Home » Warar »

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 5-8-2014

– Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegey in Maamulka loo sameynayo G/Dhexe uusan wax u Dhimeyn Puntland.

– Kooxdii hubaysnayd ee la wareegeen Xarunta TV-ga Puntland ee Garoowe oo ka baxay goobtaas.

– Diyaaradihii Tagi jirey Gaalkacyo qaarkood oo la joojiyey.

– Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu diley Dalka Koonfur Afrika.

– Xarakada Alshabaab oo sheegetey Masuuliyada Weerarkii Boosaaso.

somali158· Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh oo haatan ku sugan Dalka Mareykanka ayaa mar uu u waramey Idaacada VOA ayaa waxaa uu ka Hadley Maamulka la filayo in loo sameeyo Gobolada Dhexe waxaana uu sheegey In uusan wax u dhimeyn Maamulka loo sameynayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa uu intaa ku darey “ Waa Dhici kartaa in la kala Aragti duwanaado , hase yeeshee wax kasta oo ay tabanayaan Maamula Puntland laga Xaali Doono “ waxaa uu sheegey in Maamul u sameynta Gobolada ay tahay Nidaamka Federaalka ee ay Dooneysa in Dowlada in ay ka hirgelisa Gobolada Soomaaliya. Hase yeeshee Madaxweynaha Puntland ayaa si caro leh uga horyimid Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud isagoo sheegey in Dowlada ku Xad gudubtey Dastuurka .

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Puntland waxay sheegayaan in talaadadii ay Ciidamo Hubeysan la Wareegeen Xarunta TV-ga Puntland , waxaa la sheegey in Ciidamada la wareegey Xaruntaas ay la sheegey in Wateen Dharka Shacabka iyadoo Shaqaalaha TV-ga ee la wareegey halkas ay Xoog kaga saareen Shaqaalaha Xaruntaas iyadoo Xarunta TV-ga ay si aad ah ugu dhowdahay Xarunta Maaxtooyada , kooxdaas ayaa markii dambe kak baxay xaruntaas.

· Warar aan ka helney Shirkadaha Diyaaradaha ee Gooya Tikidhada Gobolada ayaa noo sheegey in uu Ciriiri ku yimid Diyaaradahii Tagi jirey Magaalooyinka Gaalkacayo iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolada Dalka , mar aan weydiiyey Sababta keentey in ay yraadaan Safaradaasi ayaa sheegey in Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka uu joojiyey Dhowr Diyaaradood oo tagi Jirey Gobolada Somaaliya ka dib markii uu ku tilaamey Diyaaradhaasi kuwa Duqoobey , hase yeeshee Shirkadaha ayaa sheegey in Wasiirka looga baahnaa in uu keeno Diyaarado kale si oo fududeeyo Safaradii Diyaaradha ee Gobolada . .

· Dalka Koonfurta Afrika oo inta badan la beegsado Mawaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaa u tagey in ay ka ganacsadaan ayaa warar aan ka helney Dalkaas waxay sheegeyaan in Laba Ruux oo Soomaali ah halkaas lagu diley ka dib markii ay soo Weerareen Kooxo Burcad ah oo Koonfur Afrikaan , Halka ay Mashaqadu ka dhacdey ayaa lagu Magacaabaa ASIS oo Gobolka Cape Town, waxaana Goobta soo gaarey Ciidamada Booliiska oo inta Badan lagu yaqaan in ay soo daahaan marka uu dhaco falka taasoo loo baahnaa in ay Booliiska ay sameeyaan ka hortag..

· Wiil la sheegey in uu dhaley Siyaasiga caanka ah ee Faysal cali waraabe ayaa la sheegey in uu ku biirey Dagaalyahanada ka dagaalama Dalka Ciraaq ee Dhulka Shaam ee loo yaqaan ISIS, Wiilkaan oo lagu Magaabo Abuu Shuceyb Al Soomaali ayaa waxaa uu haystey Dhalashada Wadanka Finland , waxaana uu sheegey in aad ugu faraxsan yahay in uu u soo Hijroodo Dhulka Shaam islamrkaana waxaa uu sheegey in doonayo in uu ka qayb qaato Jihaadka halkaas ka socda, Dhawaan ayey ahayd markii Wiil uu adeer u yahay Raiisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Saacid , wiilkaas oo lagu Magacaabo Faarax ayaa isna ka tagey wadanka Kanada isagoo ku biirey ISIS

· Xarakada Alshabaab ayaa sheegatey Masuuliyada Weerarkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee lagu diley Taliyihii Booliska Gobolka Bari oo lagu Magacaabi jirey Cabdiraxmaan Cali Xuseen Muslim , Afhayeenka Howlagada Xarakada Alshabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo ka Hadley Idaacada Afka Xarakada Alshabaab ee Al-Undulas ayaa sheegey in ay iga ka dameebey Qaraxaasi Ismiidaaminta , waxaa uu shegey in ay sii Wadayaan Weerarada noocaan oo kale ah ee lagu Bartilmaameedsanyaa Masuuliyiin Maamulka Puntland

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.