Home » Warar »

Muqdisho oo lagu Diley Garyaqaan si weyn looga yaqaan Dalka.

Dowladda Federaalka ayaa faahfaahin ka bixisey Weerara lagu ekeeyey Xaraunta Madaxtooyada ….
Madaxeynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xilkii ka qaadey Agaasimihii Madaxtooyada

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 9-7-2014

· Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley mid ka mid ah Qareenada Soomaaliyeed kaasoo lagu Magacaabi jirey Cawil Axmed Xabad, dilkaas oo ka dhacay Degmada Degmada Dharkeenleey waxaana la sheegey in Kooxihii Diley Avv Xabad ay ka baxsadeen Goobta ,waxaana soo gaarey halkii lagu diley Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyadoo halkaa ka bilaabey baaritaano , tan iyo markii ay dhalatey Bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay Dilal, Qaraxyo iyo Dagaalo

· Dowladda Federaalka ayaa faahfaahin ka bixisey Weerara lagu ekeeyey Xaraunta Madaxtooyada ee Dowladda Federaalka waxaana Weerarkaas ka damebeyey Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab oo Dowladu ku sheegtey in ay Tiradooda gaarayeen ilaa Afar Askari kuwaa oo ku labistaa Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka , waxay dowlada sheegtey in uu Fashilmey Weearakaas halka Xarakada Alshabaab aya sheegeen in Weerarkaas ujeedkii laga lahaa laga gaarey, Dhinaca kale Dowlada Mareykanka Warsaxaafadeed ay soo saartey ayey ku Camabaareysa Weearakaas lagu qaadey Xarunta Madaxtooyada

· Dowlada Federaalka ayaa markii uu dhacay Weerarkii Madaxtooyada waxay deg deg u Magacowdey Wasiirkii Amniga oo Tan iyo markii uu Iscasiley Wasiirkii hore ee Amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed, Jagadaas way banaaneyd waxaana loo magacaabey Khaliif Axmed Ereg oo hore uga soo shaqeeyey Ciidamada Nabadsugida isagoo soo qabtey Xilka Guddomiyaha nabadsugida ee Gobolka Banaadir, sidoo kale Dowladda Federaalka waxay erisey Taliyayaashii Nabad Sugida iyo Booliiska Bashiir Maxamed Jaamac iyo Gen Cabdixakiim Daahir Saacid ka dib markii lagu eedeeye Amni Xumida Dalka waxaana taliyaha Nabad Sugida loo magacaabey Maxamed Cabdulaahi Xaamud taliyaha Booliiska waxaa loo Magaacaabey Maxamed Shiikh Xasan Ismaaciil.

· Wararka naga soo gaaraya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in halkaa lagu qabtey gaari walaxa Qarxa ka buuxaan kuwaa oo la sheegey in ay wateen Shan nin, warka waxaa uu intaa ku darayaa in gaariga iyo Waxa uu watey ay haatan ku Xiran yihiin Saldhiga Magaalada Guriceel Xarakada Alshabaab ayaa markii ay Curatey Bisha barakeysan ee Ramadaan waxay laba jibaartey Dagaalka , Qaraxyada iyo Dilalka ,waxayna Xoogooda saareen Magaalada Muqdisho oo ay ka dhaceen Weeraro , Qaraxyo iyo Dilal.

· Madaxeynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Xilkii ka qaadey Agaasimihii Madaxtooyada ee Dowlada Federaalka oo lagu Magacaabi jirey Taabid Axmed ,waxaana lagu bedeley nin la yiraahdo Cali Cumar ( Cali balcad ) oo lagu tilmaamey aqoonyahan degan dalka Mareykanka, Agaasimiihi hore ee Madaxtooyada Taabid ayaa Xilkaas hayey Muddo hal sanno ah , waxaana Xil ka qaadistaan ku soo beegantey Xili Laba jeer Xarakada Alshabaab ay weerareen Xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Muqdisho oo lagu Diley Garyaqaan si weyn looga yaqaan Dalka. "

  1. Samira says:

    Dambiilaha maahan inuu helo gabaaad ama meel ku caawisa inuu waxyeeleyo shacabka. Qofkii Qof dhibaa ama dilaa waxaa loo baahna in Cadaaladda la horkeeno si loogu qaado dabmiyadda uu ka galo/galey shacabka. maalinkasta qof aqoonyahan ah ayaa la dilayaa, mana jirto cid loo qabto dilkaasi..Waa in Dowladda sameysaa Baaritaan si loo horkeeno dambiilayasha Maxkamad, laguna qaado damigooda…