Home » Warar »

Hay’adda HARO oo soo Gabagabeysey Baraamijkii Afurinta Masaakiinta iyo Bixinta Sakaatul Fidriga.

Hay’ada Humanitarian African Relief Organization (HARO) ayaa Gargaar Raashin Sakaatul Fidri ah ka qaybisey Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Wadajir iyo Gobolo kale, waxaana Sakaatul Fidrigaas ka Faaideystey oo loo qaybiyey Dada Badan oo isugu jira Danyar, Agoon iyo Barakacayaal
haro54
Hay’ada HARO oo Deeqdaan ka soo Ururisey Walaalaha Jaalliyadda Somaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika uguna tala gashey in la siiyo Dadka ku dhibaateysan Gobolka Banaadir ayaa intii ay socotey waxaa ka faaideystey Dada Fara badan waxaana Qaybinteeda Goob joog ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska HARO ee Soomaaliya.

Hayada HARO ayaa sidoo kale soo Gabagabeysey Mashruuca ay ugu Magacdartey Afurinta dadka aan heli Karin wax ay ku afuraan kuwaas oo u badnaa dad Masaakiin ah oo Danyar ah, Iyadoo Dadkii ka faaideystey Sakaatul Fidriga iyo kuwi la Afurinayey Bisha Ramadaan ay si aad ah ugu Mahadceliyeen Hayadda HARO ,

Dadkaas Masaakinta ah ayaa ka Codsadey Hayadda HARO iney sii wadaan Barnaamijyada lagu Afurinayo dadka Masaakiinta ah ee aan waxba haysan sidoo kale Bixinta Sakaatul Fidriga iyadoo Masuuliyiintii ka socdey Hayada HARO ay Balan qaadeen in halkaasi ka sii wadi doonaan Howlaha ay ugu adeegayaan dadka Dhibaateysan iyo kuwa Barakacayaasha ah .

Qaar ka mid Dadkii la siiyey Deeqda Sakaatul Fidriga iyo kuwii ka faaideystey Afurinta ayaa u Mahadceliyey Walaalaha Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika ee Deeqdaas soo dhiibey waxayna Ilaah ugu baryeen in waxa ay soo Dhiibeen uu ugu Bedelo Bedel Khayr badan, waxayna sheegeen in Hayadda HARO aysan aheyn markii ugu horeeysey oo ay gargaar ka helaan waxayna ka codsadeen in ay Il gaar ah ku eegaan dadka Dhibaateysan eek u nool Guud ahaan Soomaaliya .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.