Home » Warar »

Xaflad Qalin Jabin ah oo lagu qabtay Xarunta Jaamacadda Green Hope ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ay ku qalin jabinayeen Ardey dhamaysatay Barashada Caafimaadka, Luqadaha iyo Saxaafadda ayaa ka dhacday Xarunta Jaamicadda Green hope ee magaalada Muqdisho.

Munaasibadda oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Wax-barashada , Caafimaadka iyo Daladaha Waxbarashada Muqdisho qaarkood, Marti Sharaf, Ardeyda iyo Waaliddiintooda ayaa mas’uuliyiintii halkaa ka hadashay waxay amaaneen doorka Jaamacadda iyoIsbedelka ay ka samaysey dhinaca dhismaha iyo Tacliinta Ardeyda.
Masuuliyiintii ka socotey Wasaaradaha kala duwan ayaa u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Xafladaan, sidoo kale waxay sheegey in Wasaaradahooda ay gacan siin doonaan Jaaamacada Green Hope oo ku aadan Hormarinta Waxbarashada Jaamacada iyagoo intaa raaciyey “ Baniaadamka waxaa uu u qaybsamaa Saddex nooc mid Nafsadiisa Gabey , mid isaga keliya is Anafacay in Ruux Isaga is anfacay dad kalena anfacay,marka waxaa idiin kula dardaarmeynaa in aad noqotaan kuwa iyaga is Anfacay Ummada kalena anfacay”

Mustaf Macalin Cabdule oo Maamulaha Jaamacada Green Hope oo halkaas ka jeediyey Warbixin ku saabsan Jaamacada iyo Mustqbalka waxa u Qorsheysan isagoo halkaas ka sheegey in Jaamacada lagu soo kordhiyey Kulliyado Cusub oo uu sheegey in wax ka dhigayaan Macalimiin Aqoontooda Sareysa islamarkaana Khibrad u leh sida wax loo baro ardeyda

Ustaad Qaasin Cusmaan oo ka mid ahaa Macalimiintii Hore ee Soomaaliya welina ah Bare wax ka dhiga Dugsiyada Muqdisho oo halkaa ka hadlay ayaa Dhallinyaradii iyo Martidii halkaa isugu timid ku guubaabiyay Waddaniyadda isagoona halkaa u horseeday Dadkii Munaasibadda ka soo qayb galay Heesta Astaanta u ah Soomaaliya ee Soomaaliyeey Toosoo Heestaas oo noqotay mid saameyn weyn ku yeelatay Dadkii Munaasibadda ka soo qayb galay oo shucuurtoodu mar keliya is bedeshay.
somali159
Gudoomiyha Jaamicadda Green Hope Prof Xuseen Tooxow oo gaba gabadii Xafladda halkaa Khudbad ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay Taariikhda fog ee Jaamicadda iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay Ardeyda iyo Waalidiintooda oo u dhabar adeegay inay wax bartaan Xilli halkaas ay ahayd Aag Dagaal

Ugu dambayntii ayaa Ardaydii ka Qalin jabisey waxaa halkaa lagu guddoonsiiyay Shahaadooyin caddeynaya Maadooyinkii ay barteen iyo abaal gudyo kala oo la guddoonsiiyay Ardeydii ugu wanaagsanayd xilli Waxbarasheedka iyo kuwii dadaalka badan muujiyay sidoo kale Ardeydii ka qalin jabiyey Jaamacada ayaa Macalimiintooda Gudoonsiiyey Haddiyado Qaali ah

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.