Home » Warar »

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeeska Afrika oo yimid Muqdisho sheegeyna in ay ka qayb qaadanayaan Dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaarey Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika Generaal Well Grisp oo Fadhigiisu yahay Wadanka Jabuuti ayaa soo gaarey Magaalada Muqdisho waxaana uu Kulan la yeeshey Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Generaal Daahir Aadan Cilmi ( Indho Qarshe waxaana uu Kulnakaan uu ka dhacay Villa Baydhabo ,

image

waxay Labada Dhinac iskula soo qaaden Kulankooda arrimo ku saabsan Xalada Soomaaliya iyo Xaalada Ciidamada Qalabka sida iyadoo mar uu halkaas ka Hadley Taliyaha Ciidamada Mareykanka Geeska Afrika uu sheegey in Dowladiisu ay ka qayb qaadanayso dagaalka lagula jiro Xarakada Alshabaab iyadoo wararkii u dambeeyey ay sheegayaan Diyaarado kuwa aan Duuliyaha lahayn ee laga leeyahay Dalka Mareykana ay Weera ka geysteen Deegaana la yiraahdi Haawaay .

Halkaan ka Akhriso Warar kale ee soomaaliya

Somalitalk 2-9-2014

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Magaalada baydhabo Kulamo kula leh Dhinacyada halkaa isku hayo

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bay waxay sheegayaa in Maalintii shaley uu Magaalada Baydhabo uu gaarey Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari waxaana Gudoomiyha uu Kulamo maanta la qaatey Odayaasha Dhaqanka eek u nool Magaaladaas waxana Kulmadaan la iskula soo qaadey Xaalada Deegaanka Gobolada Bay iyo Bakool iyadoo Oodayaasha ay Gudoomiyaha u gudbiyeen Dhaiaabto dhinaca Abaaraha ee ka jira Deegaanada qaar sidoo kale waxaa uu Gudoomiyaha uu kulan la qaatey in Dhinacyada isku hayo Gobolka eek ala ah kuwa Taageersan Lixda Gobol iyo kuwa taageersan Saddexda Gobola, waxaana la filyaa kulamadaas ay ka soo Baxaan Natiiijo wax ku ool ah.

Xasan Shiikh Maxamuud oo ay Nairobi uga qayb galaya Shir looga Magacdarey la dagaalanka Argagixisada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud oo sheley soo gaarey Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa la sheegey in uu halkaas uga qayb galayo Shir loogu Magacdarey la Dagaalanka Aragagixisada , waxaana Shirkaas sidoo kale ka soo qayb galaya Madax ka tirsan Wadamada IGAD iyadoo Shirkaan ay Codsadey Dowlada Kenya oo Dagaal kula jirto Xarakada Alshabaab waxaana Sidoo kale Shirkaan ka soo qayb geli doona qaar ka mid wadamada Calaamka iyadoo shirkaan Diirada lagu saari doono Dagaalada Qaar ka mid Wadamada Afrika kula jiraan Dhaqdhaqaaqyada Xarakada Alshabaab iyo Boka Haaraam kuwaa oo la sheegey in ay Wadamada Afrika kala kulmaan Dagaalo iyo Qaraxyo .

Dayaarado Dagaal oo uu Mareykana uu leeyahay oo Duqeyn ka geystey Deegaano ka Tirsan Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Hoose waxay sheegayaan in Habeenki Xaley ahaa Diyaarado Dagaal oo laga leeyahay Dalka Mareykana ay Duqeymo ka geysteen Deeegaanada Haawaay iyo Dhaay Tubaako oo ah meel ka qaybisa Gobolada Shabeelada Hoose iyo Jubada Hoose waxaana Sarkaal u Hadley Dowlada Mareynka uu sheegey in Maraykanka uu ka dambeeyey Weearakaas hase yeeshee waxaa uu sheegey in Bartilmaameedku uu ahaa Goob uu sheegey in ay ku shirayaan Saraakill ka tirsan Xarakada Alshabaab waxaana uu ka gaabsadey in ay faahfaahiyaan Khasaaraha ka dhashey Weerarakaas iyadoo Weerarkaan uu ku soo beegmey Xili Maalintii Shaley Magaalada Muqdisho uu soo gaarey Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.