Home » News »

Xarunta Tababarada, Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta (CMR) oo ay ka Qalin jabiyeen ardey Baratey Xirfadaha kala Duwan ee Saxaafadda. .

Xarunta Tababarada Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta ee (Center For Media Reseach Training And Development ) oo marka la so Gaabiya Noqoneysa (CMR) ayaa waxay qabatey Munaasbad si heer sare ah loo soo Agaasimey taasoo ku saabsaneyd Qalin jabinta arday Baranaysa Xirfadaha kala duwan ee Saxaafadda .
somali166
Munaasabadda oo lagu qabtay Hotelka Mogadishu Guest House ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socdey Madaxda Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ, Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka, Agaasimayaasha Xarumaha Warbaahinada,Ururka Saxafiyiinta Haweenka (SWJ) iyo Masuliyiin iyana ka socotey Jaamacada Modern University oo ahayd halkii ay wax ku baranayeen Ardeydaas muddadii Sannadka ahayd.

Ugu horeNyti waxaa halkaas ka Hadley Suleymaan Shiikh Ismaaciil oo ah Gudoomiye ku xigeenka ururka Saxafiyiinta Qaranka oo ardeyda ku Booriyey in ay sii kororsadaan oo sii xoojiyaan Aqoontooda iyo Khibradooda taasoo uu sheegey in ay ku imaan karto Dadaal Dheeraad ah iyo nin lahelo Saxafi dhinac waliba ka dhisan .

Leyla Muuse oo ka socotey Uruka Saxafiyiinta Haweenka (SWJ) oo ka hadashey Munaasbadaas ayaa u Mahadcelisey intii isku soo dubaridey ama Dhaqan gelsey Xaruntaa in ay wax bartaan ardey intaa le’eg waxayna ugu Baaqdey ardeyda ka baxdey Xarunta in ay ka gun gaaraan Waxbarashadooda

Sidoo kale waxaa Madasha ka hadlay Agaasimayasha Idaacadaha Star- FM Goob Joog , Dalsan Radio Gudoomiyaha Jaamacada Modern University , Faarax Cumar Nuur ,iyo Cabdinaasir Xirsi Iidle waxayna Dhamaantood u Mahadceliyeen Xarunta iyo Macalimiintii Muddada dheer wax ka dhigayey Xaruntaas sidoo kale waxay u so jeediyey ardeydii ka qalan jabisey Xarunta in Xirfadooda Saxaafadeed ay u adeegsadaan Dhinaca Wanaaga

Axmed Ciise Guutaale oo ku hadlayey Magaca Xarunta ayaa ka Warbixiyey sida ay ku dhalatay Fakarka lagu Aasaasay Xarunta Tababarada, Cilmi Baarista iyo Horumarinta Warbaahinta (CMR) iyo Ujeedooyinka ka dambeeya Hirgelinteeda isagoo sheegey in Xarunta ay qaadaneyso ardey Cusub oo ku aadan Barista Xirfadaha kala duwan ee ay Saxaafadda ka Kooban tahay.

Gudoomiyha Shabakada 13 Mustaf Yaaasiin oo ka Hadley Gabagabadii Munaasbadaas ayaa sheegey in Ujeedka loo furey Xarauntaan ay tahay si loo helo Wariyayaal Tayo leh oo ku shaqeeya Habka Casriga ee Waraabaahinta caalamka waxa uuna u Mahadceliyey Dhamaan intii ka dambeysey in la furo Xaruntaan oo noqoneysa tii ugu horeysey oo Nooceeda ah ee la furo waxaana ardeydii ka qalin jabisey Xaruntaas la Gudoonsiiyey Shahaadooyin..

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.