Home » Warar »

Midowga Afrika oo Soomaaliya u soo Magacaabey Ergeyga Gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

iyo Safiirkii DF Soomaaliya u fadhiyey Ingiriiska oo loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda DF Soomaaliya….

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk July 11, 2014

afrika6· Midowga Afrika ayaa u Magacaabey Siyaasi u dhashey Wadanaka Nayjeeriya in uu noqdo Ergeyga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Maman Sedikou ka dib markii uu Xilkaas iaka Casiley Bishoo hore Maxamed Saalax Nadiif , waxaana la sheegey in Gudoomiyaha uu noqon doono ninka ugu sareeye Howgalka Amisom , hadii aan dib u Qooraanso Taariikhdiisa waa Dhaqaalyahan , Siyaasada iyo Xiriika Caalamiga ah ku ku takhasusey, waxaa u hore uga so shaqeeyey Banki-ga Adduunka iyo Hayada Mareykanka u qaabilsan Kaalmada USAID, waxaa uu haystaa Shahaadada BHD dhinaca Saxaafadda waxaana u soo noqdey Agaasimaha warfaafiinta ee Dalka Nayjeeriya sidoo kale waxaa uu soo noqodey Danjiraha Nayjeeriya u fadhiya Maeykanka

· Wasirka Maaliyada ee Dowladda Federaalka Xuseen Cabdi Xalane ayaa gaarey Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ,waxaana la sheegey in inta uu joogo Magaalada Kismaayo uu kulamo la qaadan doono Maamulka Juba ee uu Hogaamiyo Axmed Modoobe , waxaana Safarkaan uu ku soo beegmey Xili Mamulka Jubba uu sheegey in loo baahan yahay in Kaalmada la siiyo Dowlada Fedraalka si siman loo qaybiya gaar ahaan Maamulada ka jira Dilka Soomaaliya, sidoo kale warar baa sheegaya In Wasiirka Maaliyada uu doonayo in la wanaajiyo Xiriirka Dowlada iyo Maamul Jubba .

· Saacado kama soo Wareegin markii Dowladda Subixi hore Arbacadii ay Agaasimaha Nabadsugida u Magacowdey si ku meel gaar ah Maxamed Xaamud hase yeeshee Wareegto soo baxdey Gelinkii Dambe ee Shaley in Agaasimaha Nabadsugida Magacowdey Cabdulaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) oo ahaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ingiriika hase yeeshee Qaar ka mid ah Siyaasiyinta Soomaaliyeed ayaa si aad ula yaabey agacaabistaan iyagoo sheegey in Dowlada Xasan Shiikh ay ku Xadgudubtey Nidaamnkii Wax qaybsiga Beelaha Soomaalyeed hadaba la arkii doonee waxaa Hayadda Nabadsuida uu ku soo Kordhiyo Sanbaloolshe

· Afhayeenka Xarakada Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Shiikh Cali Dheere ) ayaa mar uu ka hadlayey Weerarakii ka dhacay Madaxtooyada ragii Fuliyey Howlgalkaas qaarkood Dib u soo laabteen , waxaa uu sheegey in Weearakaas ay ku dileen Ciiidamo fara badan oo isugu jira Dowlada iyo Amisom , sidoo kale waxaa uu sheegey in Weerarkaas Bartilmaameedkii laga lahaa laga gaarey, islamarkaana qaar ka mid ah kuwii ka qayb qatey Weerarkaas ay dib ugu soo laabteen halkii loogu talagaley , waxaa uu sheegey in markii uu dagaalkii sii qaraaraadey ay u soo Gurmadeen Ciidamo Cadaan ah oo uusan sheegin Dalka ay u dhasheen.

· Gen Cabduqaadir Shiikh Cali Diini oo hore u soo noqdey Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheeegey in loo baahan yahay in la tayeeyo Ciidamada Xooga Dalka waxaa uu intaa ku darey” Ciidamo Shisheeye Nabad kuu soo celinmaayaan ee waa in Xooga la saaraa Dhismaha Ciidamada Shisheeye balse inta la leeyahay Ciidamaop Shisheey ayaa wax noo qabanay marnaba lagama yaabo in Nabad la helo “ waxaa uu u soo jeediyey Beesha Caalamka in gacan ka geystaan dib dhiska Cidamada Xooga Dalka Soomaaliya

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Beled weyne ee Goboka Hiiraan waxay sheegayaan in Tuulada Deefow ee Galbeedka Magaaladaas uu Dagaal ku dhaxmarey Laba Beelood oo halkaa wada dega , waxaana la Xaqiijiyey in Dagaalkaas Beeleed ay ku dhinteen ilaa Lix Ruux waxaana ku dhaawacmey ilaa 14 Qofood oo dhinacyadii Dagaalamay , Dagaalkaan ayaa la sheegey in uu salka ku hayo Dhul Daaqsin oo mudooyinkaan isku haysteen Labadaas Beelood , waxaana Dagaalkaan uu ku soo beegmey Xilli lagu Guda jira Bishii Barakeysan ee Ramadaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.