Home » Warar »

Prof Saciid Ciise Maxamuud “ Xisbiga Dadka wuxuu u arkaa Qoraalka Madaxweynaha uu u Gudbiyey Q/M ee Badda Soomaaliya Khiyaano Qaran”

Dr. Saciid Ciise Maxamud oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Dadka oo ka hadlayey Qaraalkii Madaxweynaha uu 30-kii June sannadkaan uu u Gudbiyey Qaramada Midoobey ee Badda Soomaaliya ayaa yiri “Sida ku cad Qoraalka Madaxweynaha uu uga tanaasuleyDhul Badeedka ay Soomaaliya leedahay, isaga oo ula jeeda dalka Kenya in haddii ay jirto Wadan aan wadaagno Bad oo dood ka qaba sida Dhul Badeedka Soomaaliya ay ugu wareejiyeen inuu noqdo Dhul Badeed Caalamiya inuu diyaar u yahay inuu Tanaasul kale ka galo wixii ay tabanayaan, taas oo looga jeedo inuu damacsan yahay in dhul badeedka ay Kenya daneyneyso oo soo jira xuduuda Soomaalida in lahaanshihiisa lagu wareejiyo”.

Waxaa uu sii raaciyey

“Xisbiga Dadka wuxuu Qoraalkaas Madaxweynaha u arkaa inuu yahay Qiyaamo Qaran, loona baahan yahay in lagala xisaabtamo oo Baarlamaanku uu ka weydiiyo arrintaas inuu ka bixiyo warbixin dheeraada oo uu Shacabka iyo Baarlamaanka ka siinayo saxiixa uu UNka ugu gudbiyey dhul badeedka Soomaaliya.”

Waxaa uu intaa ku darey

“Qoraalka uu gudbiyey Madaxweynuhu waa mid saxiixiisa lagu meel marinayo ogolaanshaha Heshiiskaas, kaas oo macnahiisu uu yahay in Madaxweynuhu uu qeyb ka mid ah Dhulka Soomaaliyeed ugu ogolaaday Kenya qaabka fursad ahaan loogu saxiixayo sidii loogu hibeyn lahaa iyo weliba inuu u fasaxayo shisheeyaha sida dadban u doonaya iney ku xalaaleystaan hanashada Kheyraadka Badda Soomaaliyeed oo ah dhaxal ma guurto ah oo ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed”

Gudoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata ayaa yiri

“Inkasto shirqoolo fara badan ay shisheeyuhu u maleegayaan dalka Soomaaliya oo la doonayo dhan walba in laga cakiriyo sida dhanka nabadgelyada oo la doonayo markasta in laga curiyo Amaandari qorsheysan, Federaalnimo u abaabulan hurinta xasaradooyinka Qabiilka iyo Xuduud beenaadyo u dhexeeya beelaha, iyo cadaaladdarro lagu duudsiinayo Wadaniyiinta xaqooda Wadaninimo iyo hantidooda ay sida gaarka ah u leeyihiin, haddana shacabka Soomaaliyeed marna ma aqbalayaan xukunka shisheeyaha uu ku fulsanayo adeegsiga Madaxda uu dhintay damiirkooda dadnimo iyo karti xumadooda gabtay in dalka ay Madaxbanaani buuxda ku hogaamiyaan”
image
Gabagabadii Shacabka Soomaaliyeed waa ineysan marna yeelin hagardaamada ay wadaan madaxda sare ee Dowladda oo dantooda shaqsiga ah ay ku soo uruurtay dhismo dowlad ku shaqeynaysa danahooda gaarka ah, kuwaas oo maanka ku haya iney wax walba ka doorbidaan difaaca naftooda iyo danahooda oo ay go’aansadeen iney isku wareejiyaan hawlwadeeno u adeegaya difaacooda, danna aanan ka lahayn u adeegida danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo sida muuqata horay shacabka Soomaaliyeed uga soo galay dembiyo kala duwan, sidaas daradeedna lagu soo xushay damiir xumadooda liidata. Cid walba oo ka mida Madaxda sare ee Dowladda waxey ku dadaaleysaa iney abuurato garabkeeda u fulinaya danahooda shaqsiyadeed iyo qorshooyinka la isaga daba wareejinayo rayiga dadweynaha, kaas oo lagu maleegayo qorshooyin been abuura oo la doonayo in shacabka lagu ma’aweeliyo inta laga meelmarinayo danahooda qarsoon oo shisheeyuhu ay caynka u dhuujiyeen.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.