Home » Warar »

Daladda SOSCENSA oo Kulan Balaaran la qaadatey u Qaybsanaha Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone.

Inti uu socdey Kalfadhii Labaad ee Guddiga Agaasinka ee Daladda SOSCENSA Sannadka 2014 oo Afartii Biloodba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qayb galey u qaybsanaha Midowga Yurub Amabasadoor Michele Cervone waxaana halkaas hadal ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jilayaasha aan Dowlaiga ahayn ee Koonfurtas iyo Bartamaha Soomaaliya ( Somali South Central None State Actors ) SOSCENSA Cabdulaahi Maxamed Shirwac waxaana uu ku dheeraadey Xaalada Dalka gaar ahaan arrimaha Bulshada, Siyaasada Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha iyo Doorka ay Bulshada ku leedahay Howlaha Dib u dhiska Dalka iyo Nabad Dhiska Dalka.
somali164
“Midowga Yurub waxaan u soo jeedineynaa in gacan ka geysato sidii Bulshada ay door Muhiim ah uga yeelan lahayd arrimaha Siyaasada, Doorashooyinka 2016 , Maamul u sameynta Gobolada Dalka, Amaanka, Bulshada iyo Arrimaha Baniaadanimada” ayuu yiri Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo Midowga Yurub ku wargeliyey in Soomaaliya haatan ay ka jirto Xaalad Baniaadanimo waxaana uu farta ku fiiqey in qaar ka mdi Gobolada Dalka ay ka jiraan Abaaro loona baahaan in Midowga Yurub ay gacan ka geystaan.

“Dhaqaalaha loogu Deeqo Soomaaliya waxay soo maraan dhowr meelood waxaana Soomaaliya ka soo gaara Lacago aad u yar marka waxaan Midowga Yurub ka Codsaneynaa in ay Dhaqaalaha ay siinayaan Soomaaliya si toos loo soo gaarsiiyo” ayuu yiri Cabduaahi Maxamed Shirwac oo uga Mahadceliyey Booqashada iyo Kulanka ay la qaateen Dalada SOSCESA .

Ambasadoor Michele Cervone oo ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay in ay Kulan la qaataan Dallada SOSCENSA, wuxuuna Balan qaadey in uu Midwga Yurub uu gaarsiin doono Qododbadii loo soo jeediyey ee ku aadan sidii Bulshada Rayidka ah door Muhiim ah ugu yeelan lahaayeen Galaangalka Siyaasadeed, Amni iyo mida Dhaqaale ee dalka ka jirta

Sidoo kale mar la weydiiyey u qaybsanaha Midowga Yurub ee Soomaliya Michele Cervone Su’aal ahayd ka maqnaashaha Doorka Haweenka ee arrimaha Syaasada waxaana uu ku jawaabey “ Midowga Yurub arrimahaasi waan la socdan in uu weli maqan yahay Doorkii Haweenka Xitaa Maamulada Dalka ka jira Haweenka Doorkoodii waa ka maqan yahay “ wuxuuna ugu dambeyntii sheegey in Midowga yurub uu ku Dadaal u geli doono sidii Bulshada Rayidka uu Doorkooda u Muuqan lahaa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.