Home » Warar »

Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa Muqdisho ku diley mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahayd

Kabtankii ugu Horeeyey ee Kubada Cagta Maxamed Aadan Khalaf Shongole oo lagu Aasey Duleedka Magaalada Muqdisho.

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.

Somalitalk 8-7-2014

· Kooxo Bistoolado ku Hubeysan ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku diley mid ka mid ah Xildhibaanadii hore ee Dowladii ku meel gaarka ahaa kaasoo lagu Magacaabi jirey Cumar Yuusuf Caliyow ( Cumar Bagadi ) Dilaka oo ka dhacay Degmada Wadajir waxaana la sheegey in Kooxihii Diley Cumar Bagadi ay ka baxsadeen Goobta ,waxaana soo gaarey halkii lagu diley iyadoo halkaa ka bilaabey baaritaano , Todobadkii hore ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu diley Xildhibaan ka tirsan Dowladda Federaalka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Xayd

· Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlamaanka Maxamed Shiikh Maxamuud iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa ka qayb galey Shir looga hadlayey Amaanka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdishoo oo Maalmahii ugu dameeyey ay ka dhacayeen dagaalo , Qaraxyo iyo Dilal Qorsheysan , waxaana kulankaas ka qayb galey Qaybaha ka duwan ee Laamaha Amniga , Xildhibaano iyo Wasiiro waxaana la sheegey in eedo la isku weydaarsadey oo ku aadan dhinaca Amaanka iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu sheegey in Hayadaha Amaanka ay ka soo bixi waayeen sugida Amaanka Muqdisho. Sidoo kale Raiisul Wasaaraha oo ka Hadley Kulankaas ayaa iska difaacay Eedeemaha loo soo jeediyey Xukuumadiisa isagoo Howsha socota ku tilaamey mid ka horeysey.

· Maxakamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Xukun Dil ku ridey nin la sheegey in uu ka dambeeyey Qaraxii Nofembe e Sannadkii hore ka dhacay Hotelka Maka Al – Mukaama ee Magaalada Muqdisho , waxayna Maxkamadu sheegey in Caawiye Axmed Jaamac oo ka soo jeeda Gobolada Waqooyi Galbeed uu qirtey in uu ka Dambeeyey sidoo kale waxay sheegtey in Maxkamada ay keentey Dukumentiyo la xiriiro sida uu u dhacay Qaraxii ka dhacay Hotelka Maka Al- Mukarama

· Waxaa Magaaalada Muqdisho ku Geeriyoodey Kabtankii ugu horeeyey ee Kubadda Cagta ee Soomaaliya Maxamed Khalaf Aadan Shongole oo Maalmihii ugu Dambeeyey ku Xanuunsanayey Magaalada, waxaa uu ahaa shaqsi muddo ku soo dhex jirey Ciyaaraha isagoo inta uusan Xanuunsan uu qaban qaabo ugu jirey Tartanka Ciyaaraha Gobolada Gaar ahaan Halka uu ka soo jeedo Shongole ee Gobolka Shabeelada Dhexe iyadoo mar la wareystey waxaa uu sheegey in Sannadkii 1943 dii u bilaabey Kubada Cagta ,waxaana halkaan Tacsi uga diraya Bahda Isboorti waxayna leeyihiin Qoyskiisa Samir iyo Iiimaan ka siiiyo isagana Janadii Fardowso. Saakey ayaa lagu Aasey Qabuuraha Macalin Nuur ee Km 13

· Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa furey Shir looga hadlayey Xeer Saxaafadda oo ay soo qaban qaabisey Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka, waxaana Kulankaas ka qayb galey Qayabaha ka duwan ee Bulshada Rayidka, Ururada Saxaafadda, Hayadaha Xaquuqda Aadanaha iyo qaybaha kale duwan ee Warbaahinta, Raiisul Wasaaraha oo ka Hadley Kulankaas ayaa waxaa uu ugui Baaqey Saxaafadda Soomaaliyeed in ay taageeraan Saxaafada islamarkaana ay Dowladda kala shaqeeyaan Arrimaha Amaanka

· Iyadoo Shaley uu Banaanbax uu ka dhacay Magaalada Nairobi oo looga soo horjeedey Amaan Xumida ka jirtey Dalka ayaa Raila odinga waxaa uu u soo jeediyey Dwolada Kenya in ay Ciidamadeeda ka soo saarto dalka Soomaaliya Raila oo Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka CORD ,waxaa uu intaa ku darey “ Waa wax aan la aqbali Karin Amaandrada ka jirta dalka Kenya waxaa xaqiiqo ah in Dowlada uu Hogaamiyo Uhuro Kenyatta ay ku fashilmeen Sugida Amaanka Dalka , tan iyo markii ay Dowlada kenya Ciidamadeeda u dirtey Soomaaliya waxay la ka bixi weyso Dagaalo , Qaraxyo iyo Dilal.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.