Home » Warar »

Wararka Soomaaliya ee maanta

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 7-8-2014

– Hadal ka soo yeerey Gudoomiyha Maxkamada Ciidamada oo dad badan ka caraysiiyey

– Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey in in u Guul ku dhamaadey Shirkii Madaxda Afrika iyo Mareykanka

– Beesha Sade oo Eedeyn u jeedisey Madaxweye Xasan Shiikh

– Howgal Dhowr qof lagu soo qaybtey oo ka dhacdey Degmada Afgooye .

– Xerada Badbaado oo Xaalad Bani Aadanimo tii ugu Xumeyd oo ka jirta .

· Iyadoo dhawaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida uu soo saaray hadal sheegaya in aan la aqbali doonin in la qabto oo keligii la xiro Shakhsi lagu soo qabto Shabaabnimo hadduusan la socon oo aan lala soo qaban waalidkiisa ayaa arrintaa waxay buuq badan ka dhex abuurtay qaybaha kala duwan ee Bulshada. Col Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa hore u sheegay in Waalidka lagu eedeynayo wax ka qabasho la’aanta Ubadkiisa oo qayb ka ah Dagaalyahanada Shabaab sidaa darted sharcigu uu dhigayo in waalidka lagu eedeeyo dhiniciisa wax uu ku sheegay ka gaabin gudasho Waajib.

Arrintan ayaa waxaa ka hadlay dad badan oo isugu jira Odoyaal dhaqameed, Siyaasiin, Waaliddiin iyo wax garad iyagoona sheegay in arrintaas ay tahay mid aan waafaqsanayn Diinta Islaamka sidaa darteedna Sharcigan uu ka dhawaajiyay Guddoomiyaha Maxkamaddu uu yahay mid uu jeebkiisa kala soo baxay sidoo kale Siyaasiga Cabdullaahi Shiikh oo ka mid ah dadkii arrintan ka hadlay ayaa si weyn uga soo hor jeestay arrintaa isagoona sheegay inay tahay Sharci uu samaystay Cabdiraxmaan Tuur-yare isla markaana uusan sharcigaasi marnaba shaqaynayn.

image· Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh ayaa sheegey in uu guul ku dhamaadey shirka Madaxda Afrika iyo Mareykanka ka dib markii uu sheegey in Dowladda Mareykanaka ay Afrika u balan qaadey Maalaayiin Doolar oo lagu maalgelinayo Qaarada afrika isla markaana qaar ka mid ah Lacagahaas ayuu sheegey Madaxweynaha Xasan Shiikh in lagula Dagaalamayo wax uu ugu yeerey La dagaalanka Kooxaha argaixisada.

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay socdaan Shirar dib u heshiisiin ah oo halkaa ka soconaya laguna heshiisiinayo Beesha Sade. Afhayeenka beeshaas Maxamed Aadan Booliis oo isagu sheegay inuu yahay afhayeenka Cusub ee Beeshu dooratay ayaa faah faahin ka bixiyay Shirarka ka soconaya magaalo madaxda Gobolka.

Afhayeenka ayaa eedeyn kulul u soo jeediyay Madaxweynaha Somaliya oo iminka Safar ugu maqan Dalka Maraykanka oo uu uga qayb galayo Shirka Madaxda Afrika iyo Maraykanka. Maxamed Boolis ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu Gobolkaas ka aas aasay Colaad iyo dagaalo dhax marta Beesha Sade isagoona soo qaatay booqashadii uu dhawaan ku tegay Gobolkaas inuu dhidibada u soo aasay Colaad uu kala dhax dhigay Beesha waa siduu hadalka u dhigaye.Afhayeenka ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku eedeeyay inuusan haba yaraatee wax Mucaawino ah uusan gayn Gobolkaas oo dhibaato abaaro ay ka jiraan isagoona tusaale u soo qaatay in Xukuumaddu gar gaar u dirtay Gobolka Gobolkaas la deriska ah ee Bakool

· Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka ee degmadaasi ay sameeyeen hawl galo lagu soo qab qabtay tiro Dad ah.Hawlgalkan ay Ciidanku Maanta ka sameeyeen gudaha Degmadaas ayaa inta badan ka dhacay Bartamaha Degmada gaar ahaana nawaaxiga Suuqa Xoolaha ee Bartamaha Degmada Af –gooye.

Saraakiisha hoggaaminaysa Hawl galkaas ayaa ku sheegtay inuu yahay mid lagu sugayo ammaanka degmada isla markaana looga hor tagayo falal amni darro ah oo muddooyinkii dambe ka dhacayay gudaha degmadaas. Falalka amnidarro ee beryahan ka soo cusboonaday degmadaas ayaa waxaa ka mid ah dilal qorsheysan, Weeraro loo adeegsado Qaraxyo iyo fowdo kale.

· Xerada Bad-baado ee Barkacayasha ee ku taala degmada Dharkeenleey oo ka mid ahayd Xeryihii ugu horeeyay ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ka dhisay Muqdisho ayaa xiligan waxaa ka jirta Xaalad aadaninimo oo aad u daran.

Xeradan oo Sanadkii 2011kii Markii Abaaruhu ku dhufteen Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya lagu soo dhaweeyay halkaas isla markaana la dajiyay boqolaal qoysas ayaa waxa ay u muuqanaysaa mid inteeda badan laga guuray oo qoysaskii halkaa hore ugu jiray ay badankooda dib ugu laabteen degaanadii ay ka soo hayaameen. Muqtaar Macalim oo ka mid ah qoysaska halkaa ku haray oo xaaladooda uga waramay Wariyaheena ayaa u sheegay in dhibaatada ugu daran ee xiligan ay haysata ay tahay Cunto la’aan, Biyo La’aan iyo waxyaabihii kale ee nolosha lagama maarmaanka u ahaa isagoona xusay in muddo dheer ay ugu dambaysey wax sama fal ah oo ay ka helaan dhinaca Hay’adaha Dawladda iyo kuwa Sama-falkaba.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.