Home » Warar »

Hay’adda Samafalka ee Tamkiin Foundation oo Gargaar Cunto ah Gaarsiisay Dad Dhibaateysan.

Hay’adda Samfalka ee Tamkiin oo ka mid ah Hay’adaha Waddaniga ah ayaa gargaar cunno waxay gaarsiisay dad danyar ah oo ku nool gobollada Banaadir, Shabeellada Hoose, Jubbada Hoose iyo Waqooyi Galbeed.
somali150
Raashinkaan oo ka koobnaa Bariis, Bur, Sonkor, Timir, Caano iyo Saliidda lagu Karsado raashinka ayay hay’addu ugu talo-gashay dadka tabaalaysan ee ku nool gobolladaas bisha barakeysan ee Ramadaan.

Gargaarkaan Deeqda ah ayaa waxaa ka faa’iideystay Kumannaan qof oo isugu jiray Waayeel iyo Dhallinyaro, kuwaasoo aan heli karin wax ay ku afuraan, waxaana tani ay qayb ka tahay gargaaridda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda Tamkiin Foundation oo la aasaasay sannadkii 2005-tii, ayaa intii ay jirtay waxay ka fulisay gudaha dalka Mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin; dhismo isbitaallo, Qodis iyo Dayactir Ceelal iyo Kannaallada Waraabka Beeraha.

Waxyaalaha kale oo ay Hay’addu qabtay muddadii ay jirtay waxaa ka mid ah qaybin Xoolo nool oo isugu jira Ari iyo Lo’ irmaan oo la gaarsiiyay dadka ay ku tiirsan tahay noloshooda Xoolo nool iyo Beeraha intii ay jirtay abaartii ku dhufatay Dalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.