Home » Warar »

Faarax Shiikh Cabduqaadir “ Waxay ka mid tahay Qaladaadka jira Eedeysanyaasha ka soo muuqda Warbaahinta Dowlada inta aan Maxkamad la soo taagin”

Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka Mudane Faarax Shiikh Cabdulqaadir ayaa sheegay in Heerka Garsoorka iyo Cadaaladda Soomaaliya ay Maanta marayo xili kala guur ah, taasoo uu ku macneeyey in Wasaaradaiisu ay waxa badan qabatay wax badanna ay u dhiman yihiin, waxa uuna intaa ku daray in Maanta Dadwaynaha Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay ka tanasuleen xooggii sanado ka hor Soomaaliya lagu kala bixi jirey oo hadda la aado Hay’adaha Garsoorka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mudane Faarax Cadulqaadir oo la hadlay Idaacada Bar-kulan ayaa sheegay in wax badan laga qabtay arrimaha Xabsiga dhexe oo ay ku jiraan Boqolaal Maxaabis ah oo ku eedaysan denbiyo kala duwan waxa uuna meesha ka saaray wararka qaar oo sheegaya in Xabsiga dhexe gudihiisa lagu jirdilo qaar ka mid ah Maxaabiista ku xiran.
image
Mar la waydiiyey waxa uu ka qabtay Cadaaladadarada qof walbaahi ka cabanayo waxa uu ku jawaabey
”Waxa dib u habayn lagu sameeyey Sharciyadii Hay’adaha Garsoorka, Maanta waxaa inoo dhisan Sharcigii Adeega Garsoorka, waxaa lagu guda jiraa dib u habayntii Hay’adaha Garsoorka, waxaa ay dib u habayni ku socotaa Xeer-ilaalinta, waxaa a dib u habayn ku socotaa Xabsiyada iyo Dhaqan celinta gaar ahaan Xabsiga Dhexe oo hada Dayactir xoogani ka socdo”.

Mudane. Faarax oo hadlayey ku dhowaad, ayaa sheegay Gunaanadkii iney ku dadaalayaan ka shaqaynta Cadaaladda intii tabartooda ah ayaa hoosta ka xariiqay in si kastaba Laalush qaadashadu Xaraan tahay oo aan lagu mar-mar-siyoon karin dhibaato haysata Garsoore iyo wixii la mid ah, waxa uuna intaa ku daray In qofka Laaluusha bixiya iyo midkii qaataba ay Denbiilayaal yihiin.

Mar wax laga weydiiyey Eeydeysanayasha qaarkood oo inta aan Maxkamad la soo taagin ka soo muuqda Saxaafada Dowladda ayaa waxaa uu ku jwaabey “ Warbaahinta Dowladda wax wanaagsan bay qabatey arrintaan waxay ka mid tahay Qaladaadka jira oo loo baahan yahay in dib loo saxo” waxaa uu sii dabadhigey Wasaaradisa ay wax ka qabaneyso Maxbuuska kasta oo Xadgudub loo geysto.”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.