Home » Warar »

Warqaddii ay Sayeeda Warsi iskaga casiyey Golaha Wasiirada dalka Britan, arrinta GAZA awgeed

Sayeeda Warsi oo ah Muslimad ku jirtey golaha wasiirada ee xukuumada Ingiriiska ayaa Agoosto 5, 2014 is-casishey kaddib markii ay u adkaysan weydey GAZA waxa ka socda. Waxayna sidaas ku cadaysay bogga ay ku leedahay Twitter-ka (@SayeedaWarsi).

Waxayna warqad u qortay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, ayadoo sheegtay in waxa ka dhacaya #GAZA ay tahay mid aan damiir ahaan la difaaci karin.

Sayeeda Warsinoo ah qoftii dumarka ahayd oo muslimad ah ee ugu horaysay ka mid noqoshada golaha wasiirada Ingriiska, waxay sheegtay in go’aamada ay qaadato ama taageerto inta ay ku jirto dawladda ay yihiin kuwo saamayn ku yeelanaya nolosheeda, ayadoo taas ka hadlaysayna waxay tiri:

“Waxaan had-iyo-jeer iraahdaa muddo markii ay ka soo wareegto waqtigayga siyaasadda, waxaa waajib igu ah in aan keligay la noolaado go’aamadii aan qaatay ama go’aamaddii aan taageeray (intii aan dawladda ku jirey). Haddaba xilligan in aan ku sii jiro dawladda ma hubo taas (go’aamadaas). Sidaas daraadeed anigoo ka xun ayaan is casilay” ayey ku qortay warqaddeeda Sayeeda (eeg hoose).

sayeeda

Isha: https://twitter.com/SayeedaWarsi

Warqadii Ra’iisul Wasaaraha Ingiriisku ku aqbalay iscasilaada Sayeeda AKHRI

  • Sayeeda Warsi said “I must be able to live with myself for the decisions I took or the decisions I supported. By staying in government at this time I do not feel that I can be sure of that.”

http://youtu.be/Twy2isPryZ4

Tweet-kii ay ku cadaysay iscasilaaddeeda hoos ka akhri:

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.