Home » Warar »

Golaha Wasiirrada oo kulan la qaatay laamaha ammaanka dalka iyo Gudiga Difaaca ee Baarlamaanka

Muqdisho, ….Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyayaasha laamaha Ammaanka, Maamulka gobolka Banaadir, Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka, ayaa xalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

Furitaanka kulanka waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, wuxuuna ka warbixiyay kulan uu lasoo qaatay Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka, iyo Xildhibaano, kaas oo looga hadlayay qaabka ugu habboon ee si wadajir ah looga hortagi karo fallalka guracan ee ay geysanayaan kooxaha Nabad-diidku, waxaana uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso sugidda ammaanka, isla markaana uu kulankani yahay mid ay tallooyin isku weydaarsanayaan Xukuumadda, Gudiga Difaaca Baarlamaanka iyo laamaha ammaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dalbaday hey’addaha amniga inay fuliyaan go’aamadii kasoo baxay kulamadii hore ee ammaanka looga hadlayay isla markaana ay kaashadaan shacabka si looga guuleysto fallalka uu cadowgu maleegayo.

Dhinacyada kasoo qeyb galay kulanka ayaa dood ka yeeshay qaabka looga hortagi karo weerarada ka imaanaya kooxaha Nabad-diidka bisha barakeysan ee Ramadan, waxaana ay isku raaceen in la xoojiyo howlgalada laga sameynayo magaalada Muqdisho,

Kulanka markii uu soo dhamaaday kaddib waxaa Saxaafadda la hadlay Wasiirka Difaaca, ahna ku simaha Wasiirka Amniga Qaranka mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxuuna sheegay in laysku afgartay in ay qaadaan tallaabbooyin wadajir ah oo Xukuumadda iyo Laamaha Amaanka ku xaqiijinayaan Nabadgalyada.

Ku-simaha Wasiirka Amniga Qaranka ayaa ugu baaqay bulshadda Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan sugidda amniga Caasimadda , waxaana uu xusay in dhawaan magaalada Muqdisho laga hirgelin doono baro ay kusoo wargeliyaan shacabku Ciidamadda ammaanka si looga hortago falku intuusan dhicin ka hor.

—DHAMAAD—
July, 07, 2014

Axmed-nuur Maxamed
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.