Home » Warar »

R.W Cabdiweli oo maanta kulan qado ah la qaatay ururada bulshada rayidka

Warsaxaafadeed kasoo baxay DFS:

Muqdisho, .. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta kulan qado ah u sameeyay qeybaha bulshada Rayidka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo Amniga Caasimadda iyo Hiigsiga 2016.
Waxana kulanka goobjoob ahaa xubno ka socday labada gole ee dowladda.

Sidoo kale intii uu socday kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo bulshada rayidka waxaa diiradda lagu saaray qaabka ugu habboon ee bulshada rayidka ah iyo dowladdu u yeelan karaan wada shaqeyn, iyadoo inta badan su’alaaha lasoo jeediyay u badnaayeen howlgallada ay laamaha amnigu ka wadaan magaalada Muqdisho. Waxeyna ka codsadeen Ra’iisul Wasaaraha in la dar-dargeliyo howlaha xukuumadda, gaar ahaan amniga iyo aruurinta hubka sharci darrada ah ee yaala magaalada.image

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo kulanka ka hadlay ayaa mahadcelin kaddib hoosta ka xariiqay in Xukuumadda uu hoggaamiyo door muhiim ah ay siinayso Ururada Bulshada Rayidka.

“Ururada Bulshada Rayidka ah waa aasaaska qaranka, doorkiina waa muhiim, xukuumaddu aad iyo aad bey idiin soo dhoweyneysaa. Tallooyinkiina iyo wadatashigiina muhiim bey noo tahay, door weyn baad ka cayaari kartaan xal u helidda mushkiladaha jira” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka codsaday in si wada jir ah loogu guntado sidii loo samatabixin lahaa dalka, balse aan lagu eegan oo kaliya dowladda.

“Dowladda, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka oo isku duuban oo kaliya ayaa ka guuleysan kara caddowga, balse haddii tafaraaruq uu dhaco caddowga ayaa naga guuleysanaya, waxaan xukuumadu qaadanaysaa talooyinkii muhiimka ahaa ee aad soo jeediseen”

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli ayaa tilmaamay howlgalkii ciidamadda amnigu ay ka wadeen magaalada Muqdisho uu ku salaysnaa warbixino ay heleen laamaha amnigu, ciidamada dowladuna ay ku soo qabteen hub aad u faro badan oo halis ku ahaa amniga dalka.

—DHAMMAAD—

August 17, 2014

Ahmed-nuur Mohamed
Waaxda Warfaafinta ee XRW
Muqdihsho, Soomaaliya
media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.