Home » Warar »

War Ka Soo Baxay Gudiga Fulinta Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed oo Lagu Cambaareeyey Xariga Timo Jilac

Cali Maxamed Nuux Tima Jilic ayaa maalinkii 7-aad ku Xiran Xabsiga ay leeyihiin Nabad sugida ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dowlada ay ka wateen Xafiiskiisa xili uu qabanayey Shir Jaraaid oo uu kaga hadlayey Xaaladda Dalka, sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed xisbiga midnimada. Hoos ka akhri warsaxaafadeedka oo dhamaystiran

Ku: Madaxda Qaranka Soomaaliyeed
Ku: Xafiiska Qaramada Midowe Ee Soomaaliya
Og: Gudiga fulinta Iyo Arimaha Bulshada Ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed

Ujeedo: War Saxaafadeed.
Kadib Kulan ay Yeesheen Gudiga Fulinta Iyo Arimaha Bulshada ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa Waxa ay Ku Cambaareeyeen Xaraga Sharcidarada ahaa Ee Ciidamada Dowladda ay u Geesteen Gudoomiye Ku Xigeenka XMJS ahna Ku Simaha Madaxweyne Darmaan Mudane Cali Max’ed Nuux Tima Jilic
image
Waxa ay Sidoo Kale Wax Laga Xumaado Ku Tilmaameen Jir Dil Loo Geestay Iyo In Lagu Xero Meel aan Manaasabkiisa aheyn Waxa Ayna Madaxda Dowladda Ka Dalbadeen In Ay Jawaab Cad Ka Bixiyaan Qodobadan
.
1: Waxa Sababay In Xisbi Aan Hubeysneyn Weerar Lagu Qaado Xabsigana Loo Taxaabo Gudoonkooda.
2: In Jir Dil Lagu Sameeyo Siyaasi Rug Cadaaga ah Laguna Xerri Godka Jilicow Oo Sida Cad aan aheyn Meel Manaasabkiisa ah Islamarkaana Aan aheyn Meel Lagu Xero Siyaasiyiinta.

3: In Muddo 24-Saac Kabadan uu Isaga Jiro Xabsi Iyadoo Aan Lasoo Bandhigin Dambi Cad Oo Lagu Heysto .
Sidoo Kale Xubnaha Xisbiga ayaa Waxa ay Ka Codsadeen Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya In ay Soo Fara Galiyaan Tacadiga Iyo Meel Ka Dhaca Loo Gestay Gudoomiye Ku Xigeenka XMJS Mudane Cali Maxamed Nuux (Tima Jilic ) Iyagoona Dhanka Kale Xubnaha Sare Ee Gudiga Fulinta Iyo Arimaha Bulshada Ee Xisbiga MJS Ay Ka Dalbadeen Madaxda Dowlada In Si Shuruud La’aan ah ay Ku Sii Daayaan Mudan Tima Jilic.

Gunaanadka War Saxaafadeedka ay Soo Saareen Gudiga Fulinta Iyo Arimaha Bulshada ee Xisbiga MJS ayaa Waxa ay Xusuusiyey Madaxda Dowladda,QM Iyo Shacabka Soomaaliyeedba In Tima Jilic Uu ahaa Shaqsigii Ugu Horeeyey Ee U Tafa Xeyta Furista Qeybo Ka mid ah Wadooyinka Makka Al-Mukarama, Airport,ka, Dekadda Iyo Kuwa Kale Waxaana Taa Badalkeed Loogu Abaal Guday Jir Dil Iyo Xabsi.

Cali Maxamed Nuux Tima Jilic ayaa maalinkii 7-aad ku Xiran Xabsiga ay leeyihiin Nabad sugida ka dib markii Ciidamo ka tirsan Dowlada ay ka wateen Xafiiskiisa xili uu qabanayey Shir Jaraaid oo uu kaga hadlayey Xaaladda Dalka

Afhayeenka Gudiga ahna Madaxa Xirriirka Goboladda
Bashiir Axmed Sheikh

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.