gobolada Jubbooyinka .

****

Xasan Shiikh Maxamuud oo Khudbad ka jeediyey Shir looga hadlayey Arrimaha Argagixisada

image

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheley ka qayb galey Shir looga hadlayey Arrimaha argaxisada kaasoo lagu qabtey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya waxaana uu gabagabadiisii Shirkaas ka jeediyey ayaa sheegey in Afrika looga baahan yahay in ay iska kaashadaan la dagaalanka Kooxaha Argagixisa ee Alshabaab iyo Boga Haaraam sidoo kale waxaa u soo jeediyey Wadamada caalamka in Qaarada Afrika ku gacan siiyaan Kooxahaas oo uu sheegey in ay dhibaato weyn ku hayaan Aduunka iyo weliba Qaaradda Afrika ,

waxaana la isku raacay in si wadajir ah loola Dagaalada Kooxaha Argagixisada ee ka jira Qaaradda Afrika iyadoo wadamadii ka socdey Caalamka ay halkaas ka sheegeen in ay Afrika ka gacansiinta Kooxahaasi,

intii uu socdey Kulankaas waxaa Shir gaar ah wada yeeshey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta oo la sheegay in ay isla soo qaadeen Arrimaha Soomaaliya…

Agaasimihii Idaacada Dalsan oo Xabsiga loo Taxaabey ka dib markii VOA Wareysi siiyey.

Iyadoo Maalintii Shaley oo Taariikhdu ahayd 2-9-2014 Amar ka soo baxay Taliska Nabad Sugida kaasoo Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta aysan Faafin Karin War ku saabsan Xarakada Alshabaab iyo Howlgalada Ciidamada Dowladda, waxaana Saakey Xabsiga loo Taxaabey Agaasimihii Idaacada Dalsan Xasan Cali Geeseey ka dib markii Idaacada VOA siiyey War ku saabsan Amarkii ka soo baxay Taliska Nabad sugida isagoo ku Tilmaamey mid lagu Cabiranayo Xoriyada Saxaafada , Agaasimaha idaacada Dalsan Xasan ayaa Qaar ka mid ah Maamulka Idaacada noo sheegeen in uu ku Xiran yahay Godka Jilicoew iyadoo Qaybha kala duwan ee Saxaafada ay cambaareeyeen Xariga Agaasimha idaacada Dalsan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.