Home » Maqaallo »

Somaliya Federal Dawlad la’an ah!! Qaybta 1aad

Marka laga hadlayo Hab-dhiska guud ee dawlada, dawladaha waxaa loo qaybshaa labao nooc:  Dawlad Federal ah (Federal State) iyo Dawlad Midaysan (Unitary State)

adam6Ugu horeyn Nidaamka federalka, waa qaab ay talada maamul  iyo Hanaanka siyaasadeed ee dalka ku wadaagaan Xukuumadda dhexe iyo Maamullo ama Dawlada-Deeganno u madaxbanan arrimaha siyaasada , maamulka iyo sharci Dajinta Deeganadaas. Sadexda Haya’dood ee ay dawldu ka kobantahay ayaa qaybsamaya, iyadoo Dawlad-Deegan kasta uu yeelanayo Sadex Haya’dood oo u gaar ah, Sidoo kale xirirka dawladda dhexe iyo Dawlado-Deganadu waa mid Dastuuri ah. Hayeeshee  Fulinta Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee dalka iyo mamulka waaxaha Qaranka, sida milatariga iyo Jinsiyadda…..IWM  waxay hoostagayan maamulidda Dawladda dhexe.

Nidaamka Federalka waxaa uu ku sameysmaa siyaabo dhawr ah, sida in uu ku yimaado Midaw ay isugu yimaadeen Dawlado kala madaxbanaanaa, marki hore ,lakiin doortay Hananka Federalka si ay u mideeyaan cududdooda ,ayna dhidbaan Qaran baaxadweyn,  Amba uu kadhaqangalo  wadan marki hore Midaysnaa, hayeeshee, baahi looqabo awed, ay lagma maarman noqotay, hergelinta Nidaam Federaali ah, sida in Shucuub kukala gedisan,  Diinta,Dhaqanka, Afka iyo isirka , ay kuwada noolyihin wadan qura, sidaa daraadeed ay cuslaato in lagu dhaqo hal “XEER” .ama Bed-Dhuleedka wadanka oo ah mid baaxadweyn ay adkaato in lagu baahiyo maamulka Dawlada daafaha dalka oo idil.

Guud ahaan Nidaamka Federalka waa hab xukun oo usuuban dawladaha leh tilmaamaha aan soo xusay,si ay u helaan Daganaasho Siyaasadeed iyo Nabad kuwada-noolansho bulshada dhexdeeda ah. Taa casigeeda waxaa ah in uusan nidaamkan u habooneyn dawladaha, ay hal qawmiyad kunooshahay, waayo taa waxay ka dhigantahay in shacab qura loo qeybsho dadyaw, ama Deegaano meersanaa lookala jaro Dawlado yar yar.

Sikaduwan Nidaamka Federalismka ee ay qaybsanyihin  awooddaha siyasadeed , maamul iyo sharci Dajinba , NIDAAMKA “Dawlad Mideysan/ UNITARY STATE” waxaa talada dalka si buuxda gacanta ugu hayo Xukuumadda qura ee Dalka uga arimisa Caasimadda Qaranka. Inkastoo talada dalka laga hago caasimadda ,hadana dawladu waxay kubaahisaa maamulkeeda dalka intiisa kale iyadoo adeegsanayo hab-maamul oo aan markazi ahayn(administrative decentralization) waana in ay dawladdu  uxil saarto maareynta gobalada dalka Goleyaal Deegaan oo ay dadka deeganada soo doortaan. ntabadan habkan waxaa kudhaqmo dawladaha casriga ah ee tixgaliya maabaadi’da maamul wanaaga, laakin sidoo kale qaar badan oo kamid ah dawladaha waxay adeegsadaan hab maamul dhexe ah(central administrative) oo ah in ay dawladu ka maamusho gobalada caasimadda si toos ah, una magac awdo Gudoomiyaal /Barasaabyo .

Sida la ogsoonyahay  Dawladaha Caalamka, marka laga reebo 27 dad ayaa ah Dawlado Midaysan. Habkani waa  mid ka ilaalinayo dawldaha in ay si sahlan uqaybsamaan ama ay kala dhantaalanto awooddoda xiliyada adag ee soofoodsaaro Dalka.

Qore: Adam Abdi Hussein

adam.abdif (oo ah @ ) gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.