Home » Warar »

Taliska Ciidamada Amisom oo ku dhawaaqey Howlgal ay ugu Magacdareen Bad weynta Hindiya

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 27-8-2014

Warka Amisom

Shir Jaraaid oo ay si wadajir ah u qabteen Dowlada Federaalka iyo Taliska Amisom ayey kaga dhawaaqeen in uu bilowdey Howgal ay ugu Magacdareen Badweynta Hindiya kaasoo ay sheegeen in ay ku dhameystirayaan Gobolada iyo Degmooyinka ay ku sugan yihiin Xarakada Alshabaab , waxay sheegeen in Howlgalkaas uu ka bilowdey Gobolka Bakool ka dib markii Ciidamada la wareegeen Degamada Teyeeglow sidoo kale waxay sheen in Howlgalka xiga uu yahay Magaalada Buula Maree oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose .

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada oo kulan la qaatey Wafdi ka socdey Qaramada Midoobey

Iyadoo Dardar ay ku socoto Maxkamada Ciidamada ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaarey Wafdi ka socdey Qaramada Midoobey waxayna Kulan la qaateen Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Cabdiraxmaan Tuur Yare waxaana kulankas la iskula soo qaadey qaabka ay Maxkamada u shaqeyso iyo sidii Xiriir wada shaqeyneyd uwada yeelan lahaayeen Labada Dhinac inkastoo aan si rasmi loo faahfaahin waxa dhexmarey labada Dhinac hadana warar baa sheegaya in Qaramada Midoobey ay gaartey Cabashooyin ka soo eerey qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed oo ku aadan qaabka ay Xukunada u qaado Maxkamada Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galaya Caleemo Saarka Raiisul Wasaaraha Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh ayaa maanta u Amabaxay Dalka Turkiga si uu uga qayb galo Caleemo Saarka Raiisul Wasaaraha Turkiga Ordogan taasoo lagu Wado in ay dhacdo Maalinta Beri oo ay bisha ku beegan tahay 28 Bisha Ogoosto,waxaana Madaxweynaha Wafdigiisa ka mid ah Wasiirka arrimaha Dibada Cabdiraxmaan Beyle iyo Wasiirkii hore ee Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed Raiisul Wasaaraha Turkiga Ordogan ayaa dhawaan ku guuleystey Doorashadii Madaxtanimada Dalka Turkiga kaasoo Xilka Hayn doona muddo Shan sanno ah.

Wafdiga ka socda IGAD oo kualan la qaatey Bare Hiiraale

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose waxay sheegayaan in Deegaanka Goob weyn ay gaareen Wafdi ka socda Urur Goboleedka Igad halkaas oo uu ku sugan yahay Barre Hiiraale waxaana kulankaas la iskula soo qaadey sidoo Igad ay Barre Hiiraale ugu qancin lahayd in uu ka soo qayb galo Shirka Dib u heshiisiinta e la filayo in uu dhawaan ka furmo Magaaada Kismaayo hase yeeshee Barre Hiiraale ayaa diidey in uu ka soo qayb galo Shirkaas isagoo Shuruud ka dhigey in Shirka Maamulidiisa laga wareegiyo Axmed Madoobe

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.