Home » Warar »

Cali Khaliif Galeyr oo sheegey in ay Duulaan Gardaro ah ku soo qaadeen Ciidamo

Somalitalk 30-8-2014

Iyadoo maalintii shaley ahayd Ciidamo ka amar qaata Maamulka Soomaaliland ay weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaland ka dib markii Deegaanka Saax Dheer oo ka dhacaysey Munaasabad lagu Caleemo saarayey Madaxweynaha Maaamulka Khaatom Cali Khaliif Galeyr, waxaana Munasbadaas Goob joog ka ahaa Dad ka kala ymid Gudaha Soomaaliya iyo Dibada ayaa arrintaan waxaa ka Hadley Cali Khaliif Galeyr oo sheegey in ay Duulaan ku soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Silaanyo kuwaa uu sheegey in ay Diidan yihiin in Dadka Deegaanka Sameystaan Maamul u gaar ah , waxaa kale uu sheegey in wixii dhibaato ah ee ka yimaada Weerarkaas ay Dusha u ridan doonaan Maamulka Siilaanyo.

Qofkii Labaad oo Soomaali Mareykan ah oo lagu diley Dagaalka ka socda Suuriya iyo Ciraaq

Sida lagu faafiyey Talifishinka Magaalada Minneapolis KSMP ayaa shaaciyey in Nin Soomaali ah oo ka yimid Dalka Mareykanka oo dhawaan ku biirey Kooxda ISIS ee ka dagaalanta Wadamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa lagu diley Dalka Suuriya , Wiilkaan oo kal hore ka tegey Dalka Mareykanka ayaa lagu Magacaabaa Cabdiraxmaan Maxamed iyadoo Wiilkaan uu noqonayo Wiilkii labaad ee Soomaali Mareykan ah hase yeeshee Baahinta Warkaan ayaa wax laga weydiiyey Ciidamada Amaanka waxayna ku Gaabsadee in ay Baarayaan Dhimashada Wiilkaas Soomaalia ah
Maamulka Gobolka Banaadir oo Hirgeliyey Idaacada u Gaar ah

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muun Gaab ayaa Xariga ka jarey Idaacad ku hadasha Afka Gobolka Banaadir taasoo si qota dheer uga hadli doonto arriimaha Gobolka Banaadir isagoo arrintaas ka hadlaya ayaa yri “ Dalka waxaa uu leeyahay Wasaarad Warfaafineed marka Idaacadeeena waa mid ka hadli doonto Ariimaha Gobolka Banaadir marka waxaan rajeynayaa in uu iskaashi Dhexmaro Warbaahnta Dowlada iyo Idaacada Gobolka Banaadir “ Waa idaacadii Labaad oo laga furo Magaalada Muqdisho iyadoo hore loo furey Idaacad ay leeyihiin Ciidamada Qalabka sida taasoo ku dhextaal Idaacada Raadiyo Muqdisho

Waraaqo Digniin ah oo lagu daadiyey Magaalada Muqdisho.

Gaari kuwa Raaxada ah ayaa la sheegey in uu Waraaqo ku daadiyey qaar ka mid ah Degmooynka Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmooyinka Hodan iyo Wadajir ,,waxaana Waraaqahaasi ay ahaayeen kuwa Digniin Xambaarsan ooo loo jeedinayo Dumar la sheegey in ay Qaataan Dhar Qafiif , waxaana Waraaqahaasi ku qornaan Qoraalka loogu sheegayo Haweenka in ay Qaataan Xijaabka hase yeeshee Sargaal u Hadley Waaxda Nabadsugida ayaa sheegey I ay ku raad joogaan gaarigii loo adeegsadey Daadinta Waraaqahaasi

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ku baaqey in Soomaaliya loo Gurmado.

Ururka Iskaashiga Islaamka Warsaxaafadeed ka soo baxay ayuu ugu Baaqey Beesha caalamka iyo dadka haysta Hantida in ay gargaar la gaaraan Deegaanada Abaaraha ka dilaaceen ee Soomaaliya, Warsaxaafadeedka aya lagu sheegey in Xaalada Bani aadanimo tii ugu Xumeyd ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya ka dib markii Deegaanadaas ay ku dhinteen dad iyo Xoolo,” Hal Milyan oo ay ku jiraan 75,000, oo Caruur ah ayaa Qarka u saaran in ay Macluul u dhintaan” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedkaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.