Home » Warar »

Xildhibaan Suleymaan “68 Xildhibaan baa Haysata Dhalashada Norway waxay doonayaan in Dowlada Norway ku Gacansiiyaan Badda Soomaaliya”

Xildhibaan Xaaji Shukri “Dowlada Xasan Shiikh Dhabarka ayey noo Jeediyeen”

Xildhibaano Gaaraya 150 oo ahaa Xildhibaanadii hore oo kulan ku yeeshey Magaalada Muqdisho ayaa si kulul u weerarey Siyaasada Dowladda Federaalka ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Shiikh, waxayne sheegeen in Dowladda Maanta jirta ay ku fashilantey arrimaha Nabadgelyada , Siyaasada iyo Dhaqaalaha .
somali156
Xubnihii halkaas ka Hadley waxaa ka mdi ahaa Suleymaan Maxamed Ibraahim oo sheegey in Xaquuq fara badan oo ay ku lahaayeen Dowlada Fedraalka ay ka waayeen islamarkaana ay halis ugu jiraan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka,waxaa uu sii raaciyey” Bishii Agoosto ee Sannadkii 2009 Baarlmaanka Soomaaliya ee Xiligaas jirey waxaa uu Cod Aqlibiyad ku horjoogsadeen Heshiis ay Dowladda Kenya ku dooneysey in ay qayb ka mid ah Badda Soomaaliya la siiyo”

“30 kii June 2014 ee Sannadkaan ayaa dad Soomaaliyeed oo Wadaniyiin ah waxay heleen warqad uu Madaxweyne Xasan Shiikh uu u direy Qaramada Midoobey kaasoo uu ku dalbaneyey in Dowladiisu ay diyaar u tahay in ay Wada hadal la furto Dowlada Kenya ee ku saabsan Badda Soomaaliya , 21 July i ee aynu soo Dhaafney ayaa Madaxweyen Xasan Shiikh wuxuu qoraal u direy Qaramada midoobey ,waxaan Ilaah ka rajeynayaa in aan helo Qoraalkaas oo maanta ogahay in wax badan lagu qarinayo” ayuu yiri Sulemaan oo intaa ku darey
somali157
“Bulshada Soomaaliyeed waa in ay isweydiisaa Sabaata uu Gudoomiyha Baarlamaanka Jawaari iyo ku Xigeenkiisa Mahad ay u joogaan dalka Norwey , waxaa Hubaal ah in Dowlada Norway ay dooneyso in Baaramaanka Soomaaliya ka dhaadhiciso in la soo nooleeyo heshiiskii aan hore u diidney , waxaa kaloo aan ummada Soomaaliyeed u sheegayaa in 68 Xildhibaan ee ka mid ah Baarlamaanka maanta jira ay heystaan Dhalashada Wadanka Norway sidoo kale waxaa Dhalashadaas haysta Gudoomiyha Baarlamaanka iyo mid ka mid ah ku Xigeenadiisa “ ayuu yiri Suleymaan intaa raaciyey

“Waxaa ummada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa gaar haan qaybha kala duwan ee Bulshada in ay ku Baraarugaan damaca Dowlada Norway iyo Shaqsiyaadka doonaya in ay ku Gacansiiyaan in la bixiyo ama la iibsado qayb ka md ah Badda Somaaliya soo kale waxaan u soo jeedinayaa qaybha kala duwan ee Warbaahinta in Bulshada u soo bandhigaan Damacaas lagu doonayo in lagu Fara Maroosado Badda Soomaaliya”

Kulankaas waxaa kale oo ka Hadley Xaaji Shukri oo si weyn ugu dheeraaddy sida ay Dowlada Federaalka ay dhabarka ugu jeedisey islamarkaana u diidey wixii Xuquuq ahaa ay ku laahaayeen Dowlada waxaa uu Xusey “Baarlamaanadii Xukuumadii Daakhilga ahayd, Tii Rayidka Xildhibaanadii ka tirsanaan jirey waxay mar waliba Xukuumadihii jirey ka heli jiraan Xaquuqahooda oo Waxaa u socon jirey Mushaarkoodii mida maanta jirtey oo aan ognahay in Dadaalkii ay sameeyeen Xildhiaanadii ku meel gaarka ay ku dhalatey sidaa darteed ay Albaabada ka xiratey

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaan Suleymaan “68 Xildhibaan baa Haysata Dhalashada Norway waxay doonayaan in Dowlada Norway ku Gacansiiyaan Badda Soomaaliya” "

  1. waan ka xumahay dhibta inugu habsatay haddii aan nahay
    ummadasomaliyeed.
    waa cadaan markii somalia loo samayey dawalad dhab loona dhiibay dad hunguri raadinaya oo wax kasta saxiixaya haddii lacag loo sheeg iyagoon dhehan maxaa ka imankara
    1-Xoolihii aan dhooka ahanay ayaa la dhoofiyey
    2-Ugaartii waa dhamaatay
    3-Geedihii dhux ayaa loo gubay oo dhulka waa saxare
    4- Badda iminka ayaa la gadanayaa
    war soomaliyey . Somlia yaa iska leh ?
    haddii uu Madaxweynaha iyo ninkii Berlamaanka u sareyey
    ay ka danabayaan Badda Somalia waa dhib markaa in Dustuurka lagu Baaxada dhulk iyo Badda
    in kastoo ay hadana xal kale raadinayaan ilaa waa tuug