Home » Warar »

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa “ Go’aankii hore ee Baarlamaankii ku meel gaarka ahaa ee Badda Soomaaliya sidiisii ayuu u Taagan yahay”

Iyadoo maalmahan ay dib u soo noolaatay Sheekadii Xadeynta Badda Soomaaliya isla markaana Madaxweynaha Dawladda federaalka Somaaliya Xasan Shiikh Maxamuud dhawaan uu waraaq u qoray qaramada Midobay ayaa arrintaa waxaa si weyn uga soo hor jeestay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka federaalka Soomaaliya.Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku doodaya in xiligan aysan habooneyn in wax wada hadal ah laga galo Biyaha Soomaaliya haddii taas ay dhacdana jiritaanka Qaranimada Soomaaliyeed uu shaki galayo.

Porf. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka tirsan Baarlamaanka isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka guddiga xiriirka dibadda ee Baarlamaanka ayaa si caro leh uga jawaabay arrintaa isagoona wacad ku maray in Barlamaanka Soomaaliya marnaba aan la hor keeni Karin arrinta wada hadal ka galidda Badaha Soomaaliya.

Dalxa ayaa hoosta ka xarriiqay in arrinta Badda hore loogu gudbiyay Qaramada Midoobay gaar ahaana mowqifkii ay ka istaageen Xildhibaanadii Baarlamaankii ku meel gaarka Soomaaliya taasna ay weli sideedii u taagan tahay cid wax ka bedeli kartana aysan jirin.
image
Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay Xildhibaanku sanadkii Siddeetameeyadii inay gashay heshiis lagu Xadeynayo Xeebaha Soomaaliya heshiiskaasina uu weli sidiisii u taagan yahay iyadoo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay

Qoraalkii uu Bishii Juun Soddonkeedii Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbiyay Qaramada Midoobay ayuu ku sheegay in Madaxweynuhu uu ku yiri Soomaliya waxa ay diyaar u tahay cid kasta oo kala hadlaysa Heshiiskii Badda Soomaaliya taasina aan ahayn mid wanaagsan.

Xildhibaano kale oo ka tirsan Baarlamaanka ayaa iyaguna arrintaa si weyn uga soo hor jeestay iyagoona arrintaa ku sheegay Maxmiyad Soomaaliya haatan loo raadinayo arrintaasna marnaba aysan yeeli doonin shacabka Soomaaliyeed iyo Barlamaankooda.

Si kastaba Heshiiskii Badda oo Xukuumadda Kenya dabada ka riixeysey waxaa hore u diiday Cod aqlabiyad lehna ku hor istaagay Barlamaankii u dambeeyay ee Somaliya ka gadaal markii la hor keenay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.