Home » Warar »

WAR-SAXAAFADEED KA SOO BAXAY GUDDIGA JOOGTADA AH EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA OO KU SAABSAN XAKAMAYNTA HUBKA

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka kulankiisa ahaa 17kii Agoosto 2014
wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ka dhegeystay warbixin ku saabsan
hawlgalada xakameynta hubka iyo sidoo kale siyaasadda ay Xukuumaddu ka
dejisay xakameynta hubka, Waxaa kulankan kasoo qaybgalay Ra’iisul
Wasaaraha Xukuumadda Federaalka oo ay wehliyaan Ku-xigeenka R/Wasaaraha,
Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka
Ganacsiga,Warshadaha iyo Wasiirka Hiddaha iyoTacliinta Sare. Wuxuu Guddigu
kulan u gaar ah qabsaday 18th Agoosto, fadhigan oo uu si qota dheer ugu
falanqeeyey kana baaraandegey warbixinta Xukuumadda iyo warcelinta
weydiimaha xildhibaanada iyo xubnaha xukuumaddu is dhaafsadeen.

Guddiga Joogtada ah wuxuu mabda’ ahaan ayidsan yahay in la xakameeyo
hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu Golaha Shacabku u xilsaartay
Xukuumadda.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku xusuusinayaa dhammaan
bulshada Soomaaliyeed inay Xukuumadu awood buuxda u leedahay suggida
amniga sida uu qabo Qodobka 99aad faqradda (f) ee Dastuurka.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku hoosta ka xariiqayaa waajibka
saaran Xukuumadda Federaalka badbaadinta iyo amniga shacabka sida uu qabo
Qodobka 126 faqradda 1aad oo sheegaysa:-

“Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo
ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo badbaadinta
shacbigeeda, iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga”

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka usoo jeedinayaa inay
Xukuumadu hubiso la xisaabtanka laamaha amniga iyadoo xaqiijinaysa
sareynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha si waafaqsan
faritaanka Dastuurka ee qeexaya mabd’a ah inay hay’adaha rayidka ahi
kormeeraan hay’adaha amniga ee hubka sita sida uu qabo Qodobka 126aad
faqrada 6aad ee Dastuurka.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka wuxuu Xukuumadda xusuusinaya in
Dastuurka Jumhuriyaddu si adag u xaqiijiyey Xurmada Hoyga iyadoo uu si cad
ugu qeexayo Qodobka 19aad faqradda 1aad: “in Qofna gurigiisa ama meeshii
kale ee isaga u gaar ah la geli karin, la baari karin, lana basaasi karin
amar garsoore oo sababaysan la’aantiis”. Sidaas awgeed, wuxuu Guddiga
Joogtada ah kula talinayaa in hawlgalada xakameynta hubka ay iska
kaashadaan laamaha amniga, xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Laanta
Garsoorka dalka.

Wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku u soo jeedinayaa Xukuumadda
inay dalka oo dhan ku baahiso fulinta siyaasadeeda xakameynta hubka si
waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka.

Si ay u suurtogasho in siyaasadda Xukuumadu loogu rogo sharci dalka u
yaala, wuxuu Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabku u soo jeedineynaa
xukuumadda inay si degdeg ah u soo gudbiso hindise sharci ah oo ku saabsan
Xakameynta Hubka.

Si loo xaqiijiyo ilaalinta xoriyadda saxaafadda si waafaqsan Qodobka 18aad
ee Dastuurka, wuxuu Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabku u soo
jeedinayaa Xukuumadda inay degdeg ugu soo gudbiso Golaha Shacabka hindise
sharci ah oo lagu maareeyo Warbaahinta dalka.

In Dhammaan Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa amnigaba la siiyo tababarro ku
saabsan arrimaha xuquuqda Aadanaha iyo ilaalinta xasaanadda, amar adagna
lagu siiyo inaysan ku xadgudbin xuquuqda aadanaha iyo hantida
muwaadiniinta iyo dadka kale ee dalka deggan, sida uu faraayo Qodobka 127
Faqradda (f) ee Dastuurka iyo xurmaynta xasaanadda xildhibaanada.

Ugu dambayn Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha
waxa ay dhammaan xildhibaanada Qaranka ka codsanayaan iney gacan ku
siiyaan Ciidammada Ammaanka gudashada waajibaadkooda Qaran.

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.