Home » Warar »

Ha’yada HARO oo Muqdisho ka wada Barnaamjika Afurinta Dadka Masaakiinta ah ee Sooman.

Iyadoo Ha’yaddaHaro looga bartey in ay marka la gaaro Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay ka bilowdo Magaalada Muqdisho Barnaamj ay gacan ku siineyso dadka Masaakiinta ah ee Soomaan kuwaa oo aan awoodin in ay heleen Cunto ay ku Afuraan, ayaa markii uu Dhalatey Bisha Barakeysan ee aan ku jiro waxay Degmada Wadajir ka bilowdey Barnaamjkaas

Hayada HARO ayaa Xarun ay ku leedahay Degmada Wadajir Bilowgii Bisha Ramadaan ka hirgelisey Barnaamjka ay ku afurineysa dadka Tabaaleysan ee aan awoodin ay ay heleen wax ay ku afuraan, waxaana Xaruntaasi maalin waliba u soo Afur doonto dad fara badan kuwaa oo halkaa ka helo Cunto isugu jirta Bariis Karsan, Hilib, Khudaar, Cabitaan iyo Qare.

somali146

Mid ka mid ah Dadkii ka qayb galey in ay halkaa ka afuraan oo Saxaafadda la Hadley ayaa u Mahadceliyey intii ka soo shaqeysey Afurkaas isagoo si gaar ah ugu Mahadceliyey Jaaliyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika waxaa uu sii raaciyey “ waa Sannadkii Labaad ee aan halkaa ka Afuro Mahadaas waxaa leh intii soo dhiibtey iyo Hayadda HARO “

Xubno ka socdey Hayadda HARO oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Kormeerayey qaabka ay uu u socdo Barnaamjka lagu Afurinayo dadka Masaakiinta ah ee aan helin Karin wax ay ku Afuraan iyagoo sheegey in Barnaamjkaan uu socon doono ilaa ay ka dhamaato Bisha Barakeysan ee Ramadaan

Hayada Humanitarian African Relief Organization oo marka la soo gaabiyo loo yaqaan (HARO) waa Hayada Samafal oo in badan ka howgaleysey Guud ahaan Sooomaaliya,waxayna ka qayb qaadatey Abaarihii ka dhacay Dalka, Biyo Dhaamin, Bixinta Raashin Qalalan, Dhar Noocyo ka duwan leh iyo Daawooyin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.