Home » Warar »

Minneapolis: Gudoomiyaha Degmada 6’aad Abdi Warsame Oo Meel Mariyey Sharciga Takaasiilayda (Taxi/Cab)

Minneapolis : Gudoomiyaha Degmada 6’aad ee magaalada Minneapolis, Mudane Abdi Warsame ayaa maanta gudiga horumarinta bulshada ee golaha degaanka horgeeyey xeerar cusub, cinwaankiisu yahay 13 cutubka 341. Xeerarkaan ayaa isugu jira kuwa cusub iyo kuwa hore oo dib u habayn lagu sameeyey, loogana gol leeyahay in culayska laga qaado darawalada iyo mulkiilayaasha gawaarida takaasiilayda (Taxis).

image

Sharciyadaan cusub ayaa markii u horaysay u fasaxaya takaasiilayda in gawaaridooda ay dhigtaan wadooyinka magaalada, dhimaaya inta jeer gawaaridooda la kormeero (inspections) islamarkaana kordhinaaya sanadaha ay gawaarida taxi noqon karaan. Takaasiilayda magaalada Minneapolis horay looma ogalayn in ay dhigtaan guryahooda hortood, iyagoo la kormeeri jiray gawaaridooda (inspection) 2 jeer sanadkii, markiiba laga qaadi jiray $135.00. Sidoo kale gaariga taksiga noqonaayo da’diisu 6 sano iyo ka yar inuu noqdo ayaa xeerkii horay dhigi jiray halka xeerka cusub dhigaayo 10 sano iyo dheeraad.

image

Abdi Warsame oo maanta horgeeyey sharcigiisi cusub golaha degaanka ayaa si qiiraysan ugu dooday darawalada takaasiilayda isagoo golaha ka dhex sheegay inuu ka damqaday culayska ay magaalada ku hayso darawalada iyo mulkiilayaasha ka ganacsado takaasiilayda.

Gudiga dhaqaalaha ee golaha degaanka ayaa cod u qaaday xeerarkaan cusub islamarkaan ansixiyey isla maanta. Xeerarkaan cusub ayaa markale cod loo qaadi doonaa kala-fadhiga golaha degaanka taarikhdu markay tahay 07/18/2014. Waa sharcigii ugu waynaa ee la horgeeyo golaha degaanka sanadkaan iyadoo la filaayo in saameyn weyn ay ku yeelato 1400 ee darawalo u badan Somaali iyo qoysaskooda.

Qodobada kale xeerarkaan ku lifaaqan ayaa ah:

– baabi’inta Cab Stand Permits (oo lacag dhan $200.00 kharaj ku bixi jiray sanadkii)

– Dhiminta kormeerka gawaarida ee 2 jeer sanadkii ahaa oo hal jeer laga dhigay ($135.00 baa sanadkii darawalada uga bixi jiray.)

– U ogolaanshaha in kormeerka ama (inspection) ay ka samaysan karaan garageka ay rabaan.

– U ogolaanshaha gawaarida in ay dhigi karaan meterada down townka ka baxsan.

– U ogolaanshaha in gawaarida ay dhigan karaan wadooyinka magaalada islamarkaana ay u isticmaali karaan danahooda shaqsiyeed.

– Baabi’inta trip sheets wax loo yaqaan.

– Baabi’inta drop safes.

– Baabi’inta DOT Medical Card

– Baabi’inta claasyada ay magaalada ka qaadan jireen ($35 ugu fadhiyey darawalada, $15 companiyada)

Iyo qodobo kale. Guji linkiga si aad u akhrisid sharcigaan:

https://www.documentcloud.org/documents/1210719-chapter-341-taxicabs.html#document/p16/a164693

Sumaya Mohamed

Minneapolis City Council

Ward 6

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.