Home » Warar »

Minneapolis: Xildhibaanno ka qayb qaatay Mudaharaadkii Looga soo horjeedey Madaxweynaha DFS

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho laba cisho ah ku yimid magaalada Minneapolis, isla markaasna xalay August 10, 2014 daweynaha kula hadlay xarunta Jaamada Minneasota, ayaa waxaa hareer socdey dadweyne mudaharaad ay kaga soo horjeedaan ku dhigay xarunta jaamacadda oo ku taal magaalada Minneapolis. Sidoo kale waxaa habeen hore mudaharaad lagu dhigay hodheelka uu magaalada kaga soo degey waftiga madaxweynaha DFS.

Dadka mudaharaadka dhigayey waxaa ka mid ahaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa kale oo ka hadlay Xaamud Maasheeye oo xukuumaddii ugu dambaysay ee KMG ahayd ka ahaa Wasiiru dawlaha arrimaha Dibadda, waxana uu sheegay in xilligii uu dawladda ku jirey in dawlado badani doonayeen in la saxiixo badda Soomaaliya.

Xildhibaanno ka qayb galay Mudaharaadka, kana hadlay fagaaraha bannaanbaxa ka daawo Video:

TV-ga Chinnel 5 ee Minneapolis oo ka warbixiyey mudaharaadka ka daawo video-ga hoose:

Controversy Over Somali President’s Visit to Minneapolis

Video kale ee mudaharaadka goobtii uu ka hadlay madaxweynaha DFS:

mudaharad

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.