Home » Warar »

Ciidamada Dowladda oo u dhaqaaqey Dhinaca Degmada Baraawe

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelada Hoose waxay seegayaan in Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Amisom ay u dhaqaaqeen Degmada Baraawe iyadoo maalintii Shaley ay Ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda Federaalka ay qabsadeen Degmada Kuntuwaarey, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose oo u Waramayey Warbaahinta ayaa sheegey in Saacadaha soo socda ay la wareegayaan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose hase yeeshee Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab ayaa weerar ku qaadey Degmada Qoryooley oo hore ay ugu Sugnaayaan Ciidamada Amisom iyo Kuwa Dowladda

….

Halkaan ka Akhriso Warar dheeraad ah

Somalitalk 1-9-2014

Golaha Wasiirada oo goor Dhow Ansaxiyey Xeerka Saxaafadda Soomaaliya

image
Kulan ay isugu yimaadeen Golaha wasiirada ayaa waxay ku ansaxiyeen Xeerka Saxaafadda oo dhawaan ay u Gudbiyaan Guddi loo saarey ka tala bixinta Xeerka Saxaafadda waxana Kulankaan Shir Gudoominayey Raiisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo sheegey in Xeerakaan loo udbin doono Golaha Baarlamaanka Federaalka oo isna la sheegey in uu ka doodi doono Xeerkaas ka dib marka ay ansaxiyaan Waxay u Gudbin doonaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud Federaalka iyadoo Wasiirka Wrfaafinta uu sheegey in uu aad ugu farax san yahay in Golaha Wasiirada ay Gudbiyaan Xeerka Saxaafada oo muddo soo jiitamayey.

Xasan Shiikh Maxamuud oo ka Hadley Weerarkii ka dhacay Xarunta Nabad sugida

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa isag oo ku sugan Dalka Turkiga waxaa uu si Kulul u Cambaareeyey Weerarkii Xarakada Alshabaab ee ay k qaadan Xabsi ay lahaayeen Cidamada Nabadsugida kaasoo loo yaqaan Godka Jilocow , waxana Madaxweynaha uu ku Tilmaamey Weerarkaas mid Fuleynimo waxaa uu intaa raaciyey “ Shabaab Dagaalka Joojin baa anigana dagaalka ka joojin maayo” Madaxweynaha waxaa uu amaan u jeediyey Ciidamada Dowlada ee Difaacey Xarunta Nabasugida ee Godka Jilacow hase yeeshee War ka soo baxay Xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegey in Weerarkii ka dhacay Xarunta Nabad sugida ay ka sii daayeen Maxaabiis fara badan

Banaanbaxyo lagu taageerayo Heshiiska Barre Hiiraale oo ka dhacay Afmadow iyo Dhoobley.

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee Gobolka Jubada Hoose waxay sheegayaan in maanta uu halkaas ka dhacay Banaanbaxyo lagu taageerayo Heshiska dhexmarey maamulka Jubba iyo Barre Hiiraale kaasoo ay Garwadeen ka ahayd Dowladda Federaalka waxayna Banaanbaxayaasha ku qaylinayeen ereyo ay ku soo dhaweynayaan Heshiiska ku aadan Gobolada Jubbooyinka iyadoo dadkii isugu soo baxay fagaarayaasha Goboladaas ay Khudbado u jeediyeen Xubno ka mid ah Maamulka Jubbad kuwaa oo sheegey in ay hirgalinayaan Qododbada Heshiiska .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.