Home » Warar »

Soomaaliya oo Cambaaraysay Israel weerarkeeda Gaza

War saxaafadeed ( Faafin degdeg ah)

Xoogaga Israel waxa ay xoojiyeen 20 July duulaankooda joogtada ah oo ay ku qaadeen Marinka Gaza ee Falastin .

Wasaaradda Arrimaha Dibaddu :

somali151

Waxa ay si adag u cambaareyneysaa duulaanka lagu qaaday dadka ku nool Gaza ee go’doonsan, iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan , taasoo ah wax ka hor’imaanaya qiimaha bani’aadanimada,dhaqamada iyo qawaaniinta caalamiga.

Waxaan ka codsaneynaa Israel inay si dhaqsiya leh ku joojiso dagaalkeeda iyo duqeynteeda daran ee ay ku qaaday shacabka Falastiin, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan la bah nahay Maamulka iyo Shacabka Falastiin, iyo inaan taageersannahay hindisaha ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar 14 July si xabadda loo joojiyo.

Waxaanu ugu baaqeynaa dhammaan dadka xorta ah ee caalamka inay sii ambaqaadaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo cadaawadda , laguna badbaadinayo nafta dadka aan waxba galabsan ee ka midka yihiin caruurta,haweenka iyo dadka da’da ah ee ku nool Marinka Gaza, iyo in la diyaariyo jawi u qalma oo lagu joogteynayo degganaanshaha iyo wadaxaajoodka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha.

H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.